Home » Maqaallo »

Jawaab ku socota raga ka jawaabay axaadiithtii lagu heestay sh. Xasan takar (w/q Axmad Xalaal)

Bismillaah, waxaa waayahan dambe soo ifbaxay khilaafaad u dhaxeya qaar kamida culumada soomaaliyeed, khilaafkaa wuxuu lahaa dhan iijaabi ah oo masaa’il cilmi ah leesku heesto, waxaa jirtay sheikh Shibili in uu soo bandhigay 5 xadiith oo uusan asal u heynin oo uu kamaqlay sheikh Takar, wuxuuna ka codsaday in uu axaadiithtaas meel soo saaro.

Iyadoo jawaab laga sugayo sheikh Takar ayaa mid kamida shabakadaha ey leeyihiin alshabaab (somalimemo) waxey soo bandhigtay wax ey ugu yeertay BAXTHI oo ey sheegtay in ey jawaab u tahay sh. Shibili, 2 qormo oo ey kala qoreen laba nin oo aanan garaneynin darajadooda cilmiyeed, balse u ekaa dalabatul cilmi xamaasadeysan, hadaba sababta aan ugu jawaabaayo waxey tahay in arimo badan isku dhex qaseen, islamarkaana aan isleeyahay culumada waqti uma hayaan in waxyaabo sidan ookale ah ka jawaabaan, hadii laga aamusane ey suurta gal tahay in dadka qaar isdhahaan armaaba culumadu qaldanaayeen oo axaadiithtu asal laheyd, waxaase xaqiiqa ah in baxthigaas uu 0 taaganyahay, wiline axaadiithta asal loo heynin.

Hadaba si aan arimahaas u cadeynaa waa in aan mid mid isu dul taagnaa:

1. Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “

Hadalkaasi waxaa nabiga u tiiriyay sh. Takar, she. Shibili iyo culumo muxadithiin badan ahne wey beeniyeen, baxthiga somalimemo waxaad moodaa in qoraagu uu kutubta kabaaray kalimada “Irhaab” wuxuu soo helay xadiith uu ka afeeftay sixadiisa balse uu mooday in uu ka dhex helay baahidiisa, xadiithkaas oo ahaa:عن ابن عباس رضي الله عنهما مرفوعاً يأتي على الناس زمان يستحل فيه خمسة أشياء، يستحلون الخمر بأسماء يسمونها بها، والسحت بالهدية، والقتل بالرهبة، والزنا بالنكاح، والربا بالبيع

Marka hore xadithkaas waa mowquuf, waxaa intaa sii dheer in xadiithku uusan ka hadleynin mowduuca leesku heesto, xadiithku macnihiisa waa “waxaa imaan doono zaman ey dadku xalaaleestaan shan walxaato, qamrada ey ku xalaaleestaan magcaha ey u baxsanaayaan, laaluushkane ku baneestaan magaca hadiyad, dilkana ku baneestaan baqdin galinta dadka, zinadana ku baneestaan nikaax, ribadana ku baneestaan beec” macnaha xadiithka uu soo qaatay qoraagaase waa sidaa, hadaba maxaa iska galay hadalkaan iyo hadalka lagu heesto Takar oo ah “waxaa leydinku dili doonaa magaca Irhaab” yacnii argagixiso ayaa tihiin ayaa leydin dhihi doonaa, oo sidaa darteed ayaa leydinku dili doonaa, bal aan soo qaadanno erayga aan is leeyahay qoraagu wuu ku sirmay oo ah والقتل بالرهبة“Dilkana ku baneestaan baqdin galinta dadka”, qoraagu kalimada baqdin galinta ayuu ka raacay xadiithka, balse asaguba ma inkirsana in macnaha hadalkaas uu yahay hogaamiyayaasha oo dadkooda u dila si ey ubaqdin galiyaan oo ey uga cabsadaan, asagaaba ku fasiray أن يقتل البريء ليتّعظ به العامة halkaan waxa irhaabka sameynaya waa xukaamta, arinta Takar lagu heestana waa waxaa leydinku dilaa idinkaa argagixiso ah, meesha kama muuqato marka arinta leesku heesto oo ah argagixiso ayaa tihiin ayaa leydunku dilaa, qoraaga waxaad moodaa in arintaas waqti badan galiyay balse wili su’aashu sideeda u taagantahay, wadaadka Takarna looga baahanyahay in uu xadiithkaas meeleeyo.

