Home » Warar »

Diyaaradaha miiga ee dowlada Kenya oo galabta duqeeyey deegaanka Husiingow ee Gobolada Jubooyinka iyo dhimasho iyo dhawac gaaray dad badan oo shacab ah .

 

Diyaaradaha miiga ah ee dowlada Kenya oo galabta duqeeyey deegaanka husiingow ee Gobolada Jubooyinka iyo dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo shacab ah .

goobjooge Maxamed Cumar Ibraahin ayaa saxaafada u sheegay in diyaaraduhu aysan ciidan duqeyn ee ay duqeeyeen dad shacab ah ,wuxuuna sheegay in aysan heysan wax daawo iyo daryeel ah midna

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka dalka Kenya ayaa dhawr jeer oo is xigxigtay duqaymo u geystay dagmada hosiingow oo kismaayo u jirta ilaa 160 KM waxaana warku sheegayaa in halkaa ay ka dhacday mashaqo aad u xoogan .

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacyadu gaareen ayaa badankoodu yihiin dad rayid ah waxaana warar hoose ay sheegayaan in ay yihiin dad isku qoys ah ,waxaana la sheegay in deegaankaasi uuna laheyn goob caafimaad iyo farmashiye toona waxaana wax lala yaabo noqotay ka dib markii deegaanka laga helay 3 cirbadood oo dhiigjoojin ah kuwaas oo uu sitay qof safar ku ahaa iyo hal cirbad oo teetano ah waxaana la la,yahay dadka wax lagu daweeyo .

Deegaanaka husiingow ayaa magaala ahaan waxaa ugu dhow kismaayo oo u jirta 160 KM waxaana dadku walaac xoogan ka muujinayaan dhaawacyada oo aad u dhiig baxaya iyo daryeel la,aanta heysata .

Maxamed Cumar Ibraahin ayaa saxaafada uga warbixiy sida ay wax u dhaceen wuxuuna sheegey in diyaaraduhu dadka deegaanka ku garaaceen madaafiic waa weyn kuna fureen qoriga Zuuga ee diyaaradaha ku rakiban .

“xaafadihii shacabka ayey aad u duqeeyeen waxayna ahaayeen laba diyaaradood dadkuse waxay sheegayeen in ay ahaayeen 3 miig ah waxaana indhahayga ku arkay 22 qof oo dhaawacyo kala duwan gaareen waxaana jira 12 qof oo kale kuwaa oo ku dhintay duqeymaha diyaaraduhu geysteen “

“nin iyo xaaskiisii iyo laba caruura iyagu isku goob ayey ku dhinteen ,dadka dhitay 7 waa caruur labana waa haween iyo 3 nin “

Duqeymaha husiingow ee galabta ayaa laba jeer diyaaraduhu ay duqeymaha geysteen ka dib salaadii casarka iyo gabaldhicii maanta

Magaalada hosiingow ayaa kismaayo ka xigta dhanka Kenya ilaa masaafo dhan 160 KM wadada xageeda ayey u jirtaa 47 KM xaga dhoobley waxay u jirtaa 90 KM dhanka badhaadhe ayey u jirtaa 120 KM .

Maxamed Cumar Ibraahin oo saxaafada la hadlayey ayaa duqeyntaan ku tilmaamay mid masiibo ah dadkii deegaankuna ay dhiig bax u dhamaanayaan isla markaana dhaawacyadu u badan yihiin kuwo liita

Odoyaasha iyo waxgaradka ka badbaaday duqeymaha ayaa ku mashquulsan dhawacyada aan daawo loo heynin sida ay ku waramayaan duqowda deegaanka husiingow

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Diyaaradaha miiga ee dowlada Kenya oo galabta duqeeyey deegaanka Husiingow ee Gobolada Jubooyinka iyo dhimasho iyo dhawac gaaray dad badan oo shacab ah . "

  1. Caano says:

    Salaan kadib, murtida ugu wayn waxay tahay in duqayntani ku dhacday day dad rayid ah sida lasheegayo, saddex nin mooye inta kale waa hooyooyin iyo caruurt wax la aqbali karo oo loo dulqaadan karo maaha. Cadowga Somalidu (Kenya) wuu ugu talo galay, waayo iyaga waxa ka galay maleh waxa dhimanaya.