Home » Warar »

Tafaasiil Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaysa Duqeyntii Diyaaradaha Kenya ay ka geysteen Degaanka Hoosiingga ee Gobolka Jubada Hoose.

Inta la xaqiijiyay illaa shan iyo Toban Ruux ayaa dhimatay halka 38 kalena ay ku dhaawacmeen Duqeyntii shalay gelinkii danbe ka dhacday Degaanka Hoosiinggo oo ka tirsan Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradaha dagaalka Nooca Miigga ayay sheegeen dadka degaankaasi ku dhaqan in weerar laba mar ah ay ku soo qaadeen gudaha magaalada iyo meel hal kiilo ka durugsan magaalada .

Maxamuud Ibraahim oo ka mid ah dadka degaanka oo warbaahinta caalamka u waramay ayaa sheegay in uu Indhihiisa ku arkay Meeydadka illaa Afar Caruur ah iyo Shan Haween ah kuwaasoo dhamaantooda ku waxyeeloobmay duqeyntii ay diyaaraduhu halkaa ka gaysteen.

Goob joogahan ayaa ku waramay in dadka badankooda ay Dhiig bax u dhinteen isagoona intaa raaciyay meesha ugu dhow ee Isbitaal laga helayo in ay tahay Magaalada Kismaayo oo Illaa 160 km u jirta halka musiibadu ka dhacday.

Goob joogahan ayaa intaa ku daray in diyaaraduhu ay ahaayeen kuwa ciidamada ee Miigga loo yaqaano isagoona intaa raaciyay inuusan garanayn Dalka laga leeyahay iyo halka ay soo duuleen intaba, balse markii dambe la xaqiijiyey in ay lahaayeeen Dowlada Kenya

Xaalad barakac xoog lihi ayaa maanta laga dareemayaa Tuuladaas iyadoo dadkuna ay haatan bilaabeen in ay halkaa isaga cararaan.Warku wuxuu intaa ku daray in Dadka ku dhaawacmay Shilkaas oo badankood Dad Rayid ah in saaka loo qaadayo magaalada Kismaayo
In kastoo saaka ay xaalad deganaani ah ka jirto degaankaas ayaa haddana wararku waxa ay sheegayaan in badi dadkii ku dhaqnaa Tuuladaasi ay xalay habeenimo bilaabeen in ay halkaa isaga guuraan kuwaasoon la garanayn halka ay u jihaysteen.

Duqeyntan ayaa imaanayasa xilli dhawaan saraakiil u hadashay Dawladda Kiinya aya shaaciyeen in ay jiri doonaan duulaanimo dhinaca cirka ah oo ay samaynayaan ciidamada Kiinya in kastoo Goboladii ay calaamadiyeen ay ka mid ahaayeen Shabeelaha Hoose iyo Gedo.

Si kastaba Duqeyntii shalay ka dhacday Degaanka Hoosiinggo ayaa waxaa uu walaac ku abuuray Shacabka ku dhaqan Gobolada Jubbooyinka oo badankood la daalaa dhacayay Diiftii ay abaarihii halkaa ka dhacay iyo Roobabkii ka danbeeyayba ay u gaysteen kuwaasoo weli ka soo wada kaban.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Guddomiyaha Xarakada Shabaab ee Gobolada Jubooyinka oo Weerarkii Shalay Ku Eedeeyay Xukuumadda Kiinya, islamrkaana ay u Aari doonaan Shacabkii la Xasuuqey

Guddoomiyaha Xarakada Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka ayaa ka hadlay Duqeyntii shalay Gelinkii danbe ka dhacday qaybo ka mid ah Gobolka Jubada Hoose.

Shiikh Abuubakar Cali Aadan ayaa sheegey in duqeyntaasi ay waxyeelo ka soo gaadhay Dad Maati ah kuwaasoo uu sheegey in dhimasho iyo dhaawacba uu soo gaaray.

