Home » Faallo »

UUR-DOOX: Qaybtii 4aad:

Mashruuca Islamiga ee Soomaaliya –
Qore. Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar

Alloow naga ilaali gefka iyo xumaha, oo noo hag xagga raalli-ahaanshahaaga (aamiin).

Xaaladdii Ka Taagnayd Caalamka Islaamka:

Waxaan idiin soo tarjumay ararta kitaabkii uu qoray Sh. Maxamad Qudub, oo uu ku sheegay ilbaxnimada Reer Galbeedka (Dimuqraadiyadda) iyo tan Reer Bariga (Shuuciyadda) in ay yihiin jaahilayad halis ah isagoo ku tilmaamay in ay qar iska xoorayaan aadamahana u wadaan meel lagu halaagsami doono.

Haddaad akhrido kitaabka uu qoray Abul-Aclaa Al-moowduudi (allaha u naxariistee) ee layiraahdo ”Annaga iyo Ilbaxnimada Reer Galbeedka”, iyo kitaabka Sh. Abul-Xasan An-Nadwi Dunidu Maxay ku wayday Hoos u Dhacii Muslimiinta, iyo kan kale ee uu u bixiyay “Islaamka aan Dib ugu Noqonno” kutubtaa ma aha kutub fiqi ah ama xadiis ama siiro ah, ee waa kutub la dagaallamaysa duullaan maskaxeedka lagu qabsaday Muslimiinta guud ahaan, iyo gaar ahaan inta wax baratay.

Kutubtani waxay diiradda saarayeen in ilbaxnimada Reer Galbeedka iyo Reer Bariga tahay qalfoof korka laga qurxiyay oo aan mutaysan in iyada darteed loo tuuro Diinteennii toosnayd ee Allah soo dejiyay. Waxa aad ugu soo noqnoqda kutubtaas ”islaamka waa waddo nololeed”. Taas waxa  macnaheedu yahay in meesha laga saaro su’aasha ah (islaamka ma lagu dhaqmi karaa, mise waa diin aan u qalmin in lagu dhaqo Muslimiinta dhaqaalahooda, siyaasaddooda, iyo dhammaan waxa la xidhiidha noloshooda oo dhan?)

Nin kamid ah culimadii dalka Masar oo magaciisa la yiraahdo Sh. Cabdulqaadir Coowdah ayaa qoray kitaab uu u bixiyay “Islaamka oo Dhexyaalla Culimadiisii oo Tabardhigtay iyo Dadkiisii oo aan Aqoon”  waana la dilay. Sh. Sayid Qudub waxaa loo daldalay in uu Islaamku yahay waddo nololeed. Xabsiyada dunida Muslimka waxaa laga buuxiyay wixii laga maqlo kalimaddaas. Xabsiga loo yaqaan Durrah ee ku yaalla dalka Masar ayaa waxaa loo soo galay rag fara badan oo ka tirsan Xarakada Ikhaawnul-Muslimiin, markaas ayaa lagu bilbilay rasaas waxaana ku dhintay boqollaal, maydkoodiina cagaf ayaa godwayn loogu qoday waana lagu duugay. Dhacdooyinkaa iyo kuwo la mid ah waxaad ka akhrin kartaa kitaabka la yiraahdo “ikhwaanul-Muslimiin iyo Xabsiyadii Jamaal Cabdinasir”.

Taariikhahaa kooban waxaan uga jeednaa in ay kuu muuqato sida ay ahayd xaaladda waqtigaa ka taagnayd dunida Muslimka, Soomaaliyana waxba kama duwanayn.

Ururkii Islaamiga ahaa ee Al-Ahal & Kacaankii 21-ka Oktoobar:

Waxaan soo sheegnay in mashruuca Islaamiga ah ee Soomaliya loo aasaasay dhaqdhqaaq uu madax ka yahay Sh. Cabdulqaadir Sh. Maxamuud, Sheekhna uu u yahay Sh. Maxamad Macallin Xasan (allaha u naxariistee). Dhaqdhaqaaqa waa “Al-Ahal”, waa magac tilmaamaya in ay dadka ka midka ah dhaqdhaqaaqaa ay qaraabo gaar ah yihiin, dadkana iska xigaan oo Allaah dartii walaalo u yihiin. Dhaqdhaqaaqyada iyo axsaabta waa la mamnuucay markuu Kacaanku curtay kaddib, ciddii lagu ogaadana waa la xidhi jiray, in la dilana waa ay dhici kartaa, sidaa darteed qofka lagu soo darayo dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee “Al-Ahal”waxaa la hubin jiray in uu sir-xejis leeyahay oo haddii xattaa la ciqaabo aanu sheegayn xubnaha Ururka.