2. Xadiithka labaad ee lagu heestaa wuxuu yahay “Dajaal waxuu kusoo dagayaa Juruf guriga boqorka”.

Qoraaga ka jawaabay wuxuu soo qaatay xadiithkii Yoomul Khalaas, oo kamid ah maalmaha ugu dambeeya jiritaanka Masiixu Dajaal, isla maalintaane uu magaalada madiino ugasoo baxaayo nin mu’min an oo noqonaya ninka ugu dambeeya oo uu Dajaal awood u yeesho dilkiisa, su’aashuna waxey ku saabsantahay Dajaal imaanshihiisa, buurta Uxud oo uu nabigu sheegay in uu Dajaal fuulayane ma ahan juruf guri boqor, marka jawaabtaas maba ahan mid tacliiq u baahan.

3. “Markii mahdigu soo baxo waxaa ugu farxad badnaan doona reer Ciraaq dhibaatada ay ku jiraan darteed”

Xadiithkaas ninka ka jawaabay wuxuu soo qaatay hadal uu yiri cabullaahi ibnu camar ibnu caas, oo uu leeyahay reer kuufa ayaa ugu farxad badnaan doona soo bixida mahdi, adeer waxa Takar lagu heesto ma’ahan hadal Cabdullaahi ibnu Camar uu u tiiriyay, ee waxa lagu heestaa waa hadal uu u tiiriyay nabiyullaahu Muxamad C.S.W.S, cabdullaahi ibnu camarna hadalkiisa ma’uusan dhihin nabiga ayaan ka maqlay.

4. Haddii ciraaq la cunaqabateeyo, caruurtoodana la gaajaysiiyo waxaa soo baxaya mahdigii

Qoraaga ka jawaabay xadiithkan wuxuu soo qaatay xadiith uu soo saaray Muslim, عن أبي نضرة قال كنا عند جابر بن عبد الله فقال يوشك أهل العراق أن لا يجبى إليهم قفيز ولا درهم قلنا من أين ذاك قال من قبل العجم يمنعون ذاك ثم قال يوشك أهل الشأم أن لا يجبى إليهم دينار ولا مدي قلنا من أين ذاك قال من قبل الروم ثم سكت هنية ثم قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم يكون في آخر أمتي خليفة يحثي المال حثيا لا يعده عددا قال قلت لأبي نضرة وأبي العلاء أتريان أنه عمر بن عبد العزيز فقالا لا

dabcan culumada uu u jawaabaayo xadiithkan kama qarsanaan karo waayoo maalin kastaa ayey akhriyaan, xadiithkan wuxuu ka hadlayaa sadax arin oo dhici doonta, laba kamid ah waxey mowquuf ku yihiin raawiga xadiithka Jaabir, midka sadaxaadne wuxuu u rafciyay nabiga s.c.w, labada arin ee hore iyo tan sadaxaad waxaa u dhaxeysa aamusnaan iyo hadalka jaabir ee ah قال رسول الله صلى الله عليه وسلم.., hababa arintaas maxaan kala dhex baxeynaa?, kow arimaha uu jaabir sheegay iskuma xirna waayoo mudo la’aamuso ayaa u dhaxeysay, tankale hadey isku xiranyihiin uma dhaxeyn laheyn qaala rasuulullaah, marka sida meesha ku cad jaabir wuxuu ardaydiisa usheegay dhibaato ku dhici doonta reer ciraaq iyo Shaam, kabacdine wuxuu sheegay in nabigu uu dhahay waxaa imaaneya khaliifah maalka aanan tirineynin oo uun iska bixinaaya, hadaba meesha kuma cada hadalka leesku heesto oo ah hadii ciraaq la cunaqabateeyo waxaa soo baxaaya Mahdiga, labada arin ismalahan ee yaan la’isku riixin, waxaa sidoo kale xusid mudan in uusan Jaabir sheegin magaca MAHDI, khaliif kastaa oo lacag bixiyaana shardi ma’ahan in uu Mahdiga ahaado, waayo Cumar Ibn C/caziiz ayaaba horay noosoo maray, marka su’aashaas jawaabteedana fari kama qodna iyadana.

5. Mahdiga runta ah iyo kan beenta ah waxaa u dhaxeeya 20 sano

Xadiithkaas oo ahaa kii shanaad ee lagu heestay Takar qoraaga jawaabta uu kabixiyay maba ahan mid la tacliiqin karo, waayoo wuxuu galay mowduuc u gaar ah oo ku saabsan inta sano oo uu mahdiga noolaanaayo iyo wax lamid ah.

Marka somalimemo hadii ey mooday in su’aalihii sheekha culeesk ka qaaday oo ey iyadu ka jawaabtay waxaan leeyahay culeeska ayaad wadaadka ku badiseen, waxaan qabaa aniga in wadaadada leesku daayo, ragiinan ardayda ah ee aqoonta isbiday wili waxbaa idiin dhiman ee ha dagdagina.

