Home » Warar »

Madoobe Nuunow Maxamed oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Kulan ay xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho maanta (Arbaca Janaayo 4, 2012) ayaa baarlmaanku ku doortay guddoomiye cusub oo ah Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed.

Xildhibaanada soo xaadiray madasha shirka ayaa cod u qaaday musharaxiintii xilkaas isu sharaxay oo tiradoodu ahayd 6 musharax, codbixin kaddib waxaa xilka ku guulaystey guddoomiyaha cusub Xildhibaan Nuunow.

Doorashadan ayaa daba socota in guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan ay xildhibaanadu xilka ka qaadeen 13-kii December ee sannadkii hore 2011.


Sawirka: Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Madoobe Nuunow Maxamed oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya "

  1. Osman says:

    Inkasta oo aanan jeclaysanayn khilaafka iyo gacan ka hadalka baarlamaanka dhexdiisa ah iyo saameynta uu ku yeelanayo geeddi socodka xilliga kala guurka ah ee xasaasiga ah.
    Haddana sida madaxda qaranku u maareynayaan arrinta aad ayaan uga naxsanahay.
    Baarlamaanku waa lafdhabarka qaranka iyo jiritaanka dawladnimada.
    Baarlamaanku waa kii laga unkay dawladda oo marki la sameeyey asagu doortey madaxweynaha iyo guddomiyaha labadaba.
    Labada nas’uul waxay magaca ay sitaan iyo jagada ay amarka ku bixinayaan ku heleen waa codka ragga hadda u codeyey madoobe Nuunoow.
    In marka baarlamaanki oo nool oo soo taagan la inkiro oo laga soo qaado waxaan jirin oo laga soo hormariyo ereyga ah kolleey Juun baa lasoo dhisayaa mid cusub oo kuwaan waqtigoodi waa dhamaaday codkooda ,hadalkooda iyo jiritaankoodana la inkiro waa arrin culus oo dhub weyn keeneysa.
    Codka baaralaamanka in lagu ahaado masuuliyin qaran haddana isla codki asaga ah la inkiro oo la yiraa waa sharci darro ma fahmin ee waxan ku talin lahaa danta qaranka iyo rabitaanka shacabka Somaliyeed iyo ilaalinta nadaamka in laga hormariyo danaha shakhsiga ah, iyo fara gelin kale ee debedeed labadaba.

  2. Guddoomiyii hore waxba kama qaban kamana hadlin arrimaha qarsoon
    ee Kenya wadato oo ah in aay Batroolka Badda Soomaaliya heshiis kula
    gashay shirkado batroolka u qodaya, ayaguoo billaabaya ama billaabaya
    sanadkan 2011 sida ku cad halkan hoose:-

    http://www.offshore.no/international/article/Total_farms_into_Kenyan_offshore_
    http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac60.html
    http://somalitalk.com/2011/12/24/badda-17/
    Waxaa fiican in aay Ummadda Soomaaliyeed ku baraarugaan in
    batroolkii Baddsa Soomaaliya hadda laga shaqeysanayo sidii aay riigagga u rakibanlahaayeen, mar haddii aay rakibtaanna lagama yaabo in
    aay si sahlan uga tanasulayaan kharashkaas ka galay. Way ku mintidi doonaan oo difaac adag ayeey sameysandoonaan.
    Hadda shaqada ka socota badda lama aan soconno, waxaan ka war heli doonnaa ayadoo batroolkayagii la suuq geynayo.
    Ummadda Soomaaliyeed yeysan fiirinnin kaliya Kenya ayaa alshabaab
    la dagaallameysa. Ha fiiriyeen Shirqoolka u qarsoon.
    Waxaa muhiim ah in laga tabaabusheysto sidii looga hortagi lahaa shirkadahaan kusoo xadgudbaya BATROOLKA BADDA Soomaaliyeed.
    Tabar aan isaga dhicinno ma qabno, Jidka kaliya oo inoo furan waxuu
    yahay in aan banaanbax aan kala go’ lahayn sameyno inta goori goor tahay.
    Somaliya Soomaali baa leh.
    Gaba Gabadii waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Shekh Madoobe Nuunow Maxamed ka fileynaa in uu arrimahaan si deg deg ah wax uga qabto, arrimahaan oo ah mid Ummadda Soomaaliyeed aay isha ku wada hayaan.
    Kaalinta ugu weyn ee abaabulka banaanbaxa waa in aay qurbajoogga Soomaaliyeed sameeyaan. Waxaan qaylodhaan ugu dirayaa dadka aqoonta iyo waxqabadka leh oo hubaal haddii ay iskaashadaan aay badbaadinkaraan Batroolka Badda Soomaaliya . Nin la sugayow adna yaad sugi

  3. magan says:

    Waxaa Haboonaan lahayd In Gudoomiyihii xilka laga qaaday uu qanco isagoo danta shacabka fiirinaaya iyo xaalada wadanku ku sugan yahay oo is jiid jiid ka uuka baxo waayo dhawr goor oo hore ayay waxaan oo kale dhaceen waana loo tanaasulay.