Home » Faallo »

Maxaa Culimada Soomaaliyeed Loola Colaytamay?

Culimadu waa dadkii dhaxlay risaaladii iyo fariintii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaatee uu la yimid. Waa iftiinka iyo ilayska wax lagu ifsado, xaqa iyo baadilkana way kala cadee yaan, waxaase xusid mudan in ay yihiin adoomo ilaahay oo gafaya asiibayana, wixii ay ka waa faqaan kitaabka iyo sunnada waa lagu raacayaa, wixii ka khaldamase lagu raaci mayo. Wixii ka qaloocda culimada, waxaa gudboon si hufan oo cilmi iyo xujo ku dheehantahay  inay u iftiimiyaan culimada kale oo lamajaalka ah, caamase boos ugama banaana sixitaanka culimada.

Walaalayaal waxaan wada ogsoonahay maantay sida layaab kale oo loogu xadgudbay Culimadii Soomaaliyeed oo naga mudnaa qadarin iyo ixtraam, walibana dhiigoodii loo banaystay. Waxaan xasuusanahay oo Wali dhagaheena ka dhawaaqaysa musiibadii murugada badnayd ee lagu la kacay Caalimkeenii Shiikh Dr. Axmed Xaji Cabdirixman ilaahay ha u naxariistee. Haddaba Waxaa inala gudboon inaan iswaydiino maxaa loola colaytamay Culimada, yaase la colaytamay, maxaase ka dhalanaya cadaawadaas iyo colaytankaas? Waxaan isku dayidoonaa su`aalahaas inaan ku ishaaro qormadaan kooban.

Yaa Culimada la colaytamay?

Culimada waxaa la colaytamay dad ula jeedooyin  kala duwan leh, balse ka midaysan Colaytankooda iskunatiijana xaqiijinaya:

Qaybta koowaad, waa gaalo, waxaana colaytankaasu salka ku hayaa   loolanka u dhaxeeya xaqa iyo baadilka, waxay gaala ogsoon tahay dadka hormuudka u ah majaraha saxda ahna u haya xaqa inay yihiin dadka ahlu cilmiga ah, oo iyagu aqoonta durugsan u leh shareecada islaamka. Arintaasu runtii waa marqaati ma doonto, taariikhdeena waxaan in badan ka dheehanay sidii ay gaaladu ula dhaqmayeen Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaatee, oo ay ishaacaad, beenabuur, hagardaamo, iyo dilba ay ugu wadeen, waxay kula colaytameen xaqa ayuu ahaa. Alle subxaanahu watacaalaa qur`aanka ayuu inoo kugu bayaaniyey inaysan beeninayn nabiga balse ay diidan yihiin aayaadka ilaahay.

Qolada labaad, oo culimada la colaytantay waa dadka qalbigooda nifaaq, iyo calmaaniyo ay buuxisay, waxayna ku qanacsanyihiin qaabka gaaladu u noo shahay,markiii ay culimada ka digaan shubahaadkooda iyo qaswulfikrigooda, in badan ayaa colaytan ka muujiya,jeesjees iyo xadgudubna u geysta culimada.

Qolada Saddexaad waa ahlu bidaca oo noocya badan, qolobana meel ku ibtilaysantahay, waxaase isuhaya oo ay ka midaysanyihiina quliwi iyo xadgud, Waxayna qoladaanu isu aragtaa inay diinta ilaahay u gargaarayso, balse runtii afcaashooda waa wax ka fog  manhajkii ilaahiga ahaa oo uu Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha haatee nagu hagayey. Waxaa xusidmudan inay gaaladu labada qolo oo dambe ay siyaaba kala duwan u adeegsato ujeedooyin koodiina ay u fulinayaan si cad ama si siloon.

Haddaba waxaan layaab lahayn colaytanka gaalo u muujisay culimada ilaahay taqaan, arrintaas in laga cowdana  garma’aha. Cilmaaniyiin laftoodu gaalo inay ku hoosnabnaadaana waa lagu yaqiin layaabna ma leh hagardaamadoodu, balse kuma dhiiranjirin culimada layntooda marka laga yimaado dowladii dhacday sagaashanaadkii.

Waxaase layaab noqotay ahlu bidaca iyo munxariifiinta qolooc diineed uu galay inaysan u daahey dhaawaca  sharafta qofka muslimka ah iyo waliba dhiigiisa. Balxasuusta intee la agoomeeyey dhalaan, intee arday aduunka la dhaafi yey, intee la qaxiyey haween iyo maato, intee loo baylihiyey shacabkii soomaaliyeed xeryagaalo  intee culimadii ummadaan cilmi, iyo caqliba  u ahayd laga horqaaday. Hadaad tiraahdid dhibkaan nagaaray gaalo ayaa nagaarsiisay, waxaan ku leeyahay haa walaal gaalo waa nagaarsiisay waana ka filanayney, balse walaalkay muslimka ah kama filanayn, umana cabanayo gaalo ee walaalkay baan leeyahay sidatanu saxma ahee ka joog  diinteenuna ma qabto dhibka in la dhimo mooyee in la kordhiyo .Raga ku tagrifalaya masiirka ummada waxaan leeyahay talada ku celiya dadka xaqa u leh oo ay hormuud ka u yihiin Culimadu. Ogalaada ummadu inay ka tashato aayeheeda, cadowgeedana ay u midowdo ilayn  midno la`aan guul kuma mudanaynee.

