Home » Warar »

Markaz As-Sunnah oo laga Dhisaayo Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, Somalia

Markaz Sunnah, waa xarun aad u wayn oo dhismaheedu ka socdo, magaalada Badhan, Xaruntan, aya waxa loogu tala galay Muslimiinta ku dhaqan magaalada Badhan, iyadoo oo leh, Masajid aad u wayn, Maktabad, (Library), Xarumo wax lagu akhristo, ama Cilmi baaris lagu samayn karo, Xarumo muxaadarooyinka iyo wacyi galinta bulshada lagu qaban karo, Goobo wax barasho. Markas ka ayaa mustaqbalka hadii Eebe idmo la sii kordhin karaa.

Magalada Badhan oo ah magalooyinka ugu waa wayn gobolka Sanaag, ee Soomaaliya, ayaa aad u kortay sanadihii danbe, iyada oo xaruntii Jamacada Maakhir na la bilaabay, Sidaas ayaa keentay, in laga furo goobo badan oo waxbarasho , oo kaabayeeye, dhismaha iyo horumarka dad waynaha ku dhaqan magalada Badhan. Sidoo kale dadka Badhan ku dhaqan ayaa aad usoo dhowaynaya Markas kan cusub.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Markas kan oo hada dhow dhow dhamaystirkiisu ayaa waxaa maal geliyey, Maxamed Ahmed Yusuf,( Maxamed Xawar), waxaana dhistay shirkada Hawar Heights uu masuul ka yahay Adam Ahmed Yusuf,(Adam Xawar).

Shirkada Hawar Heights oo shirkad dhismo, ayaa ka fulisay, dhismayaal badan oo casri magaalada Badhan, dhismayashaan oo isku jirta guryo, masaajido, iyo Skuulo iwm.

Waxii faahfaahina kala xiriir
Adam Xawar
Manager,Hawar Heights ,
Badhan, Somalia
Tell: +25258666727

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Markaz As-Sunnah oo laga Dhisaayo Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, Somalia "

  1. mashallah waaye aqyaarta dhistey minankan aadka u nuuraaya dadka oo dhan hadey dadkan lee noqonlahaayeen waxba ma halysmeen weligay idacada kama maqal sanaag fowdaa ka socota ama amison ayaa duqusey noloshay fahmeen dadnkaan.salaam aqyaarta