Home » Warar »

Fadhigii Xildhibaanadii Xilka Ka Qaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Maanta Dib U Dhacay

Iyadoo maanta loo Madalsanaa Fadhigii ay xildhibanada ka soo hor jeeda Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa haddana kulankaasi uusan qabsoomin isla markaana uu dib ugu dhacay maalinimada sabtida ee soo socota.

Baarlamanka Xaruntiisa ee magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta soo xaadiray Xildhibaanada ka soo hor jeeda Guddoomiyahii hore Baarlamaanka iyo kuwa taageersanba kuwaasoo sida la sheegay kulamo gooni gooni ah ku qaatay gudaha Baarlamanka.

Kulamadaas gooni goonida ah ayaa waxaa dibadda ka joogay Saxaafadda oo aan loo ogolaanin in ay gudaha u galaan Xarunta taasoo muddo kadibna lagu soo kala dareeray.

Markii kulanka lagu soo kala dareeray ayaa waxaa saxaafadda la hadlay xubno matalayay Xildhibaanadii kala aragtida duwanaa ee maanta Golaha Shacabka ku wada kulmay.

Ugu horeynba Cumar Islow oo u hadlay Xildhibaanada ka soo hor Jeeda Shariif Xasan ayaa sheegay in kulankii maanta uu dib u dhacay isla markaana ay qaban doonaan maalinimada sabtida ah ee soos ocota.

Avv. Islow ayaa sheegey inaysan jirin maanta wax caqabad ah oo Xarunta gudihiisa ka dhacay ama ka jiray isagoona beeniyay warar ay ku andacoonayeen xildhibaanada taageersan Guddoomiyahii hore Baarlamanka ee sheegayay in Xildhibaanada ay mar kale jabsadeen Albaabka Xarunta .

Cumar Isloow ayaa sheegey in ay haystaan Furayashii Albaabka Xarunta Shirka isla markaana ay si caadi ah u furteen si ay halkaa ugu qabsadaan shirkoodii ay u balansanaayeen in kastoo hadana uu sheegey inuu dib u dhacay sababo uusan faah faahin dartooda.

Waxaa isaguna warbaahinta la hadlay Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mid ah Xildhibaanada taageersan Shariif Xasan isagoona sheegey dhankiisa inaysan jirin maantay wax caqabad ah oo halkaa ka jray.,Xildhibaanka ayaa sheegey in ay halkaa u yimaadeenin ay indha indhayaan sida ay wax u dhacayaan isagoona ku Eedeeyay Kooxda kale inay Jabsheen albaabkii Howlka shirarka ee Golaha Shacabka .

Goor sii horeysey ayuu xildhibaankan ku hanjabay haddii aysan joojin xildhibanada Shirka uusan Guddoomiyaha Baarlamaanku fasixin ee ay ku qabanayaan Golaha Shacabka in halkaasi ay ka dhici doonto dhibaato aad u culus.

Si kastaba marka laga yimaado Hanjabaadada hore uga soo yeeray xildhibaankan ayaa kulankii maanta wuxuu noqday mid aan qabsoomin isla markaana la sugayo in maalinta Sabtida ah ee soo socota in dib la isugu soo laabto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Fadhigii Xildhibaanadii Xilka Ka Qaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Maanta Dib U Dhacay "

  1. Cali says:

    Runtu waxay tahay in shirki u fashilmay koramkina u buxsami wayey. Waxana ugu wacan xildhibnada o la ibsaday sidi cadada ahayd ba e igu shubo aya shaqeysay!
    Waxana cadaday in sharif xasan lagu heystay waxan jirin