Home » Warar »

Faah faahin Dheeraad ah oo ka soo Baxday Dagaaladii ka qarxay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Iyadoo dagaalo waqti badan qaatay oo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda oo gacan ka hel;aya kuwa amisom iyo Xarakada Shabaab ay Xalay illaa maanta ka socdeen Magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah ayaa waxaa soo baxaya warar hor u dhac ah oo khasaaraha dagaalkaas ka waramaya.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo barqanimadii maanta saxaafadda kula hadlay qaybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid gaar haa Jidka Warshadaha ayaa sheegey in Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom oo is garabsanaya ay gaareen Qabuurha Barakaat iyo Dhismihii Jaamacaddii Muqdisho ee Magaalada Muqdisha.

Muxyiddiin Jurus Guddoomiyaha Maamulka Dawladda ee Degmada Yaaqshiid ayaa sheegey in Dagaalkii saaka Ciidamada Dawladdu ay Guulo soo hooyeen isla markaana degaanadaa Ciidamadii ku sugnaa ee Shabaabka ay halkaa ka saareen.
Guddoomiyaha ayaa sheegey in dhinaca Dawladda ay ka dhinteen illaa Shan Askeri halka dhaawucuna uu ku sheegey illaa lix ka mid ah Ciidanka.

Subaxnimadii hore ee saaka ayay ahayd markii Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinaca ah iyo Xarakada Shabaab ay ku dagaalameen Degmooyinka Heli waa iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Ciidamada Dawladda oo markii uu dagaalka bilowdey hadlay ayaa sheegey in dagaalku iyagu ay qaadeen isla markaana dhirbaaxo kulul ay ku dhufteen Ciidamadii Shabaabka ee halkaa ku sugnaa.

Saraakiishan ayaa xiligaas ka gaabsatay in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan Dagaalka iyo siduu u soconayo iyagoona sheegey in dagaalka oo si xawli ah ku socda dartiisa aysan xiligaa wax hadal ah bixin Karin

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegetey in Dagaalka uu bilowdeymarkii Waqti dambe ee Xa;ey ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay dagaal ku soo qaadeen Fariisimo Ciidamadda Dowladda ku laaheen Degmadda Yaaqshiid iala markaan ay iska Caabiyeen sidoo kale waxay sheegeen in Dowladda Federaalka ay ka dileen Sarkaail sare mar ay marayeen wadada ka baxda Carafaad ee Jidka Warshadaha islamarkaan ay Gubeen gaari Parada oo ay wateen Saraakiishaas waxay kaloo shegeen Xarakadda Alshabaab in Saraakiisha Dagaalka ku dilee uu ku jiro Madaxii Saadka ee Ciidamadda Saciid Bare

Dagaalka oo weli soconayaa ayaa Qolo waliba waxay sheeganayaan Guul in ay Dagaalka ka gaareen hase yeeshee Dagaalkaas aya waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dad fara badan oo rayid ah oo Madaafiic ugu tagtey Guryahooda sidoo kale waxaa Isbitaalada la soo gaarsiiyey Dhaawacyo fara badan oo u badanaa Dad Rayid ah hadaba wixii ku soo kordha dib ayaa idiin kula socodsiin doonaa

WD:Amiin Yuusuf Khasaaro
EMail: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail: amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.