Home » Warar »

Warsaxaafadeed Gudiga Amniga Qaranka oo kulan ka yeeshay khilaafka barlamaanka (Muqdisho, 05-Janaayo, 2012)

Kulankii caadiga ahaa ee ay shalay isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo qalalaasaha siyaasaddeed ee ka aloosan Golaha Baarlamaanka, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,K/xigeenka Ra’isul wasaaraha ahna WasiirkaGaashaandhiga,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dhibaatadi iyo khasaarahii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyagoo umadda soomaaliyeed uga tacsiyeeyay falalkaas masuuliyad daradda ah ee aan ku habooneyn.

Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:

a) In kulanki manta iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.

b) In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.

c) Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub. Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka.

Dhamaad

media@mipt.gov.so

War-Saxaafadeed kale

Shirka Golaha Wasiirada Muqdisho 

 

 

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo, magacaabid safiir iyo safarada Wasiirada.

Ugu horreyntii Wasiirada Amniga ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyey dhanka xasilinta caasimadda Muqdisho, ha yeeshee loo baahanyahay in shacabka iyo Dowladdu ay iska kaashadaan arrimaha amniga. Golahu waxey isku raaceen in degmo walbo iyo waaxyadooda ay si wadajir ah uga howlgalaan arrimaha amniga iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.

Guddiga Wasiirada Abaaraha ayaa warbixin siiyey golaha ee ku wajahan sida ay u socdaan howlaha gar-gaarka bani’aadanimo, waxeyna sheegeen in qorshihii Dowladda ee dib-u-dejinta barakacayaasha uu bilowday oo illaa iyo hadda dib-u-dejin loo sameeyey in ka badan 1500 qoys. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in barakacayaasha lagu saacido sidii ay guryahooda ugu noqon lahaayeen isla markaana loogu abuuri lahaa mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa golaha soo hordhigay musharax Khalif Kadiye Muse inuu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Iiran. Wasiirka ayaa golaha uga warbixiyey khibradda iyo waayo-aragnimada Khalif oo uu sheegay inuu muddo dheer ku soo dhexjiray diblomaasiyadda, isla markaana soo gudbiyey Taariikh Nololeedka musharaxa. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey isku raaceen in Mudane Khalif Kadiye Muse uu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Iiran.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in kulan uu la qaatay Guddiga Wadajirka ah ee ka kooban Dowladda, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna uu la kulmay 03dii Janaayo si loo dar-dargeliyo howlaha Dastuurka. Guddigan Wadajirka ah ayaa uu Ra’iisul Wasaarahu horey u magacaabay si ay u dar-dargeliyaan ansixinta Dastuurka oo ay ka mid tahay talo soo jeedinta habka ugu habboon ee loo ansixin karo dastuurka iyo diyaarinta Guddi Soomaali u dhantahay (Constituent Assembly) si ay u ansixiyaan dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasiirada ugu baaqay in loo baahanyahay in Wasaaradaha ay dar-dargeliyaan u adeegidda shacabka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku booriyey golaha wasiirada inay yareeyaan safarada isla markaana looga baahanyahay inay dhexgalaan shacabka oo uu dhaco isla xisaabtan dhab ah.

– DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.