Home » Warar »

Xildhiban Porf. Maxamed Cumar Dhalxa oo Dawladda Talyaaniga Ugu Baaqay in ay Xabsiga ka sii Deeyso Boqolaal Dhallinyaro Soomaali ah

Xildhibaan Proff. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya aya a maanta ka hadlay dhibaatada dhallinyarada Soomaaliyeed ku haysata dalalka dibadda.

Xildhibaanka ayaa sheegey in boqolaal dhalinyaraah oo soomaali ah oo dalka ku noolaa markii ay u adkeysan waayeen duruufihii adkaa ee dalka soo maray in ay u yaaceen dibadaha.

Dhalxa ayaa sheegey in dhallinyaradan Soomaaliyeed ay ku silacsan yihiin meelo kala duwan ee Caalamka ah isagoo sheegey in qaar ka mid ahina ay dhinteen intii ay ku jireen Safaradooda

Xildhibaanka ayaa soo qaatay dhallinyardii ugu dambeeyay ee dhawaanta ku dhimatay Dalka Tanzania xilli ay isku dayayeen in ay u sii gudbaan dalka Koofur Afrika iyagoo ku jiray Konteenar.

Porfasoor dhalxa ayaa dhinaca kale ka hadlay dhallinyaro uu sheegey in ay ku xir xiran yihiin Dalka Talyaaniga. Kuwaasoo tiradooda uu ku sheegey illaa laba boqol oo dhalinyara soomaali ah dalka talyaanigana qaxootinimo ku tegay.
Qaar ka mid ah dhallinyaradaas ayuu sheegey in ay ku xiran yihiin Jaziiradda yar ee Lanbadusa kuwaasoo uu sheegey in ay ku dhibaateysan yihiin Xabsiyada

Dhalxa ayaa intaa ku daray in qaar ka mid ah dhalinyaradaas ay xanuunsanayaan isla markaana aysan helin Caafimaadkii ay u baahnaayeen.Xildhibaan,Dhalxa ayaa ugu baaqay XukuumaddaTalyaaniga iyo dawladaha kale ee Xabsiyada ku haya dhallinyaradaSoomaaliyed in ay u naxariistaan dhallinyaradaas Soomaaliyeed isla markaana xabsiyada ay ka sii daayaan.

Dalka Talyaaniga oo keliya ma ahaa meelaha la xaqiijiyay in Soomaalidu ku xiran tahay waxaana ka mid ah Dalalka Tanzania. Liibiya iyo Musambiig kuwaasoo badankood la xiray xilli ay doonayeen in ay halkaa ka gudbaan.

Dhibaatada dhallinyarada Soomaaliyeed haysata ayaan ahayn mid ku kooban oo keliya Dalka Talyaaniga waxaa jira iyaduna dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Dalka Angoola kuwaasoo wararkii u danbeeyay ay sheegayeenin ay Cuntada ka soomeen.

W/D Amin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhiban Porf. Maxamed Cumar Dhalxa oo Dawladda Talyaaniga Ugu Baaqay in ay Xabsiga ka sii Deeyso Boqolaal Dhallinyaro Soomaali ah "

  1. Asc waxaan alkaan mahad uga celinayaa kuwaan isku holay in ee wareestaan datka dacada u ah qaranka somaaliya inta kalena illaah hasoo hanuniyo dalxa waa qof wadani ah jacel umada somaliyeed in uu wax uqabto lakiin aboodi mahaayo waxaa isku kobay wax magarad jacel jago illaah hasoo hanuniyo dhamaan umada somaliya