Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee UK

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraa DFKMG ayaa u qornaa sidan:

Muqdisho, January 23, 2012—-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Matt Baugh, Ergeyga gaarka ah ee UK. Labada mas’uul ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha roadmap ka iyo horumarka laga sameeyey sida Go’aanadii Garowe (Garowe Principles) iyo shirka 23ka Febraayo lagu wado inuu ka dhaco London.

Ergeyga gaarka ah ee dowladda Ingiriiska Matt Baugh ayaa waxaa ku wehliyey booqashadiisa James Hooley oo arrimaha Soomaaliya u qaabilsan dalka UK. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeynta uga mahadceliyey wafdiga Ingiriiska booqashadooda ay ku yimaadeen Muqdisho, iyo sida ay Dowladda UK ay diyaarka ugu tahay inay beesha caalamka si wadajir ah arrimaha Soomaaliya meel uga soo wada jeestaan oo la filayo shirka 23ka Febraayo inuu noqdo shir wax weyn ka bedela arrimaha Soomaaliya.

Matt Baugh ayaa sheegay in shirka London ee 23ka February lagu casuumay ilaa 40 Madaxda adduunka ah ujeedaduna tahay sidii beesha caalamka ay uga midoobi lahaayeen xal u helida Soomaaliya, ha noqoto dhanka amniga, burcad-badeeda, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dhanka siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaalida ay rajo weyn ka qabaan shirka London loona baahanyahay in shirku uu noqdo mid Soomaalidu ay aayaheeda ku tashaneyso oo beesha caalamku ay ku saacidayaan, loona baahanyahay in shirka uu tixgeliyo horumarka ballaaran ee laga sameeyey Roadmapka.

– DHAMAAD –

Isha: Xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.