Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Madaxwynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaare Dileyte

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG:

Ra’iisul Wasaarahe  Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyey sida uu isaga, dowladiisa iyo shacabka Djbiouti ay marwalba ugu heelan yihiin una garab istaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna sheegay in Madaxweynaha Djbouti uu yahay Aabo Soomaaliyeed marwalbana u taagan danaha shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisulwasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey madaxweyanaha sida quruxda badan ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Djibouti. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti ciidamadii ay dhowaan u soo direen Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhinacyo badan sida amniga, dastuurka, maamul wanaaga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti safarkiisii uu ku yimid Muqdisho waqtigii macluusha ba’ani ay ka jirtay dalka, una sheegay in maanta dadaal fara badan oo la sameeyey lagu guuleystay in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gar-gaar bani’aadanimo.

Madaxweynaha Djibout ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay ka go’antahay sidii Soomaaliya loo saacidi lahaa oo looga saari lahaa marxaladdan adag. Madaxweynahu waxuu sheegay inuu arrimaha Soomaaliya si joogta ah ugala hadlo beesha caalamka. Madaxweynahu waxuu u rajeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in EEBBE la garab galo dadaalka iyo horumarka baaxadda leh ee socda, una xaqiijiyey in Dowladda Djibouti ay marwalba diyaar u tahay garab is taaga shacabka Soomaaliyeed.

 Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Halkan hoose ka afkhri labada reysalwasaare oo iyana kulmay

Ra’iisul Wasaarahe Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Kulanka labada Ra’iisul Wasaare oo waqti dheer qaatay ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal ee wallaalaha ah, arrimaha amniga iyo sidii dalka Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Djibouti sida deeran ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Djibouti iyo sida shacabka iyo dowladda Djibouti ay weligoodba u garab taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey dowladda Djibouti ciidamadii ay dhowaan u soo direen dalka si loo xasiliyo.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa waxuu Ra’iisul Wasaare Dileyte ka siiyey warbixin kooban horumarka baaxadda leh ee ay Xukuumadda Abdiweli ku tallaabsatay 5tii bilood ee la soo dhaafay sida amniga, xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Waxuu kaloo ku daray in dastuurka dhameystirkiisa uu meel fiican marayo isla markaana la rajeynayo in dib-u-habeynta baarlamaanka la dhameystiri doono si dalka looga saaro xilliga kala guurka ah oo loo helo dowlad rasmi ah.

Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte ayaa sheegay inay dowladda iyo shacabka Djibouti ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxuuna sheegay inuu kala hadlay arrimaha Soomaaliya dowlado fara badan kana codsaday in Soomaaliya wax laga qabto. Ra’iisul Wasaare Dileyte ayaa sheegay in uu dhowaan dowladda Talyaaniga kala hadlay sidii ay arrimaha Soomaaliya kaalin fir-fircoon uga qaadan laheyd.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti si labada dal ay uga wada hadlaan arrimaha Soomaaliya iyo arrimaha Geeska Afrika.


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.