Wabillaahi towfiiq

W/Q Axmad Xalaal

Caadle2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Jawaab ku socota raga ka jawaabay axaadiithtii lagu heestay sh. Xasan takar (w/q Axmad Xalaal) "

  1. Fatuma says:

    Asalaama caleykum. Khilaafka faraha badan ee soo kala dhexgalay culimada waa aan ku toosiyee talaabo ha qaadin caamadiina waa sheekh hebel ayaa saxsan waxaase wax lala yaabo ah in qoraha maqaalkan uu in uu aragtidiisa soo bandhigay ayna la qumanaatay dhalintii kalena uu ku tilmaamay dhalabul cilmi . Sida ku cad hadalkaaga.waxaad moodaa in aad ula jeedaan waxba ma yaqaanaan maxaase idin daba dhigay takar ma idinkaa la idin yidhi ilaaliyo kalmadii afkiisa ka soo baxdaba dib u naqdiya .qoraal walba oo soo baxaba boqol kiilo oo xumaan ah ayaa daba socota iyadoo kumanaan soomaali ahna ay xasuuqayaan diyaaradaha gumeysiga madow. Ma istidhaahdeen maxaa xal ah waar hooy isdaba qabta oo jahawareerka naga daaya

  2. Nasir Cali says:

    Assalaamu Calaykum, Eebbana ha kaa abaal mariyo, aragtidayda waad haleeshay sida saxda ah, waana inaan cidna looga haybeysan markay taabtaan aasaaska diinta, Quraanka iyo axaadiithta.
    Waxaase ii muuqday dhowr su’aalood oo u baahan bal in dib loo fiiriyo. Weydiinta iiga soo baxday qoraallo isu dirkan waa:
    1) Sh. Xasan takar wuxuu ka mid ahaa wadaadada lagu marti qaado kulammada, maxaa loo sugayay oo dib loogu dhigayay gefafka noocan oo kale ah?
    2) Isla koox ama urur ka wada tirsanaantu intee le’eg ayay dib u dhigtay in si muuqato loo soo bandhigo khaladka axaadiith-tan?
    3) Isla koox ama urur kawada tirsanaantu intee le’eg ayay qayb ka tahay taageerada la siinayo Shiikha kaddib markii lasoo bandhigo khalad diini ah?
    4) Axaadiith-ta lagu haysto Shiikh Xasan Takar lama hayo ama ma jiraan keebay yihiin?

  3. AlCajami says:

    Jzkallahu kher walalka maqaalkan qoray, ani waxaan aad ugu faraxsanan laha o qabaa in la isku daayo takar iyo sh.shibile, takar waxa loga fadhiya axadithtan inu mel kusaleyo, wixi dalabatul cilmi wa ine ku ekadan ine wax faidestan o ay iska daayan caadifada iyo xamaasada, wjzkumullahu kher.

  4. Falxado says:

    Wadaaddada soomaaliya waxay dhinteen geeri dhab ah!! waxay joogaan heer qoraal af-carabi oo waadix ah.. uu midba sida uu doono u fahmo dadkana ku aflagaaddeeyo!!! ciddii sida uu u fahmay u fahmi waydana uu gaalaysiiyo dhiiggeedana banneeyo!!!

    Waxay joogaan in waxa ay go’aan ka gaaraan uu ugu fududaado dhiiggaa….!!! oo ay yiraahdaan kii aan aniga ii ekayn………!!!??

    Qofkii taariikhda akhriyay wuxuu garanayaa in qolo kasta marka ay heerkaas gaarto ay tahay marka ugu dambaysa magacooda.. billowga hoobashadooda!!

    Waxaad arkaysaa sheekh muxaadaro icalaamiyey oo meeshii uu cilmi iyo xigmad la imaan lahaa… waqtiga oo dhan dadka kaga qaado aflagaaddo iyo qiil-day macluul ah oo aan loogu tala gelin in lala hor yimaado dad wax fahmaya!!! dadkaba waxay moodaan xoolo ama jaahiliin… subxaanallaah

    Wadaaddow nabad gelyo… Ilaahay diintiisu idiinma baahna ee idinkaa u baahan!! haddii aad toosnaa weydaan Ilaahay wuxuu keensan doonaa kuwo idinka fiican.. dariiqiisana ku toosnaada, addoomadiisa u dhimriya… qawkooda iyo ficilkoodu is leeyihiin… risaaladana siday tahay u guta!!!

