Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Gaaz oo Sheegay in Dalka ay Ka Dhici Doonto Doorasho Baarlamaan Bisha Juun ee Sanadkan

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in Dalka ay ka dhaqan geli doonto Doorashada Baarlamanka gaar ahaana Bisha Juun ee Sanadkan.

Cabdiweli Maxamed Cali oo Shalay la hadlayay Guddiga Dastuurka ee isku dhafka ah ayaa sheegey in Bisha May ee soo socoto ay kulmi doonaan Guddigaas muddo Todobaad ahina ay fadhin doonaan kuwaasoo ansixin doona Dastuurka Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in xilliga oo aad u kooban dartii Gudigaas looga fadhiyo in ay ku soo dhameeyeen Dastuurka inta ka horreysa Bisha Juun taasoo marka bishaas la gaarana lagu soo dhisi doono Baarlaman kaasoo isaguna xukuumad soo dhisi doona Bisha Ogosto ee Sanadkan.

Ra’iisul Wasaare Gaaz oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Gudigan looga fadhiyo in ay soo dhamays tiraan hawlaha dastuurka qabyada ah si waqtigii sanadka ahaa ee muddo kordhinta loogu sameeyay Xukuumadda iyo Barlamanka uu waqtigiisa ku soo dhamaado Bisha Ogosto ee sanadkan.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli maalmihii u danbeeyay uu jiray Khilaaf hareeyay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo laba u qaybsan haatan taasoo is jiid jiidka u dhaxeeya uu sababay in gacan ka hadal uu halkaa illaa sedax mar uu ka dhaco islamarkaana la doorto Gudoomiye Baarlamaan loona doortey Madoobe Nuunow.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaan marnaba soo hadal qaadin khilaafka u dhaxeeya Xubnaha Barlamanka wuxuuna toos u abbaaray in Doorashada ay dhici doonto Bisha Juun ee sanadkan inta ka horreysana la soo dhamays tiro arrimaha Dastuurka qabyada ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.