Home » Warar »

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo Wasaaradda Maaliyadda Ku Amray in la Xayiro Dhaqaalihii ku Bixi Jiray Xafiiska Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka .

Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali oo ka tirsan Guddiga Maliyadda ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa baaq u diray Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Xildhibaan Cusman oo sheegey in uu xubin ka yahay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamanka ayaa sheegey in loo baahan yahay in la joojiyo dhaqaalihii ku bixi jiray Xafiiska Guddoomiyahii hore Baarlamanka Shariif Xasan gaar ahaana dhaqaalaha loo yaqaano Speso Politico maadaama la doortey Gudoomiye Cusub .

Mudanahan ka tirsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamanka ayaa sheegey in wixii ka dambeeyay seddax iyo Tobankii bishii Disember ee sanadkii hore uusan jirin xilka guddoomiyaha Baarlamanka oo uu hore u hayay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo uu sheegey in iminka uu yahay xildhibaan caadi ah oo ka tirsan Baarlamanka.

Mudanahan ka tirsan Guddiga maaliyadda ee baarlamanka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu jiri doono xisaabtan uu gudigaas ku samaynayo dukumintiyada ku aadan dhaqaalaha ku baxa Xafiiska guddoomiyahii hore isla markaana ayan aqbalayn wixii ka dambeeyay markii xilka laga qaaday guddoomiyihii baarlamaanka dhaqaale halkaa ku sii socda.

Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali ayaa dhinaca kale hadalkii Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaliya ka soo yeeray ku sheegey mid aan sharci ahayn isla markaana uu Madaxweynuhu la saftay waa siduu hadalka u dhigaye Guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Cusman Xaaji Cali ayaa sheegey in wax walba uu ka sarreeyo sharciga isla markaana baarlamanku uu yahay Hay’adda ugu sarreysa sida darteedna go’aankooda Aan la dhayalsan Karin.

Hadalkan ka soo yeeray mudanahaas ka tirsan Baaralamanka ayaa waxa uu imaanaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku wajahan Guddoomiyaha baarlamanka laguna weeydiisanayo in uu ka tanasulo sheegashada uu weli Shariif Xasan sheeganayo Guddoomiyanimada Baarlamanka oo sedax iyo Tobankii bishii hore ay xildhibaanada xilkii kaga xayuubiyeen isla markaana la doortey Gudoomye Cusub .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo Wasaaradda Maaliyadda Ku Amray in la Xayiro Dhaqaalihii ku Bixi Jiray Xafiiska Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka . "

  1. Abdi says:

    ASC, waxaad u malaysaa in raggaan bakhaarka weyn oo buuqa badab isugu yimid, ayba illaaween wixii qabiilkoodu u soo doortay iskaba daa Soomaali weyne.
    Iyagii baaba isku mashquulay oo sidii dumarkii isxagxagasho ka bixi la’.
    Waxaan la yaabanahay ninka aqoonta dhaqaale iyo maamul dawladeedba aadka ugu xeeldheel sidee buu ula xaajoodaa dadkaan wada falan?. Aniga waxay ila tahay Dr Gaas dal & dad jacayl bay ka tahaye ilama aha inay wax hor’umar ah dawladaani samayn karto ilaa waxaan dugaaga ah la kal diro.
    Mideeda kale maxay Soomaalidu uga aamusantahay duulaankaan cir iyo dul ah oo ay Kenyaanka iyo Itoobiyaanku dhulka kusoo qaadeen. Alshabaab weerarkaas ay ajnabigu nagu hayaan mas’uuliyadeeda qayb wayn bay ku leeyihiin, sababtoo ah, in Alshabaab Kenya gudaheeda wax ka qarxiso maxaa dadka Soomaaliyeed oo dan ah ugu jira?. Ha iska ciliyaan gaalada madaw meesha yaysan sida dhoocilihii calalo badnaanineh, iyagoon proper training and milatary hardware haysan bay sidii habar masayrtay duurka ka qalaadayaan. Waxay ku andacoodaan inay iyagu dadka Allaah uga dhawyihiin markii dhexdooda laga helay raga CIA & FBI u shaqeeya. Waxaana ka buuxa raggii 20ka sana qabqablayaasha u shaqayn shiray oo gacan ku dhiiglayaal ah kuwaasina dawlad iyo xasilooni dani uguma jirto, waayo sii Hitler’s henchmen ayaa loo soo qabqabanayaa.
    Soomaaliyeey si xornimo ah u fakara meel culimadii isku xasuuqayso rajadeedu saas uma sii waynee.
    Yaan runta laga biqin oo aan been laisku taageerin.

    NB: Qoraalkani aniguu
    gooni ii yahay oo http://www.somalitalk.com yaan waxba lagu eedayn.

    Wasalaama Calaykum