Home » Warar »

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Ra’iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegay dalalka Kenya iyo Jabuuti

Muqdisho, January 14, 2012——Ra’’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho ay ku soo mareen dalalka Kenya iyo Jabuuti halkaasoo ay kulamo iyo wadahadalo kula soo qaateen madaxda dalalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa maanta garoonka ku soo dhoweeyey Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo boqolaal ruux oo isugu jirtay Wasiiro, Xildhibaano, saraakiisha dowladda, haweenka iyo fanaaniin, wuxuuna R.wasaaruhu salaam gacan qaaday mas’uuliyiintaasi.

Intaasi kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka isaga oo xusay in safaradii uu ku tegay dalalka Kenya iyo Jabuuti ay ahaayeen kuwo miro dhal ah isla markaana ay wadahadalo la soo qaateen madaxda dalalkaasi.

“Dalka Jabuuti waxaa ina qaabilay madaxweynaha Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Dileyte Maxamed Dileyte, waxaana ka wadahadalnay sidii loo xasilin lahaa dalka, waadna ogtihiin dowladda Jabuuti inay ciidamo ku soo biirisay howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, waxaana isla meel dhignay waxyaabo badan” ayuu yiri R/wasaaruhu isaga oo uga mahadceliyay ciidamada ay ku biiriyeen howlgalka nabad soo celinta dalka.

– DHAMAAD –
OPM Media media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.