Home » News »

Hashim Yonis oo laga casuumay Aqalka Cad ee Maraykanka

Hashim Yonis oo ah wiil Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu casuumay Aqalka Cad ee Maraykanka. Hashim Yonis oo degan magaallada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxay maalintii shallay ahayd is raaceen duqa magaallada Minneapolis ee R.T. Rybak iyaga oo u socdaalay Aqalka Cad iyo magaallada Washinton, DC.

Haddaba Hashim iyo duqa magaallada Minneapolis R.T. Rybak ayaa waxay ka qayb qaadanayaa oo ay iyagu furayaan Mashruuca iyo qorshaha shaqo abuurida dhallinyarada da’da yaree uu soo bandhigayo madexwaynaha wadanka Maraykanka ee Barak Obama.

Madaxweyne Obama iyo Aqalka Cad ayaa waxay u qoondeeyeen lacag gaaraysa ilaa $1.5 billion in loogu abuuro shaqooyin dhallinyaradda iyo da’yarta Maraykanka. Waxaa kale oo la rajaynayaa in mashruucan shaqo abuurida ahi uu baro dhallinyaradda xifrado ay ku shaqaysan karaan, waxa ku oolna u aha iyaga xilliyadda ay iskuulladu xiran yihiin.

Hashim Yonis oo ah wiil Soomaaliyeed ahna dadka mashruuca shaqo abuurida ah ee uu shaaca ka qaaday madaxweyne Barak Obama furi doona, goobtana ka hadli doona. Hashim Yonis ayaa ah aqoon yahay aad u da’yar, ahna maamule ku xigeenka Dugsiga Sare ee Wellstone International eek u yaala magaallada Minneapolis. Hashim oo isagu mudo baddan degenaa gobolka Minnesota, ayaa wuxuu kamid ahaa dhalliyarada ka faa’iidaysatay mashruuc la yiraahdo STEP UP oo ah mashruuc shaqo siiya dhallinyarada degan magaalada Minneapolis, xiliyadda ay iskuuladu xiran yihiin.

Hashim oo isagu markii uu kujiray mashruuca shaqo ee STEP UP ka shaqayn jiray xafiiska duqa magaallada Minneapolis ee R.T. Rybak ayaa waxaa la filayaa in uu ka hadlo, wax tarkii uu mashruuca shaqo ee STEP UP u lahaa iyo guud ahaanba waayo aragnimadiisa la xiriirta shaqo la’aanta iyo dhallinyaradda.

In kasta oo ay kumanyaal dhalliyaro ahi ay soo mareen kana faa’iidaysteen mashruuca shaqo ee STEP UP, ayaa waxa la dhihi karaa, Hashim Yonis oo ah nin aad u da’yar, dugsi sarre iyo Jaamacadna uga baxay gobolka Minnesota, ayaa Hashim wuxuu yahay aqoon yahaniinta iyo hoggaamiyayaasha ugu firfircoon bulshadda Soomaaliyeed iyo kuwa madoow ee degan gobolka Minnesota. Hashim Yonis waxa uu marwalba bulshadda Soomaaliyeed uu hormuud ugu yahay dhinaca waxbarashadda iyo arrimaha la xiriira dhallinyaradda. Dadaalka dheeraaka iyo wax qabadkiisa ayaana sabab u ah in maanta Hashim laga casuumo Aqalka Cad, isaga oo tusaale u ah dhallinyarada iyo da’yarta Maraykanka.

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar, Abdirahmanmukhtar@gmail.com

Minneapolis, Minnesota, USA.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hashim Yonis oo laga casuumay Aqalka Cad ee Maraykanka "

  1. Burhan Abdi says:

    Hashin Yonis Hanbalyo iga gudoon meesha aad gaartay waa howl fiican oo sawir wacan ka bixinaysa in dhalinta Soomaaliyeed yihiin geesiyaal wax fiican qabsan kara, ka dib dadkood wax u qaban kara. Dhalin-yaro Ku dayo Hashin, Ku dayo Hashin, Ku dayo Hashin. Burhan Abdi