Home » Warar »

Ururka Xaquuqda Dhalinyarada Soomaaliyeed (SOYRO) oo u qabtey Siminaar ku saabsan ka Wacyigelinta Dhalinyarada Dagaaladda

Ururka Xaquuqda Dhalinyarada Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SOYRO (Somali Youth Rights Organization) Ayaa Siminaar socdey Muddo Laba Maalmood ah ku qabtey Xarunta SSU (Somali Students Union) Magaaladda Muqdisho waxaana ka qayb galey Dhalinyaro laga soo xuley Degmooyinka Gobolka Banaadir

Siminaarka ayaa l;agu baranayey Barnaamijyo la xiriira Nabadda , Xaquuqda Aaadanaha , Dib u heshiisiinta,Xalinta Khilaafaadka iyo Wacyigelinta dhalinyarada gaar ahaan Dhinaca Dagaaladda waxaana Casharo ka bixinayey Macalimiin si aad u deristey Waxyaabhii la iskula soo qaadey Siminaarkaas

Dhalinyaradii ka qaybgashey Siminarkaas ayaa iyana ka dhiibanayey Fikradahooda ku aadan sida dhalinyarada looga joojin karo Dagaalada Mudda dheer ka socdey dalka Soomaaliya qaarkood waxay soo jeediyeen in arrinkaas looga bixi karto sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada gaar ahaan sidey u heli lahaayeen Xirfado ay ku shaqeysataan iyo welina sidoo ay u muujin lahaayeen isku duubnaan

Gabagabadii siminaarkas socdey Muddada labada Maalmood ayaa waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Ururka SOYRO Maxamed Nuur Geedi Hilowle oo sheegey in siminaarkaan uusan noqon doonin kii ugu dambeeyey ee ay qabtaan balse ay jiri doonaan siminaaro kale oo lagu wacyi gelin doono dhalinyarada maadaama dhalinyaradu ay yihiin Mustaqbalkii Ummadda sidoo kale wuxuu sheegey in qabashada Siminaarkaan ee dhaqaalaha ku baxay uu yahay mid ay iyaga iska aruuriyeen iyo mid ka soo gaarey dhalinyarada kale ee ku nool Qurbaha.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Qaar ka mid ka qaybgalayaashii siminaarkaas oo iyana ka Hadley Gabagabdii siminaarkaas ayaa U mahadceliyey Uurka Dhalinyarada SOYRO iyagoo ugu baaqey Ururka in ay badiyaan Sminaarada Noocaan oo kale ah maadaama Xiligaan lagu jiro dhalinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin wacyigelin la xiriirta joojinta Dagaaladda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.