Guddoomiyaha ayaa farta ku fiiqay in weerarkaasi ay gaysteen Diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Kiinya isla markaana ay shacabka kaga aarsanayaan dhibaatooyinkii Ciidankooda ka soo gaaray Dagaalada ay ka wadaan Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Shiikha ayaa ka dhawaajiyay in ay sameeyeen Gurmad ballaaran oo ay gacan kaga gaysanayaan wax u qabashad dadkii ku dhibaatoobay duqeyntii ay Ciidamada Kiinyaanku u gaysteen Degaanka Hoosiingga isagoona sheegey in Maamulkoodu uu u gurmada goobta dhibaatadu ka dhacday.

Shiikh Abuubakar ayaa ku gooddiyay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka la iska xasuuqo taasina ay ka jawaabi doonaan dhankooda isagoona sheegay in baroortu ay ku dambayn doonto Xukuumadda Kiinya iyo Shacabkeeda .

Guddoomiyaha xarakada Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegey in Ciidamada kiinyaanka ee soo galay gudaha Goboladaas in ay la kulmeen Difaac adag isla markaana ay Khasaarooyin gaarsiyeen Ciidamadaas taasoo keentay ayuu yiri in shacabka ay ka aarsadaan iyagoo adeegsanaya Diyaaradaha Dagaalka kuwooda Casriga ah.

Shiikha ayaa hoosta ka xarriiqay in dhacdadani ay la mid tahay tii ka dhacday Gobolka Jubada dhexe oo uu sheegay in sidan oo kale dad Rayid ah oo markaa ku sugnaa Xero Bara Kacayaal oo raashiin loogu qaybinayay.
Isku soo wada duuboo xaaladan ku soo laabatay markii labaad Gobolkaas ayaa waxa ay arrinta ka dhigaysa mid faraha ka sii baxaysa Dhibaatadii halkaa hore uga jirtayna Cirka ku sii shareeraysa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Tafaasiil Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaysa Duqeyntii Diyaaradaha Kenya ay ka geysteen Degaanka Hoosiingga ee Gobolka Jubada Hoose. "

  1. Runta taabte says:

    Ummadda Soomaaliyeed waa wada arkayaan, waana wada maqlayaan
    xad gudubtyada lagu sameynayo DHULKA iyo DHUL BADEEDKA Soomaaliyeed, Waxaay kaloo wada arkayaan sida aay u dhaqmayaan
    Dowladda KMG, Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada ku mashquulsan
    Shirarka, meeshii laga rabay in dadkooda iyo dalkooda aay ka difaacaan Dowladaha iyo ARGAGIXISADA kusoo duushay.
    Kuwaas waxaa kasii daran Qurbajoogga Soomaaliyeed oo iskaba aamusan.
    War Soomaaliyeey WADANKA AAN DIFAACANNO, haddii aan tabar la
    heynin aan AF KU DIFAACANNO.
    Aamusnaantu waxaa loo fasiranayaa in xattaa QURBA JOOGU uu raali
    ka yahay xad gudubyadaas la sameynayo iyo xasuuqa ka socda Dalka gudihiisa. Haddii Soomaalidii gudaha ku sugneeyd la aamusiyay, QURBA JOOGGA yaa aamusiyay????????????

  2. Abdirisaq says:

    Waxaan dhammaan websiteyada Somalida ka akhriyeyereyga diyaarad MIG ah ayaa meel duqaysay.
    Mig waa magac nooca diyaarada jet-ka ee Ruushka lagu frasameeyo sida Mig 17, 19, 21 iyo 27.
    Dawladaha Kenya iyo kuwo kale ee reer galbeedku ma isticmaalaan MIG.
    Dalka Kenya dayuuradaha dagaalka ee ay isticmaalaan mirraaj oo France lagu farsameeyo, fantom oo mareykanka lagu sameeyo iyo hunter lagu sameeyo dalka ingiriiska iyo kuwo kale oo la mid ah. haddi aan haddaba diyaaraddu ahayn helcopter oo aanad hubin nooca ay tahay waxaa habboon in la yiraa jet oo aan miig la oran.
    Haddi weriyuhu yiraa sidi asaga oo huba in diyarada meesha duqaysay ay miig ahayd dawladdii wax duqaysanayna tiraa anigu maba haysto diyaarad miig ah hadalki weriyuhu wuxuu noqonayaa been marqaatigiisuna qalad ayuu noqonayaa.fadlan ereyga miig iska ilaaiya isitcmaalkiisa.

