Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Magaaladda Garoowe

Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo xubno uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho iyagoona ku sii jeeda Magaalada Garoowe ee Magaala Madaxda PuntLand.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe iyo guud ahaanba Magaalada Garoowe ayaa waxaa xiligan ka soconaya diyaar garow ballaaran oo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha DFKMG.

Madaxweynaha DFKMG ayaa safarkiisa waxaa ku wehelinaya Xubno ka tirsan labada Gole kuwaasoo ujeedka safarkooda lagu sheegay sidii madaxweynaha maamul Goboleedka puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ay ugala soo hadli lahaayeen dib u dhaca ku yimid shirkii wada tashiga Soomaalida oo la filayay in dhawaan uu ka furmo Magaalada Garoowe.

Ammaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo jidadka magaalada Garoowe xiligan ay ka muuqanayaan ciidamada ammaanka oo la soo buux dhaafiyay Wadooyinka wafdigu uu marayo.

Sidoo kale garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweyne Faroole iyo Golihiisa Wasiirada iyadoo sidoo kalena halkaa la soo dhoobay Dadweyne aad u fara badan gaar ahaana haween ku lebisan Dharka Hiddaha iyo dhaqanka.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii labaad ee uu halkaa ku tago Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu xilkaas qabtay.Si kastaba Booqashadan Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu maanta ku tegayo Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay imaanaysaa xilli dhawaan uu Madaxweyne Faroole Hadalo kul kulul uu soo jeediyay isagoona ku hanjabay haddii Shirka Maalinimada Talaada ah ah uu dib ugu dhaco uu ka baxayo qorshihii shirka wada tashiga ee lagu waday in Garoowe lagu qabto.

Shirka wada tashiga ayaa la filyaa in uu beri ka furmo Magaaladda Garoowe iyadoo uu ku soo beegmey xilli Xildhibaanadda Baarlamaanka ay dhawaan Xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan oo isagu qayb ka ahaa shararkii hore ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho iyadoo maamulka Pundland uu gudoomiye u aqoonsan yahay Shariif xasan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.