Home » Warar »

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Eedeymo Kulul u soo Jeediyay Shiikh Shariif iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanaka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku qaatay gudaha magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarihiisa ku Eedeeyay in ay meel uga dhaceen Xeer Hoosaadkii Barlaamanka Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale sheegey in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha KMG maalmihii u danbeeyay ay wadeen fara gelin ka dhan ah go’aanka Barlamanka uu xilkii ugu qaaday Guddoomiyihii Barlamanka Soomaaliya Shariif Xasan.

Kulanka xildhibanada kaddib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Xildhiban Cabdulqaadir Daahir Muuse Ciiro oo sheegey in Baarlamaanka Soomaaliya inuu xaq u leeyahay in uu ka hadlo wixii danahiisa ah isla markaana aan loo baahnayn in ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynuhuba isku mashquuliyaan xiligan go’aanadii uu baarlamanku ka qaatay Guddoomiyihii iyo Ku xigeenkiisii koowaad.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim oo sheegey in Ra’iisul wasaare Gaaz uu faraha la galay Hawshii Baarlamaanka isla markaana uusan isagu Guddoomiye Baarlamaan Magacabi karin xilna ka qaadi karin waa siduu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa ugu yeeray Madaxweynaha KMG iyo Ra’iisul wasaarahaba in ay ka joogaan jabinta ay jabinayaan Xeer Hoosaadka barlamanka.

Xildhibaan Ciiro ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in si toos ah hawshii baarlamanku u fara geliyay isla markaana uu diiday inuu aqoonsado Guddoomiyihii Baarlamaanku dhawaan u doortay Madoobe Nuunow isagoona faray ama u sheegey inuu la shaqeeyo Shariif Xasan haddii uu jecel yahay.

Ugu dambayntii ayuu xildhibaan Suleymaan sheegey in Ra’iisul wasaare Gaaz iyo Golihiisa Xukuumadda ay Mooshin ka gudbinayaan isla markaana arrintiisa Baarlamanka la hor geyn doono.

Arrintan ayaa waxa ay fureysaa Xiisad cusub iyo khilaaf hor leh iyadoona markana uu Ra’iisul wasaaruhu u muuqanayo inuu qayb ka noqonayo Khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Shariif xasan iyo Xildhibaanadii xilka ka qaaday walow Madaxweyne Shariifna uu ku soo biiray goor sii horeysey lase arki doonaa Masraxa siyaasadeed ee Soomaaliya oo sheekooyin looga bartay halka uu ku dhamaado.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Eedeymo Kulul u soo Jeediyay Shiikh Shariif iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas "

  1. warsame says:

    Waxaa marag ma doonta ah arimahan hada ka socda baarlamaanka soomaaliyeed inuu ka danbeeyo madaxweeynuhu shariif axmed oo ay wada shaqaysanayaan shariif xasan.

    Waxaad ogtihiin in shariifyadu arimaha siyaasada ee soomaaliya ay ku wareejiyeen oo hoos geeyeen urur xilkaa qaada oo u dhexeeya UN unitinationka iyo dawlad gaarsiinta soomaaliya oo ah dawlad ku meel gaara sharciyana aan ahayn dawlad rasmi ah oo la aqoon sanyahay.

    Arimaha soomaaliya ururkaa ayaa lagu wareejiyay in uu ka gaaro go aan xaga siyaasada iyo xaga dhaqaalaha iyo xaga nabad galyada iyo arimaha soomaaliya guud ahaanba. Ururkaan waxa uu ka kooban yahay xafiiska siyaasada unatinationka ee arimaha soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD.

    Waxaa kasocda unatinationka xafiiskiisa siyaasada soomaaliya MAHIIGE dhanka IGAD waxa ka socda MUSEFEENI IYO SANAAWI. waxaa caalamku ku yiri ururkaan sharcimaha in aad afduubtaan qaranimada iyo dawlad nimada umada soomaaliyeed. waxay ku jawaabeen xaq umalihin hadii aanu ku qasabnay wakiil nimada laakiin soomaaliya dawlada ku meel gaarka ah ayaa naga cosatay in aanu caawino oo raali ku ah markaa taa miyaa aduunku diidan yahay. waxaa layiri maxaa cadaynaya waxay keeneen madaxdii soomaaliyeed oo madaxwayne shariif iyo af hayeenkii baarlamanka waxay tageen kanpala oo ku sixiixeen heshiiskaas ah in talada lagu wareejiyo Ururkaan cusub. saad ogtihiin waxaa uun ka maqnaa FARMAAJO waa tii looyeeray oo sixiix layiri wuu diiday waana lacayriyay Ururkaa cayriyay oo sharcina usoo qoray la yiraahdo kampala acode oo qodobo ka kooban ah in soomaalidu fuliyaan.

    Hada dadbaan wali fahan sanayn in madaxweeyne dalka jirin oo uu taldii wareejiyay!!! ma arkaysid baarlamaan ka hadlaya oo khiyaanadaa qaran ku haysta madaxweynaha oo ka tuuraya xilka ileen xaqbay uleeyihiin inay ka tuuraan xilka maxkamadna la soo taago khiyaano qaran ah. afhayeenka barlamaanka lacagtuu u hayaa ay dhaceen xiligii uu ahaa wasiirka maaliyada marka waa laba tuug oo maafiyo caalami ah la shaqaysanaya oo wada shaqaysanaya maha baarlamaanku inuu ku mashquulo wax kale waa in uu xilka ka qaada labada danbiile isku si.

    waa in la burburiyaa ahdaafta guracan ee ururkaani ku haysto arimihii iyo madaxbanaanidii soomaaliya oo dhan, waa in arinkaan la burburiyaa waxaana lagu burburinkaraa labada shariif oo xilka laga qaado lagana codsado aduunyada in aysan magan galyo siinin dambiilayaashaas oo maxkamad la taagaa.

    Hadaan sidaa layeelin baarlamaanka in yar oo ay rabaan bay kusoo reebayaan inta kale way kala cayrinayaan 5 sano oo kumeel gaara ayayna kusii dhufsanayaan waxaana taageeraya ururkaan ay talada u dhiibeen fikirkana ayagu malaha arintaan wakhti dhumiska ah iska daaya baarlamaan hadaa tihiin waa laydin gaadayaa wanaa laydinkala dirayaa dhawaan intaad ku mashquul santihiin waxaan loo baahnayn runta wajaha iska qabta madaxwaynaha dhibku waa halkaas.sidaas ayay ilatahay