Home » Warar »

Maxamed Farmaajo “Waxaan ku Baaqayaa in Wadahadal lala galo Xarakadda AlShabaab si bal Xal Loo gaaro”

Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waraysi siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ka hadlay arrimaha Soomaaliya,Farmaajo ayaa ku baaqay in wada hadal lala galo Xarakada Shabaab bal si loo gaaro Xalka Soomaaliya isagoo dhinaca kalena sheegey in Dagaalku uusan Xal noqoneyn.

Raiisul Wasaarihii Hore Maxamed farmaajo ayaa soo qaaday xiligii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa Soomaaliya wuxuuna sheegey in si Dipolumasiyad ah Boqolaal ka garab dagaalamayay Xarakada Shabaab ay kaga soo saareen taasoo uu sheegey in ay u fidiyeen Cafis isla markaana Lacago Mushaaraad iyo wax barashaba loogu deeqay Dhallinyaradii ka soo goosatay Shabaab.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegey in ay xakameeyeen Askartii ka tirsaneed Dawladda Federaalka Soomaaliya oo u goosan jirtay dhinaca Xarakada Shabaab arrimahaas oo dhan guulo laga gaaray, Farmaajo ayaa ugu baaqay Xukuumadda iminka jirta in ay raacaan wadadii ay jeexeen xiligoodii isagoona mar kale ku celiyay si loo ogaado Shabaab waxa ay doonayaan in Miiska lala fariisto lana wada hadlo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegey in iminka ay jiraan Fursado Khilaafka labaatan jirsaday lagu xalin karo sidaa darteedna looga baahan yahay Xukuumadda in ay xogga Saarto sidii dhalinyarada Soomaalida ee Shisheeyuhu dagaal gelinayo looga soo saaro.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegey in Soomaalida ay yihiin Dad walaala ah isla markaana arrimahooda ka wada tashan kara isagoona ugu baaqay dhallinyarada Xarakada Shabaab in ay joojiyaan Dagaalada ay dabada ka riixayaan Dadka ajaaniibta ah waxna la qaybsadaan Walaalahooda,Xarakada Shabaab ayaa marar badan ugu gacan seyrtey in wax wada hadal ah ay la galayaan Xukuumadda iyagoona sheegey keliya in ay wada hadal galayaan marka Ciidamada Shisheeye waddanka laga saaro la isuguna yimaado in Shareecada Islaamka waddanka lagu maamulo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.u

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.