Dadwaynaha oo dhan waxay taageersanyihiin Kacaanka, sabatoo ah waxay dadku filayeen isbaddal ka saara wixii ay ku jireen oo ahayd qabyaalad, dib u dhac, faqri iyo cudurro, inkastoo la haystay xorriyad lagu cabbiri karo waxaad qabto, barlamaan dhisanyahay, doorasho xor ah ay jirtay. Kacaanku wuxuu ka buuxiyay xabsiyada siyaasiyiintii muuqatay iyo intii laga cabsi qabay in ay wax samayn karaan. Waxaa soo baxay hal-kudhaggii ahaa: ”Ama afkaaga Heeyso Ama Afgooye Aad”, Afgooye oo ahayd jihada la aado marka ragga xabsiga loo taxaabayo. Kacaanku wuxuu soo saaray xaashidii koowaad oo uu ku caddaynayo ujeeddooyinkiisa, iyadoo ay ku sawirantahay Kitaabka Quraanka, koofiya-bireed, iyo qori soodhka u taaganyahay. Waxaa lagu qaaday:

Deellakabiirow,

maa lasoo dayo,

Kuwii digirta xadeen

Suugaantan waxaa loola jeedaa nin wasiir ah oo dowladdii xorriyadda ka tirsanaa ayaa xaday digir loo keenay dad dhibaateeysan oo abaaro ku dhufteen, marka waxaa loo tiriyay hadalkan oo laga dhigay dhammaan dadkii dawladd u shaqaynayay kuwo aan ka xishoon xataa digir in ay xadaan. Waxaa la duugay (aasay) qabiilka oo laga soo dhigay Sanam madoow oo foolxun, iyadoo dad fara badan isugu soo baxeen fagaarahaas.

Wax allaala wixii Kacaanka ka horreeyay wax kasoo qaad malahayn, wax fiicanna kuma jirin, qofkii laga maqlo “waxaa fiicnaa” waa xabsi. Waxaa loo bixiyay doowladdii xorriyadda: Dawaladda Musuqmaasuqa. Waxaa laga sheekeeyaa har iyo habeen xumaantii ay lahayd iyo dalka sida ay u gashay, dadkii u shaqayn jirayna waxaa loo bixiyay: Xaaraan-quutayaal iwm. Waxaad raadiyaha ka maqlaysaa:

Xaaraan-quutayaashii,

Xaqiraayay shacabkee,

Xaabsaday waxeennii,

Kuwii naga xoreeyoow,

Xamdi baan idiin naqaynaa

Xitaa 1-da Luulyo oo ahayd maalinta xorriyadda la qaatay oo si wayn loogu dabaaldagi jiray waa la yareeyay. Dabaaldagga waddanka waxaa lagu soo uruuriyay 21-ka Oktoobar oo ah maalintuu Kacaanku curtay. 1972-kii wuxuu Kacaankii go’aansaday in la qaato wax loo bixiyay: “Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan” (Scientific Socialism). Soomaaliya waxay xubin buuxda ka noqotay Isbaheeysigii Bariga ee lagu magacaabi jiray Waarso (Warsaw Pact) oo uu madax u ahaa Midowgii Soofiyeeti (Soviet union), hay’adihii Maraykanka iyo Yurubta galbeed ee joogay Soomaaliyana waxaa loo qabtay in ay 48 saacadood waddanka kaga baxaan.

Waxaan xusuustaa in macallimiintii wax noo dhigaysay dusiga dhexe ee Sandhoor Guure ee magaalada Beledwayne in ay si halhaleel ah noogu yimaaddeen iyagoo na macasalaamaynaya noona sheegaya in labada doowladood xiriirkoodii xumaaday; sidaas darteedna ay ku noqonayaan dalkoodii.

Waddanka waxaa ku soo jihaystay fikradda Shuuciyadda oo magaca loo jilciyey si aan looga diidin (Allaahul Mustacaan), dadka Soomaaliyeed ee tiradoodaba tahay lix malyan oo lagu dhex tuuray badwaynta beesha hantiwadaagga maxaad u maleeynaysaa in uu ka soo hari doono?!

Waxaa soo degay Midowgii Soofiyeetka (Soviet Union) oo wata udbahiisii. Waxaa xafiis walba la taliye ka ah nin ka socda Midowga soviet-ka laga billaabo xafiiska madaxwaynaha ilaa kan u hooseeya, waxay macallimiin ka noqdeen dugsiyada sare, jaamacadaha, dugsiyada milatariga iyo meel walba. Maaddada Hantiwadaagga waxay muqarar (qasab) ku tahay qof kasta oo jaamacadda dhiganaya takhasus kasta oo uu baranayo, haddii uu ku dhaco Maaddada Hantiwadaagga ma qalin jabin karo.

