Home » Warar »

Imaanshihii Ciidamada Jabuuti ee Muqdisho oo markiiba Khilaaf ka dhex Abuurey kuwa Uganda iyo Burundi

Weli waxaa taagan Khiaafkii Ciidamadda Jabuuti iyo kuwa Amisom ka dib markii Taliyaha Ciidamada Jabuuti Gen Zakeriye uu sheegey in heshiiska Ciidamada Jabuuti ay ku yimaadeen Muqdisho aya tahay in ay ilaalyaan xarunta Madaxtooyadda , Dekeda Weyn ee Magaaladda Muqdisho iyo Garoonka taasoo aya ka diideen kuwa Amisom gaar ahaan kuwa Uganda

Ciidmadda Amisom,ayaa sheegey in Cidmadda jabuuti ay qayb ka noqdaan Dagaalka lagula jiro Xarakadda Al-Shabaab oo ay la wareegaan ,mid ka mid ah Safka hore ee Dagaalka taasina waxaa ka diidey Ciidamadda Jabuuti waxay Murankaan uu sabbaey in muddo Saddex Saacadood ay saarnaadaan Diyaaradii sidey waxaana soo kala dhex galey Dowladda Federaalka gaar ahaan Raiisul Wasaaraha Dr Cabdiweli

Ilaa iyo hadda waxaa taagan Khilaafkii waxaana lagu xaliyey in Cidamadda Jabuuti la soo dhameystiro markaas ayaa lagu waramey in halka ay ka howlgalayaan la qorsheyn doono iyadoo Ciidmadda Uganada ay ku doodayaan in iyaga muddo afar sanno ay ka dagaalamayeen Magaaladda Muqdisho sidaa darteed Ciidamadda Jabuuti ay yimaadeen Xilli inta badan magaaladda Muqdisho ay gacanta ku hayaan Cidamada Uganada iyo Burundi ilsamarkaana weli ay socdaan Dagaaladii ka jirey Muqdisho hadaba la arki doonee halka uu ku dambeeyo Khilaafkaas ,

Maalintii Shaley ahayd ayaa Ciidamo ka socda Dalka Jabuuti oo tiradoodu ay gaarayso illaa laba Boqol oo askeri ay soo gaareen Magaalada Muqdisho kuwaas oo qayb ka noqon doono Ciidmadda Amisom,Ciidamadan Jabuutiyahanka ayaa noqonaya Dufcaddii u horreysey waxay imaatinkooda uu ku soo beegmey .

Cutubyadan oo hor u dhac u ah Siddeed Boqol oo askeri noo hore Xukuumadda Jabuuti ugu Yaboohday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ciidamo ka tirsan amisom.
Sidoo kale waxaa Ciidanka halkaa ku soo dhaweeyay Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Dawladda iyo kuwa amisom.
Dawladda Jabuuti ayaa hore u balan qaadday in illaa Sedax Guuto oo ciidamadeeda ah ay u soo direyso Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan Hawl Galka lagula dagaalamayo Xarakada Shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii Saraakiil u hadashay Xarakada Shabaab ay digniin culus u direen Dawladda Jabuuti iyagoona wacad ku maray in ay ula dagaalami doonaan sida ay ula dagaalamayaan Ciidamada kale ee dalka ku sugan.

Xarakada Shabaab ayaa u sheegtay Ciidamada la keenayo Soomaaliya in aysan dalkooda si nabad qab ah ugu noqoneyn sidaa darteedna waalidiinta dhashay wiilasha la soo diray ay inta goori goor tahay ay Ilmahooda celiyaan.

Si kastaba Xukuuadda jabuuti ayaan dheg jalaq u siin hadalada ka imaanaya Xarakada Shabaab iyadoona isla maantana ka soo dejisay Muqdisha Ciidamadii u horeeyay ee qaybta ka noqonaya Hawl galka amisom ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Imaanshihii Ciidamada Jabuuti ee Muqdisho oo markiiba Khilaaf ka dhex Abuurey kuwa Uganda iyo Burundi "

  1. omar jaacuur says:

    ac wr aniga waxay ilatahay ama caqligu sheegayaa ciidamada jabuuti hagalaan safka hore ragbaa sanawaad dagaalka kujiree mamadaxtooyaday fadhiisanayaa ama hakunoqdeen jabuuti macaanka hadhadhamiyaan
    shariifkana baarlamaankuna meesha hayskaga tago dilaalidii waa dhamaatee

  2. garaad says:

    a/s/c/ waxaana usheegayaa ina baralamaanaka soomalia waxaana usheegayaa ina umada soomalia ina sida umada carabata mudaharaada kuqaadana baaralamaaka soomalia waayo marabaana ina baneeyaana kurusiga isbaarada ay kuhelena marka soomalia baya utaala sidaas iyo na/

  3. Caano says:

    Anigu feker ahaan waxaan qabaa in Jabuuti ciidamadeedu la mid yihiin Shacabka Somaaliyeed oo kale, oo haba yaraatee faraq udhexeeyaa uusan jirin. Hadaba waan soo dhawaynayaa waan usacaba tumaynaa, uma soo dhawaynayno waa Amison laakin inay yihiin dad Somaliyeed oo tababaran oo Amniga sugaya. Kuwa kale soomaha, kuwaas aniga aragtidayda waxaan leeyahay waa ciidamo danta Somaliya aan wadan. dowlada federaalkuna aanay maamulin ee cadow maamulo.

  4. garaad says:

    a/s/c/ waxaana hawada kuusoomarinayaa salaana aada iyo aada qiimo badana salaana dib waxaana idiisheegayaa ina baralamaka soomalida ay qabada ku noqodeena umada soomalia marka yaqabakara oo kaladira war araka waxa ay samanaya macruubaa mase waa baaralamaana waa yaaba seetahay xaalad

  5. luqmaan says:

    Acw! Wallaalah mid waa in ay ogaadaan, hogaanka Amisom waa Ugandiska, marka wadamada kusoo biiraya amisom waa in ay aga danbeeyaan Ugandiska amarka. Mise somaalida waxay is leeyahiin Djabuuti waa sokeeyaaha noo soogurmaade ee froontiga dagaalka la keeyn maayo