Home » Warar »

Warsaxaafadeed ay soo saareen gudiga amniga DFKMG

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:

Gudiga Amniga Qaranka oo kulan ka yeeshay Dagaaladaka dhacay Buuhoodle

(Muqdisho: 16-janaayo-2012): Kulankii caadiga ahaa ee ay maanta isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo gaar ahaan dagaalada ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda, Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dagaalki manta ka dhacay Magaalada Buuhoodle.

Warbixino iyo dood dheer ka dib gudigu:
1. Wuxuu walaac ka muujiyay dagaaladii maanta ka dhacay degmada
Buuhoodle ee Gobolka Sool, halkaasoo ay ka dhaceen dhibaatooyin isugu
jira dhimasho iyo dhaawac

2. Wuxuu u tacsiyadeynayaa eheladii ay ka baxeen dadka geeriyooday
asagoo dhinaca kalana u rajaynaya dhaawaca in illaahay ka kiciyo
dhibaatada gaartay.

3. Wuxuu baaq nabadeed usoo jeedinayaa dadka dega deegaanka ku waasoo
wadaagga xiriir iyo dhaqan soo jireen ah

4. Xiriirkaas wuxuu u baahanyahay in lagu ilaaliyo nabad lagana
fogeeyo xumaanta & dagaalada, waxaan hubnaa inaysan cidna dan ugu
jirin gacan ka hadal iyo fidno ka dhex abuuranta bulshada walaalaha ah
ee deegaanka.

Sidaas awgeed, wuxuu guddigu ku baaqayaa in si deg deg ah oo aan wax
shuruud ah laheyn loo joojiyo gacan ka hadalka iyo shidada, laguna
xaliyo wax kastoo khilaafaad ah Wada hadal laguna gaaro is afgarad
walaaltinimo.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka KMG ah waxay diyaar u tahay in ay
gacan ka geysato wax kasta oo lagu soo celinayo nabadda iyo
walaaltinimada soo jireenka ah ee bulshada deegaanka.

Dhamaad

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.