Maxaa Culimada Soomaaliyeed Loola Colaytamay ?

Walaalayaal gaalo maxay culimada ula colaytantay iswaydiinmayno, munaafiqiin, calmaaniyiin iyo wixii la halmaama maxay culimada ula colaytameen iswaydiin mayno, balse waxaan halkaan ku taxliilinaynaa qolada inxiraafka iyo qolooca diineed ku ibtilaysan maxay culimda ula colaytameen. Asbaabaha culimada loola diriray waa badanyihiin balse aan ishaaro dhowr qodab;

1. Culimadu  markay arkeen in quliwi iyo inxiraaf diini ah saaxadii hareeyey, waxay go`aansadeen inay towjiihi yaan dhalinyarada una nasteexeeyaan, ugana digaan qaloocaas diineed, taas waxaa markhaati u ah kulamadii ay ku qabteen gobolada Soomalia qayba badan oo kamida, sida; Muqdisho, Bosaso, Garowe, Hargaysa ,Burco, Boorame ,Laascaanood iyo meel kale. Kulamadaas ragii hormuudka ka ahaa waxaa ka mid ahaa Dr. Axmed Xaji Cabdirixman oo ku dhawaaqay cod  xikmad, nasteexo iyo xujooyin cadcad ku dheehantahay.

2. Arintaas rag baa qoonsaday, ragaasu waxay rabeen inay la kaliyeystaan bulsha say uga dhaadhiciyaan afkaartooda, qolakale oo la maqlona aysan jirin, culimaduse ayagoo gudanaya waajibaadkoodii way ka diidan wixii dadkoodu ka mudnaana way ku qowleen.

3. Dhalinyaro badan oo aqoontooda diineed ay hoosayso, waxay u qaateen culimada inay jihaad diidanyihiin, taas oo sabatay colaytan baahsan, waxaa ka hoosbaxday culimada wax aan jihaad ahayn oo jihaad loogu yeeray bay diidanaayeene jihaadka xaqa ah ma aysandiidin, mana diidikaraan.

4. Raga culimada colaadiyey hogaamiyayaashoodu  waxay dhibsadeen sida hufan oo cilmigu ku dheehanyhay oo culimada ay ku tasxiixinayaan dhalinyarada uguna caqli celinayaan. Culimadii ilaahay u fududeyey howshaas waxaa ka mid ahaa  walaakeen Dr. Axmed Xaaji Cabdirixman ilaahay raxmadiisa ha ka waraabiyee oo xikmad, iyo hadalwanaag isku darsaday, in badan oo dhalinyaro ahaydna ilaahay dacwadiisii ku hanuuniyey.

5. Raagaas culimada colaadiyey  waxaa  loogu celceliyey culimada, waa murji’ah, waa gaalo raaca, waa culimaa`u suu, mudo ka dibna waxaa loo la qimay in fasaadkooda ummada laga horleexiyo.

Maxaa ka dhalanaya colaytanka noocaan ah

1. Colaytanka culimada waa dhibaato wayn oo runtii aan la fududaysankarin, waxaana ka dhalanaya in aad kitaabka iyo sunnada locolaytamayso, sababtoo ah culimadu waa ku wii dhaxlay rususha.

2. Culimadu waa indhihii ummada, hadaad ku celceliso dhaawaca cirdigooda iyo sharaftooda micnaheedu waxaa weeye inaad ummada ka jeediso, hadii aad ummada ka jeediso culimada waxaad u jeedisay baadi iyo dhunsanaan ee wanaag uma aadan falin.

3. Culimada colaytankeeda waxaa ka dhalanaya ciqaab aduunyo iyo mid aakhiro, intabadana khaatuma xumo ayaa u dambaysa dadka culimada laga reebi waayo.

Ilaahay halaga boqo, diinta ilaahay dadka xambaarsan xurmo bay ina ka mudanyihiin, inooma haboona cirdigooda inaan dhaawacno, dhiigoodana ku faano, dhaqankaas xun khawaarij baa lagu yaqaanay ayagaana ku caan baxay laynta culimada iyo dhaawicida cirdigooda ee intay goori goortahay hala isdabaqabto.

W/Q Mahad Xusen Cali
Email: Ilkacase22@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.