  5. Dr Yusuf says:

    Alsalaama caleykum ww,
    Aniga ma ahi nin diinta cilmi badan uleh,balse xadiis fasirkiisa waan fahmi karaa,walaalaha Axmed xalaal u jawaabay armaad ka hadasheen fikirkiina bes,mise waxaad leedahiin axaadiista waa saxiix ka sugnaaday rasuulka caleyhi salaatu wasalaam intaas ayaa meesha la isku haystaa,inagoo kala tageerin ictisaam iyo shabaab ama qolo kale aan nafteena beri yeelno oo waxii aynaan cilmi ulahayn yeeynaan jawaab ka bixin,sidoo kale Somalimemo waan aqristaa jidbada iska dhaafa xaqa tageera bes,ogaadana alshabaab waa bini adam,Takar waa bini adam,sheikh xasaan waa bini adam,bini adamka sheydaan ayaa ku taxaluqa iyo naf(aduunyo) axaadiista sheikh takar mid baan u fahmay in Alshabaab ay isleeyahiin Somalia ku suga Mahdi oo haddii sidaa loo fiiriyo xataa Mahdi ma aduunyo baa laga raadin!!! waa xaqiiq in Somalia oo dhul Islaam ah ay gaalo isku soo ururineyso iyagoo qiil ka dhigtay Alshabaab,mida kale anigaba Alshabaab mar waan tageri jirey laakiin waxaan idiin sheegi xisbi ama urur aadan fahamsaneyn fikirkiisa iyo rabitaankiisa laguma biiro,micnaha ama sideyda noqo ama waan ku dili.

  6. xamdi says:

    a s c ikhwaanii alle ka cabsada waxaan ahay hooyo soo maaliyeed kuna nool qurbaha aad iyo aad bayna ii dhibtay isku tuur tuurka wadaadadu walaalayaal alle kacabsada yaanu wax ka rumaysanaa hadii midba kii kale durayo wadaadadu way is khilaafi karaan laakiin in qofba qofka kale ceebtiisa raadiyo ama doono wax uusharafta kaga qaado ama lays magacaabo.maxaad kafileysaan caamadii aan aqoon hadith iyo aayad toona

  7. ali says:

    to daalib
    marka hore waxaad moodaa labada qoraa waxa ey isku heestaan, iyo sidoo kale waxa takar lagu heesto in aadan fahansaneyn
    sheekada labada qoraa ka dhaxeyso ayaaba ku base-kareysan والقتل بالرهبة, adigana waxaad leedahay qoraagu eray buu daba socdaa, nusuusta tirada badan ee aad sheegtay in qoraaga somalimemo soo qaatay kulligood waxey ku shubmayaan madaxda jabaabirada ah ee dadka gumaadayo, culumada aad sheegtana kulligood sidaa bey ku fasirayaan, kolley hadii aad fahmeysid luqada carabiga arintaas ma qarsoona.
    arinta takar lagu heestan ma’ahan madax jabaabira ah oo Irhaab sameyneysa, waxaa lagu heestaa magaca Ihaab ayaa leydinku dilayaa ayuu rasuulku yiri.

  8. Daalib says:

    Bismillahi raxmani raxiim

    Walaalka qoray maqaalkan, markaan akhriyay qodobka 1:aad (Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “) waxaan isla eegay walaalka kale qoraalkiisa, ee shabakada somalimemo ku qoran. Waxaana iiiga baxay sidatan;

    Walaalka nusuusta uu soo bandhigay kuma aadan qabsan, waznigooda iyo jiritaankoodaba. Waxaana u arkaa su’aasha in laga jawaabay, balse adiga waxa aad raadineyso sidaan kaa fahmay ayaa ah, alfaad cayiman oo siqaas la isu dulsaaray oo ah tusaale: Qaala rasuulullah scw: Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “

    Waa halkan meesha aad ku diidan tahay qoraaga,
    والقتل بالرهبة“Dilkana ku baneestaan baqdin galinta dadka”,
    wuxuuna kuu soo dareeriyay aaraa badan oo qaba waa irhaabnimo, waana fasirka culimada uu soo daliishaday, hana ahaato irhaabnimada inay ka timaado xukaamta si ay dadka u baqdin geliyaan.

    Hadaad ila socoto wali akhil kariim, gaalada maanta marka ay islaamka irhaabi ku sheegaan yaa fuliya oo muslimiinta baqdin geliya waa xukaamta muslimiinta, mareekan iyo israaili ma arkeysay oo kuugu baqdin geliya shawaaricda tuuladaada ama degmadaada.

    Sida aad lasocotana axaadiista iska dhaaf xittaa, Quraanka kariimka ayey culimada ku kala duwanaadeen muraadallaah fii bacdal ayaat, Marka akhil kariim arintaan waa arin ay sida culimada u fasirteen loo soo bandhigay adiga ereyada iyo sidaad wax u rabtit meesha kama heleysid hadaad tafsiirka culimada burineyso oo adillo ka adag keeneyso waa wax la gartay.

    Wallahu aclaa wa Aclam

  9. amow says:

    war ictisaamoow iyo islaaxoow iyo salifiya jadiidoow war waa dhamaaday ama ururkale caamo waan fahamany ee naga dhaafa waxaad wadaan