Home » News »

MAAMULKA MADARASADA XAMXAS CENTER AYAA MAANTA DALXIIS U QAADAY 42 ARDAY OO KU GUULAYSTAY TARTANKII GUUD AHAAN EE MADARASADAASI KA SOCDAY

Madarasada Xamzaas Center oo ka mida madarasadaha ugu caansan ee ku yaala magaalada Cape Town isla mar ahaantaana ku caanbaxday kor uqaadista aqoonta Ubadka Soomaalida ee ku dhaqan Dalka Koonfur-Afrika.

Ayaa waxaa maanta maamulka madarasadaasi ay safar dalxiisa u sameeyeen 42 Arday oo ku guulaystay tartankii kasocday guudaha qaybaha kala duwan ee madaariska Xamzaas Center ee ku yaala gudaha Xaafada Belvile South Dalka S/Afrika.

Maamulaha guud ee madaariskaasi Sheekh Xamza Xaaji Cali ayaa waxaa uu sheegay mar uu ka hadlayay ujeedada safarka Ardayda ku guulaystay tartankii ka dhex socday madaariskaasi lagu abaal marinayo abaar marino kala gedisan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

abaal marino uu qayb ka yahay safarkan ay maanta ku gaynayaan waterfront cape town oo halka ugu qaalisan dalka S/Afrika, ee loo dalxiis tago mushtamac fara badana ugu yimadaan sidii aay halkaasi ugu soo dalxiisi laheeyan xeebtaasi.

Sheekh Xamza ayaa sheegay in uu maamul ahaan ku faraxsanyay inay arday intaasi la eg aay ku guulaystaan tartankaasi sadan waliba aay qabato Madarazada Xamzaas Center ee ku taalo Magalada Cape bTown ee Dalka S/Aafrika.

waxaa iyaguna goobtaasi ka hadlay waalidiinta ay ubadkoodu wax kabarteen madaariska Xamzas Center ee magaalada Cape Town ee dalka S.Afrika, ayago sheegay in aad ugu faraxsan yahiin horomarkaasi.

dhanka kale waxaanu waxa kawaydiinay dareenkooda qaar kamida ardayda ah ku guulaystay waxaa nay sheegeen inay ku dadaalayaan sidii ay u sii xejisan lahaayeen kaalintan ay hada ku guulaysteen ayago aad muuqaalkoda ugu dhehan kartay sida wanaagsan oo aay ugu faraxsan yahiin dalxiiskaasi loo sameeyay.

W/D Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh

E-mail; nuur.usa@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.