Home » Maqaallo »

TACSI:MACALIN DAAHIR AWEYS ALLA HA U NAXARIISTO

Sh. Maxamed Idris Axmad: Naf walbaa geeri waa dhadhamineysaa, Ilaahay xaggiisa ayaana loo wada noqonoyaa. Innaa Lilaah wa inna Ileyhi Raajicuun..Macalin Daahir Aweys Ilaahay naxariistii Janno ha geeyo, daraja sarena Allaha siiyo, Eheladiisii iyo Qaraabadiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. macalin Daahir wuxuu ahaa nin Ilaahay cimrigiisa barakeeyey, qoys wanaagsan ayuu Ilaahay asaas uga dhigay, durriyad badan oo wanaag iyo diin ku tilmaamanna Ilaahay wuu ka beeray.

Waxaan is leeyahay barakada Qur’aanka Kariimkaa ee uu ku dadaalay ayaa Ilaahay wax badan ku siiyey. qur’aankana wax badan oo wanaagsan ayaa Ilaahay ku bixiyaa.. Qawmna Ilaahay kor ayuu ugu qaadaa, kuwana hoos ayaa loogu dhigaa. Waxaan rajaynayaa Macalin Daahir Allaha u naxariistee inuu Ilaahay ka dhigo kuwa Qur’aanka kor Ilaahay ugu qaaday..

Waxaan uga tacsiyaynayaa dhammaan reer Macalin Daahir oo uu ugu Horreeyo Sh. xasan Daahir Aweys, iyo Dr Axmad Daahir Aweys, iyo dhamaan ehelada iyo durriyadda Macalin Daahir..

Waan jeclaa markii aan Muqdisha tagaba inaan Macalinka soo booqdo, intii uu dhaqdhaqaaqa lahaa, ama uu Masaajidka tegi karey sanadihii lasoo dhaafay, isagoo aad u culus, ayuu jeclaa Masjidka inuu tago, mar aan Masaajidka labada dabaq ee dhinaca huriwaa u dhow habeen muxaadaro ka akhriyey sheekh xasanna wuu joogaye, ayaan soo qaadnay dibadda inaan ka imi oo Sh. maxamed Rashaad Allaha u naxariistee aanu meel wada joogney, markaasuu iiga sheekeeyey Macalinkuu inuu soo koriyey Sh. maxamed Rashaad, markii uu agoonoobey, adeerna uu u ahaa, iyo inuu Qur’aanka baray.

Macalin Daahir nin Qur’aanka jecel inuu ahaa waxaad ku garan kartaa, durriyadiisa sida uu Qur’aanka Kariimka ugula Dadaaley, dhamaantoodna ay u yihiin dad Qur’aanka haya, Ilaahayna cimri siiyey ilaa uu ka arko ilaa 4 fac oo isaga iyo durriyadiisi iyo kuwey dhaleen iyo kuwey sii dhaleen. Wuxuuna aad u jeclaa dardaarankii Nebiga Caleyhi Salaatu Wasalaam ee ahaa in Durriyadda la badiyo inuu fuliyo dadkana ku dhiiri geliyo. Mar uu Macalinku soo xajiyey oo, Makka nala joogey ayaan xusuustaa inuu gabadh Sh. xasan Daahir Dhalay nin dhalin yara ah oo jaamacadda dhiganayey ku meheriyey, oo ku yiri: gabadhaa ini adeertaa ah guurso.
Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Macalin Daahir aweys janaatul firdows geeyo, eheladana samir iyo ajar ilaahay siiyo. Aamiin.

Sh. Maxamed Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.