Home » Warar »

Xildhibanada Baarlamaanka oo Sheegay in aanu waxba Iska Bedelin Mowqifkoodii ay Xilka kaga qaadeen Shariif Xasan .

Iyadoo maalintii shalay markii Sedaxaad Fadhi Barlamaanka ka socday guduhiisa Xildhibaanadu isku fara saareen ayaa hadaana waxaa mowqifkooda ka hadlay xildhibaanadii dhawaanta Xilka ka Xayuubiyay Guddoomiyihii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guuleed gacma dheere oo ah Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyn ka hadlay falkii shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Gacma dheere ayaa sheegay in xildhibaano abaabulan oo tiradoodu aad u yer tahay oo ka socda dhinaca Guddoomiyihii hore ee Barlamanka ay Carqaladeeyeen hawlo ay ku dhagaysanayeen Musharixiintii Xilka Guddoomiyaha oo halkaa CV.yadooda ka soo jeedinayay isla markaana Buuq galiyeen habsami u socodkii hawshii Barlamanka.

Gacma dheere ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya oo sheegayay in Xildhibanada xilka ka qaaday Shariif xasan ayan xil ka qaadistoodu ahayn mid Sharci ah.

Xildhibaanka ayaa u sheegay Madaxweynaha inuu Ilaaliyo Sharciyada Baarlamanka isagoona hoosta ka xarriiqay in Go’aan Baarlaman Cid bedeli kartaa aysan jirin.Madaxweynaha ayuu sheegay in looga baahan yahay in Baarlamanka uu adeecsanaado isla markaana go’aanada ay qaataan Golaha Baarlamanku uusan ku sheegin Sharci darro isagoona meesha ka saaray wax la yiraahdo heshiiskii Kambala.

Gacma dheere ayaa dhinaca kale ka hadlay sida ay u sii soconayaan dadaalkii ay ugu jiraan in soo doortaan Guddoomiye Cusub wuxuuna sheegay haddii Xarunta Golaha Shacabka ay ka suurtoobi weeydo in ay wax ku doortaan oo la carqaladeeyo in kulamadooda ay u wareegsanayeen meelo kale oo magaalada Muqdisho ka mid ah taasina uu xeer hoosaadka Barlamanku u Ogolaanayo.

Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada doorashada Gacma dheere ayaa xildhibaanada ka soo hor jeeda mowqifkooda ugu yeeray in ay u soo noqdaan Mas’uuliyaddii Xildhibaanimo iyo xilkii ay u dhaarteen isagoona ka codsaday mar kale in ay joojiyaan fowdada ay wadaan.

Si kastaba shalay ayay ahayd markii Sedaxaad oo ay Xildhibaanadu is Feeraan iskuna gacan qaadaan iyadoo gacan qaadkii shalay ay u sii dheereed Kuraas iyo Miisan la bur buriyay iyo waraaqo la jeex jeexay taasoo amakaag ku reebtay Shacabkii Daawanayay Dhacdadii shalay ka dhacday Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.