Home » Warar »

Hay’ada HARO oo Gacan Ka heleysa Hay’ada WAMY oo Deeq Raashin kala duwan Gaarsiiyey Laba Kaam oo ku yaala Degmadda Boondheere

Hay’addaha Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Gacan ka heleysa Hayadda World Assembly Of Muslim Youth (WAMY) ayaa deeq noocyo kala duwan ah gaarsiisey dadka Barakacayaal ah oo ku nool laba kaam oo ku yaal Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Kaam lagu magacaabo Webi Shabeele ayaa waxaa Deeq raashin ah la siiyey Qoysas Tiradooda gaareyso Kun Qoys waxaana qoys kasta la siiyey 25 Bur ah , 25 kiilo oo Bariis ah 10 kiilo Sonkor ah iyo laba Caag oo Saliid ah waxaa Kormeerayey Qaybinta Deeqdaas Wakiilo ka socdey Hayadaha HARO iyo WAMY-

Sidoo kale kaam lagu Magacaabo Qalaafe oo ku yaal Degmada Boondheere oo Gobolka Banaadir oo ay ku jiraan Dad Barakacayaal ah ayaa waxaa iyana ka faaiideysteen Deeqdaas gargaarka waxayna Tiradooda gaareysaa kun iyo Boqol Qoys waaana Qoyskiiba la siiyey 25 Bur ah , 25 kiilo oo Bariis ah 10 kiilo Sonkor ah iyo laba Caag oo Saliid ah waxaana mid mid Gacanta uga saarey Wakiiilada Haydahaas

Dadkii helay deeqdaasi ayaa u mahadceliyey Hay’addaha HARO iyo WAMY , waxayna sheegeen in raashinkaan ay si aad ah ugu baahnaayeen , waxayna ka codsadeen mas’uuliyiinta Hay’addaha in ay halkaasi ka sii wadaan oo ay il gaar ah ku eegaan dadka waxyeeladu ka soo gaartay Abaaraha iyo Colaadaha.

Sidoo kale qaar ka mid ah Wakiilada Hay’addaha HARO iyo WAMY oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa iyana waxay sheegeen in ay qaadanayaan wixii talooyin ah oo ay u soo jeediyeen dadka Barakacayaasha ah, isla markaana ay laba jibaari doonaan deeqaha la siinayo dadka dhibaateysan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Hay’adda HARO oo sannooyinkaan dambe hawlo dhinaca Biniaadanimada ah ka waday Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya ayaa waxay qayb libaax leh ka qaadatay sidii ay raashin u gaarsiin lahayd dadkii dhawaan ay dhibaatadu ka soo gaartay Abaarihii ku dhiftay koonfurta Soomaaliya iyo kuwa ku waxyeeloobey Colaadaha

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.