Home » Archive Maalinta January 24th, 2012

Modoobe Nuunow oo shir Gudoomiyey Kulankii Baarlamaanka isla markaana Xukuumada Gaaz u qabtey Muddo Saddex maalmood in ay Baarlamaanka ku Horkeento Road Map-ka

Jan 24, 2012
Waxaa maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho damcey in ay ku kulmaan Xildhibaanadda Taagersan Shariif Xasan Shiikh Aadan hase yeeshe markii ay Warbaahinta ka maqleen ayaa Xildhibaanadda Taageersanaa Madoobe Nuuow ,markiiba ay is waceen waxaa Qola waliba ay dooneysey in aan looga hormarin Xarunta waxaa dhacay in Xildhiaano ka tirsan labada dhinaca ay Xaley ku Hoyeen Xarunta. Xildhibaanadii... 

Wararkii ug Dambeeyey Qarax Nafhurnimo ah maanta ka dhacay Magaaladda Beled Weynoo Khasaarana ka soo gaartey Ciidamo Itoobiyaan ah.

Jan 24, 2012
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Beled weyne ee Gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Saakey aroortii hore Xarunta Gobolka uu ka dhacay Qarax naftii hurnimo ka dib markii Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey uu galey Xarunta Gobola Hiiraan Xiligaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan oo dhawaan soo galey Magaalada Beled weyne Qaraxaan oo si weyne looga maqley Magaalada Beled weyne ayaa wararkii... 

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XIX-aad

Jan 24, 2012
Weerarkii ka bilowdey geeska Afrika oo Talyaanigu uu ku qaadey Itoobiya, iyo kii ka bilowdey bariga-fog ee Jabaanku uu ku qaadey Shiinaha, jamciyaddii caalamiga ahayd (League of Nations) waa ay ka aamustey. Sababtu waxay ahayd dowladaha hor-boodayay jamciyadda (Ingiriis, Faransiis iyo Mareekan) oo aanan xilligaas qorsheysan in ay ka qeyb-qaataan dagaal dunida ka hura. Ingiriiska iyo Faransiiska waxaa... 
Halkudheg:

Maamulka Jaamacada Muqdisho oo Cabasho ka muujiyay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee Dhawaan Fariisimaha ka sameeystay Xarunta Jaamacadaasi .

Jan 24, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka guud ee Jaamacadda Muqdisho ayaa looga hadlay gelintaankii ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay galeen Jimcihii lasoo dhaafay dhismaha Jaamacadda Muqdisho Warsaxaafadeedku wuxuu u qornaa sidan: jaamacadda Muqdisho oo ah jaamacaddii ugu horaysay ee laga furay dalka kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, kuna taalla xarunteeda dhexe degmada Yaaqshiid... 

Talooyinka beeshu ma anfacayaan tolweynaha

Jan 24, 2012
Waxaan dhawaan dib u akhriyey qoraallo farabadan (oo aan la faafin) oo aan dad kala duwan u diray sagaalkii sano ee ugu dambaysey. Waxaan si gaara u danaynayey waxyaabihii aan ka qoray dhacdooyinkii ka soo bilowday 18/02/2006. Laakiin waxyaabaha aan helay waxaa ka mid noqday baaq talobixin ah oo ay rag soo xajiyey u direen beesha ay ka dhasheen, waana xajkii ku beegnaa 1426/2005. Qoraalka waxaa magaalada... 
Halkudheg:

Maxaa Culimada Soomaaliyeed Loola Colaytamay?

Jan 24, 2012
Culimadu waa dadkii dhaxlay risaaladii iyo fariintii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaatee uu la yimid. Waa iftiinka iyo ilayska wax lagu ifsado, xaqa iyo baadilkana way kala cadee yaan, waxaase xusid mudan in ay yihiin adoomo ilaahay oo gafaya asiibayana, wixii ay ka waa faqaan kitaabka iyo sunnada waa lagu raacayaa, wixii ka khaldamase lagu raaci mayo. Wixii ka qaloocda culimada,... 
Halkudheg:

Qabyo kuma Ebyoontee Dagaal Qoriga Noo Tiirsha

Jan 24, 2012
waa gabay qiimo badan, Dhagayso| Waa Gabay uu hal abuurkiisu ku farayaraystay, kuna gadaaman suugaan sarbeeb hu looga dhigay, maah maana galbin looga dhigay, qisooyina lagu qalabeeyey, gabaygaan wuxuu gacma gacmeeyey meelo farabadan, wuxuuna curiyuhu cabirayaa in ummadiisii ka daashaybalaayada 20 jirsatay, adaanaha casrigan noola uu qalinka ku dagaalamo kuna kala adkaado, gabyaagu wuxuu lahadlayaa... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...