Home » Warar »

Louis Michele oo Sheegey in Soomaaliya aan looga Maarmin Xal u helideeda Wadamada Deriska la ah.

Lewis Michele oo mar ahaa Madaxweynaha Ururka Midowga Yurub haatana ah mudane ka tirsan Barlamanka Yurub ayaa ka hadlay Xalka Soomaaliya.
Mr Luwis ayaa sheegey in xalka soomaaliya loo baahan yahay in laga raadiyo Wadamada ku yaala Mandiqadda geeska afrika oo uu sheegay in si weyn ay ugu xiran yihiin Dalka Soomaaliya.
Lewis Michele oo haatan ku sugan Dalka Jabuuti oo la hadlay Idaacadda VOAda ayaa sheegey in mushkiladda Soomaaliya ay tahay mid looga fadhiyo in beesha Caalamku ay aragti qura ay ka yeeshaan

Sarkaalkan ka tirsan Barlamanka Yurub iminka ku jira Guddiga Horumarinta iyo Is Kaashiga ee Barlamankas Yurub ayaa shegey in marar badan intii uu hayay xilka Ururkaasi uu isku dayay in xal loo helo Khilaafka Soomaaliya welisna uusan ka raja dhigin sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mr Michele ayaa talada ku daray inaan looga maarmin wadamada ku yaala Geeska Afrika in lagala tashado sidii wax looga qaban lahaa Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya isagoo dhinaca kalena sheegey in doorkii Beesha Caalamku uusan weli si buuxda uga dhex muuqan Soomaaliya.

Midowga yurub ayaa arrimaha Soomaaliya door wanaagsan ka ciyaaray isagoona marar badan bixiyay Lacago Deeq ah iyadoo tii ugu danbayseyna uu balan qaaday in uu tababarayo Ciidamada Soomaalida.

Midowga yurub ayaa sidoo kale gacan ka gaysta dhaqaalaha ku baxa shirarka inta badan looga hadlo arrimaha Soomaaliya kaasoo gacanta ugu weyn ku leh dhaqaalaha Soomaaliya ku baxa.

Dalalka ku jira Midowga Yurub ayaa waxa ay yihiin dalalka inta badan deeqaha ku bixiya barnaamijyada horumarinta iyo dhaqaalaha.

Dhawaan ayay ahayd markii Xukuumadda Biritin ay sheegtay in ay qabanayso kulan looga hadlayo sidii Soomaaliya Xal loogu heli lahaa mashaakilkeeda iyadoo Xukuumadda Londona ay hoosta ka xarriiqday in Dawladda Soomaaliya ay Fashilantay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Louis Michele oo Sheegey in Soomaaliya aan looga Maarmin Xal u helideeda Wadamada Deriska la ah. "

  1. Abdirisaq says:

    Nin kasta caalamka dal ayuu leeyahay, taako ka mid ahna uma oggola in ciidan shisheeye cagta soo saaro.
    Dalka Somalia waa la mid dalalka kale ee caalamka, cid kasta oo imaanaysa waa in ay ku timaaddaa shurrudo qoran oo adag oo ay markaati ka yihiin ururada caalmaka, kuwaas oo dhawra sharafta, jiritaanka qarannimo iyo wada jirka iyo xorriyada dalka Somalia.
    Dawlad kasta oo gacan ka gaysanaysa arrimaha Somalia waa in si cad u kala saartaa arrimaha ayada u gaarka sida ilaalinta xadduuddeda (oo ayadu ku eg gudaha xuduuddeeda), dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale (oo ayagu ku kooban heshiis gaar ah oo laba dawladood oo aanay ku jirin dagaal iyo ciidan la isu adeegsado) iyo waa in la kala saaro ka qayb qaadashada xallinta arrimaha Somaliya iyo dejinta dagaalada Somalia ka jira.
    Dawladaha deriska ah waa in gacanta ay Somaliya ka gaysanayaan ay ku timaaddo laba midkood.
    1. Ayaga oo kaalamdooda mid dhaqaale iyo mid ciidanba toos usoo mariya urur caalami ah sida Jamciyadda quruurmaha ka dhaxaysa ama midawga Afrika ayna ku shaqeeyaan nadaamka iyo qawaaniinta guud ee ururradaas ayna ururradaas heshiis cad la galaan dawladda Somaliya qeexaya qaabka hawlgalka, muddada hawgalka, iyo awoodaha kala xaddididdooda.
    2. In ay dawladahaas la galaan heshiss cad oo qoran oo laba geesood ah dawladda Somaliya, heshiiskaakaas oo isna qeexaya qawaaniinta iyo qaabka ay u shaqeeynayaan ciidanka gacanta siinaya dawladda Somaliya, muddada hawgalka iyo qeexidda awoodaha isla markaasna uu ansixiyaa baarlamaanka Somaliya markaas kaddibna ayda oo wax waliba leeyihiin marjac(eference) lagu kala baxo oo cad la hawl galo ayada oo maanka lagu hayo ilaalinta qaranimada iyo xorriyadda dalka.
    Waa in mar waliba go’aanka ugu dambeeya uu gacanta ugu jiro dawladda Somaliyeed oo dalkeeda cidda ay doonto ka eryi karto kana joojin karto hawsha ay ka hayso geyigeeda goorta iyo sida ay doonto.
    Haddi aan intaas la helin Jiritaanki dalka hooyo iyo qarannimadeenni in mudi lagu dhex tuuray halla ogaado, wixi hadhoow ka yimaadana ay masuuliyaddeeda qaadayaan cidda saxeexday ama ogolaatey.
    Shacabka Somaliyeed iyo baarlamaankoodana waajib qaran ayaa ka saaran sdi loo ilaalin lahaa qarannimada, jiritaanka ,iyo xorimada qaaliga ah ee dhiigga faraha badan loo soo daadshay, waana in ay la xisaabtamaan dawladda ma alla iyo markay ka leexato ilaalinta intaas.