Home » Warar »

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Baaq u soo jeediyay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Khilaafka u Dhaxeeya

Iyadoo weli uu jiro Khilaafkii Baarlamanka Soomaaliya ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti Idiris Aruna Cali isagoona ugu baaqay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya in khilaafkooda ay ku dhameeyeen wada hadal Siyaasadeed.

Mr Idiris ayaa sheegey in ay aad uga xun yihiin khilaafka soo kala dhex galay Mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya isagoona intaa raaciyay In Xukuumadda Jabuuti aanay ka gaabinayn sidii khilaafkaas loo soo af jari lahaa.

Afhayeenka barlamaanka Jabuuti ayaa sheegay in ayan garanayn halka sartu ka quran san tahay iyo waxyaabaha keenay xiligan Khilaafka u dhaxeeya balse ay wadaan sidii ay u ogaan lahaayeen meesha dhibtu ka bilaabantay.

Md Idiris ayaa intaa raaciyay in xukuumaddiisu aad u taageersan tahay weligeedna ay taageersaneyd Soomaaliya sidaa darteedna aysan haatan indhaha ka eeganayn khilaafka hareeyay Baarlamanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti ayaan kala saar saarin xubnaha ka socda Barlamanka Soomaaliya ee labada garab u qaybsan kuna wada sugan goobta shirka ee Jabuuti.
Hadalkan ka soo yeeray guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti Idiris Aruna ayaa waxa uu imaanayaa xilli wufuud ka kala socota labada Garab ee Barlamanka kalana hoggaamiyaan Shiarif Xasan Shiikh Aadan iyo Madoobe Nuunoow Maxamed ay ku wada sugan yihiin goobta uu shirku ka dhacayo ee magaalada Jabuuti taasoo qolo waliba qolada kale ay ku eedeyneyso in ay tahay Sharci darro.

Warar goor hore ina soo gaaray ayaa sheegaya in labada Garab ee Barlamaanku ku kala socdo labadaba ay fadhiisteen goobta Shirka iyadoo arrinta lala yaabay ay ahayd waa sida ay wararku sheegeene in qolona loo dhigay Calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya qolada kalena loo dhigay Tabbeele ay ku qoran tahay Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Baaq u soo jeediyay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Khilaafka u Dhaxeeya "

  1. Gudoomiyaha barlamaanka jabuuti iyo dowladiisuba waxay muujiyeen wax ay garanwaayeen masuuliyiinta ugu sareysa dowlada soomaalia oo ah in ay khilaafka barlamanka soomaalia dhexdhexaad kanoqdaan daacadna kuwajahaan si xal dhameystiran loorajeeyo .