Waxaa la abuuray ururka dhalinyarada hantiwadaagga oo xambaarsan fikradda hantiwadaagga, waxaa dadkaas qaybahooda kala geddisan loo qaaday waddan-waynaha hantiwadaagga ee Soviet-ka halkaas oo la tusinayo horumarka ay gaareen, kaddibna loogu sheekaynayo in ay horumarkaa gaareen markay diinta ka xoroobeen.

Saxwada (Baraarugga) Islaamka oo curdin ah ayaa waxay gashgay dagaal caqiido oo aan dheelli tirnayn, dagaal u dhexeeya iyaga iyo nidaam dowladeed oo ay gadaal ka riixayso dowladdii caalamka ugu xoogga badneeyd. Waxay dowladdu furtay xabsiyo waawayn oo lagu rido qofkii ka horyimaadda Kacaanka, wiilka yar e hantiwadaaggu madaxmaray wuxuu kari karaa in uu xabsiga ku geeyo saddex bilood oo dedeg ah. Markiiba waxaa la soo saaray xeerka qoyska oo simaya dhaxalka wiilka iyo gabadha. Culimadii ayaa ka hortimid iyagana toban kamid ah ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo la isku soo baxay, kaddibna waxaa la dhigay bannaanbax lagu taageerayo go’aankii dowladda. Waxaa dhacay cabsi aad u badan.

Ololaha Afka Soomaaliga iyo Ololaha Quraan Xifdinta iyo Salaad Baridda:

1974-kii Kacaankii wuxuu soo saaray go’aan ah in dadka in lagu qaado ololaha ciribtirka akhris-la’aanta iyo qoris-la’aanta. Markii hore waxaa laga billaabay magaalooyinka kaddibna baadiyaha.

Xarakada waxaa kasoo baxay go’aan ah in xubnaha Xarakadu soo xifdiyaan Quraanka muddada ay ku maqanyihiin Ololaha, dadkana salaadda soo baraan. Waxaa Ololaha ka qayb qaadanayay warfaafinta, ciidammada, iyo shaqaalaha dowladda. Ololahu wuxuu ka dhacayaa laga bilaabo Raaskambooni ilaaRaascasayr, xubnaha Saxwada waa yaryihiin laakin waxay hayaan niyad, waxaana ku jira caziimad aan xad laheeyn.

Waxaan xusuustaa in aan tagey magaalada Buulaburde oo hoos imanaysay gobolka Hiiraan oo aan Xarakada mas’uul uga ahaa, si aan u gaarsiiyo farriintan ardayda degmadaas inta aanay bixin. waxaan tagay galab Khamiis ah, qofna kama aqaan magaalada. Waxaan ku tukaday masjid jaamaca wayn salaaddii maqrib, salaaddii kadib nin yamani ah ayaa foox shiday, shaah iyo qaxwe keenay, kaddibna bilaabay in uu akhriyo Barzanji (kitaab mawliid ah), markuu cisha soo dhawaaday dadkiina soo dhawaadeen ayaan kalimad ka idhi xalqadii. Markii cishaha la tukaday ayaa dhallinyaro ii timid, anna waa kuwaan raadinaayay, waxaan weeydiiyay in ay iskuul dhigtaan, mise intooda badan waa arday Ololaha aadaysa. Waxay ii soo jeediyeen in barri salaadda Jimce  kaddib aan hadal ka jeediyo Masjidka,waa markii iigu horreeysay oo aan jamac intaa leeg aan hor istaago. Waxaan istaagay Jimcihii kaddib dadkiina qof ma kicin, waxaan soo qaatay xadiiskii macnihiisu ahaa “saddex ninkii laga helo wuxuu helaa macaanka iimaanka”. Qof dhaqaaqay ma jirin. Kaddib ayaan ardaydii kula kulmay Hotel Camaloow.

Waxaan ku boorriyay in ay Quraanka soo xifdiyaan dadkana salaadda iyo diinta soo baraan. Waxaan xusuustaa waxaa nala geeyay annagoo toban ah tuulo la yidhaa Buqkoosaar oo u dhexaysa Beledwayne iyo Ceel-Cali. Dadka markaan far-soomaliga u dhigno galinka hore, galinka dambe ayaan salaadda iyo diinta bari jirnay. Reer-guuraaga qaar ayaa u soo guuray tuulada agagaarkeeda si ay diinta u bartaan. Ardaydii nala socotayna waxaan ku afuufaynay dacwadda… (La soco qaybta 5aad inshaa Allaah)

“Waa kuwaanaa sawirada qayb ka mid ah dhalinyaradii mashruuca Islaamdoonka, hadana ah duqayda mashruuca Islaam doonka”

1-   Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman (alle ha u naxariisto)

2-   Sh. Cali yusuf

3-   Sh. Maxamud Ciise

4-   Sh. Xuseen Cali Xaaji

Qore: Sheikh Cabdiraxman Sheikh Cumar
burdhinle@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.