  3. Abdirisaq says:

    Assalaamu Calaykum Bahda Somalitalk iyo akhristayaashaba.
    Laba ilaaSaddex qof oo Mombasa lagu afduubay ama lagu dilay ayay Kenya sabab uga dhigtey duullaankeedaan baaxadda leh ee abuuray qaylo dhaan shacab illaa madaxtooyada Somalia kasoo wada yeertey.

    Qofka Somaliga ah waa bani aadam xor ah, dalkiisina jooga, xurmo iyo sharaf baniaadminimana xaq u leh, mudanna in la ilaaliyo naftiisa iyo maalkiisaba.

    Ururka Alshabaab waa urur u dhisan qaab jabhadeed ku dagaalamaysa ku dhifoo-ka-dhaqaaq. Maalmihi ugu horreeyey ee duqaynta cirku billaabatey kaddibna; ma u malaynayo inay jirto meel rasmi ah oo loogu soo hagaagi karo ururkaas ciidan uu leeyahay oo lagu duqayn karo.

    Dawladda Somaliyeed ayada ayaa masuul ka ah ruux kasta oo muwaadin Somaliyeed ah ee ku sugan dalka gudihiisa, ayada ayaana oggolaatey hawlgalka ciidanka Kenya ee hadda ka socda dalka wada hadal labada dhinac dhex marey kaddib.

    In haddaba muwaadiniin Somaliyeed oo aan dembi geysan, hubaysneyn, qaybna aan ka ahayn dagaalka in la laayo oo lagu faano layntooda, ayna layntu tahay mid soo noqnoqotey, dawladdi dalka masuulka ka ahaydna aysan waxba kasoo qaadin, halka hayado ajnabi ah sida laanqayrta casna ay ka dhawaqeen waa nasiib darro aad u wayn.

    Waxan ka codsan lahaa madaxda qaranka Somaliyeed in inta goori goor tahay ay dib u eegis ku sameeyaan hab dhaqanka ciidanka Kenya ee dalka soo galay ayna xaqiijiyaan in la ilaaliyo nafta iyo maalka,xoolaha iyo xasiloonida iyo nabad gelyada muwaadiniinta Somaliyeed ee dalkooda jooga.

    Dawladda Kenya xaq uma laha in ay tiraa waxay ilaalinaysaa nabad gelyada muwaadiniinta dalkeeda iyo dalxiisayaasha cabsida lasoo gudboonaatey,ayaduna ay argagax iyo cabsi ku abuurto muwaadiniinta dalkeenna oo dhimasho iyo dhaawac aan loo kala meel dayin u geysato kana qaxiso guryahooda.

    Haweenka, carruurta iyo waayeelka dhiig baxa ugu dhammaday Hoosingo, Ceel cadde iyo Jilib oo aan xataa lahayn adeegyo caafimaad oo dhiig jojin loogu sameeyo dadkaas, ilaa siday u jirraaqayeen naftu saxariirtaas uga baxday ma aha marna wax laga siisan karo dawladda Kenya iyo Tan Somaliya ee sheeganaysa inay u dhaaratey mas’uuliyadda dalka.

    Bahda Saxaafadda Somaliyeed iyo ciddi kasta oo ay u suuroobi karayso waxan ka codsan lahaa in si fiican loo dokumenti gareeyo dhimashada iyo dhaawaca soo noqnoqday ee shacabka aan hubaysnayn oo aan cidna ka qoomamayn wax istiraatiijiyo ah oo la baddalayna aanay jirin si lola xisaabtamo cidda gaysatey dilka iyo dhaawaca shacabka iyo cidda oggolaatay labadaba.