Home » Gabay »

Qabyo kuma Ebyoontee Dagaal Qoriga Noo Tiirsha

waa gabay qiimo badan, Dhagayso|
Waa Gabay uu hal abuurkiisu ku farayaraystay, kuna gadaaman suugaan sarbeeb hu looga dhigay, maah maana galbin looga dhigay, qisooyina lagu qalabeeyey, gabaygaan wuxuu gacma gacmeeyey meelo farabadan, wuxuuna curiyuhu cabirayaa in ummadiisii ka daashaybalaayada 20 jirsatay, adaanaha casrigan noola uu qalinka ku dagaalamo kuna kala adkaado, gabyaagu wuxuu lahadlayaa ummada Soomaaliyeed qayba heeda kala duwan isagoo leh, colaad waan tijaabinay, caga gubyadeediina waan haynaa ee nabad matijaabinaa si mar’uun ehelka kala abaadday/kala erdhoobay ay uwada qax weeyaan, qofkastana uu  haasaawa saamigiisa ka qaato 20 sano ee caguhu ummada u koreeyeen wixii uu la kulmay iyo intuu qaarado ka dhacay.

” Qowsaar wadaniyaa karoon qaarad kale jooge ” hadaladaas waa qayb gabayga ka mid ah.  Gabyaagu waa Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Ow-Xuseen loona yaqaan (C/raxmaan Shaacir) oo kamida Gabyaasha da’ada yar ee Soomaaliyeed, markaadse gabaygiisa dhuuxdo, wuxuu ka haray odayaashii hore ee ruug cadaaga ahaa ayaad is oranaysaa.  Gabayga C/raxmaan Shaacir dadbadan mafahmaan maadaama Sarbeebta iyo is barbardhigida qisooyin horay u dhacay iyo kuwa haatan taagan ay u tahay nooca uu gabayga u tiriyo, nasiib wanaagse Abwaan C/raxmaan Shaacir isagaa gabaygan hordhac usameeyey. kana hadlay sababta ku kaliftay. Waxaanse hubaa hadaad tahay Soomaali xiligan nool, kuna celceliso dhowr goor in aad nuxurka la bixi. Maah maah horaa ahayd “Dhayda dhan xoorku isagaa kuusoo dhici” Gabygaan Cabdiraxmaan Shaacir wuxuu ku tiriyey Minneapolis 01/10/2012. Dhagaysi Wacan.

Halkan ka dhagayso Gabayga

Hagaajin iyo hordhac Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Qabyo kuma Ebyoontee Dagaal Qoriga Noo Tiirsha "

  1. Gabay aad u macaan, murti iyo xikmad micne wayn leh, ka soo maaxday maskax diin mukhlis iyo daacadnimo marax tiran meel ku kulansatay, Allah Mowlaheenna ah ee Macbuudka ah ajri iyo abaal aan xisaab lahayn ha ka siiyo walaalkeen siduu Xaqa ugu hiilliyay, maanso farshaxan sare leh weeyaan oo aan muddooyinkaan dambe la arag raggii hadalka sidaas miigganaanta leh isugu muujin jiray ee af-soomaaligoodu barax-tirnaa. Waxaan leeyahay MaashALLAAH, Rabbigay ha ku barakeeyo, caqligaaga iyo cilmigaagana Allah ha kuu siyaadiyo; gabay haddii Soomaali wax loogu sheegi lahaa Allaylehe waad u sheegtay. Khayr Allah ha ku huwiyo. Aammiin. Assalamu Calaykum.

  2. samajecel says:

    Masha-ALLAH gabay qiiro iyo qiima badan,walaalkeey halkaa kasii wad wacyi-gelintiina.

  3. Mideeye says:

    Maanshaa alaah waagabay qiimo badan.