Home » Warar »

Warsaxaafadeed Wasiirka Warfaafinta oo Hanbalyo u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed

Wasiirka Warfaafinta, Boostada &Isgaarsiinta ayaa u diray Hanbalyo ku aadan sanadka cusub dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed(Jaahweyn) ayaa yiri “Waxaan u hanbaleynayaa Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo Dibaddaba, munaasabadda sanadka cusub, waxaanan u rajeynayaa in sanadkaani noqdo sanadkii nabadda iyo
xasiloonida”

Wasiirka ayaa intaa ku daray “waxaan si gaara ugu hanbaleynayaa warfidiyeenka soomaaliyeed ee ka howlgala warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, waxaanan ugu mahad celinayaa dadaalkooda, nafhurnimadooda iyo kaalinta ay ku ciyaarayaan geedi-socodka nabada, iyo xasiloonida, tiiyoo ay jirto iyagoo ku shaqeynaya xaalad aad u adag iyo degaan khatar ah”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hadii aan nahay bahda Warbaahinta, waxaa dusha inaga saran masuuliyad weyn oo ku aadan dalkeena, waxan aad ugu kalsoonahay inaan ka soo bixi doono waajibkaas, inagoo usoo gudbin doona shacabkeena sanadkan cusub warar sugan, degdeg ah, barnaamijyo taageeraya nabadda iyo xasiloonida”

Wasiirka ayaa hanbalyadiisa ku soo gabagabeeyay “waxan rajeynayaa EEBBANA ka baryayaa in sanadka cusub ee 2012 uu ka dhigo sanad nabad, xasiilino waarta shacabkeenu helo, barwaaqo waxan u baryayaa dalkeena”

Dhamaad


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.