Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Oo La Filayo Inuu Maanta Kulan Xasaasi ah Magaalada Nairobi Kula Yeesho Saraakiil Maraykan ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray Magaalada Nayroobi ee dalka Kiinya ayaa la filayaa in Maanta ay halkaa kula kulmaan Saraakiil ka tirsan Dalka Maraykanka.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha DKMG oo ay ka mid yihiin Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sida la sheegay waxa ay la kulmayaan Saraakiil Maraykan ah oo ka socda wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Gaashaan Dhigga Maraykanka.

Eng. Yariisow oo ka mid ah Wafdiga uu hor kacayo Ra’iisul Wasaaraha isla markaana ah afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlayo ammaanka Soomaaliya arrimihii ku soo kordhey Soomaaliya .

Eng,. Yariisow ayaa saxaafadda u sheegay in shirka ajandhayasha ugu waa weyn weyn ee hor yaala ay tahay sidii gacan loo siin lahaa loona taageeri lahaa hawl galada ay ku jiraan Ciidamada Soomaaliya, Amisom iyo kuwa Kiinya.

Hawl galkan iminka soconaya ayuu sheegay in taageero looga raadinayo Xukuumadda Maraykanka si ay gacan uga gaysato ka saaridda Xarakada Shabaab Geyiga Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka kiinya waxaa uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaa saraakiil ka socota dalka Kiinya iyo Madaxda Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Nayroobi isagoona kala hadlaya xaaladihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.

Xukuumadda Maraykanka ayaa iyadu si weyn u danaysa arrimaha Gobolka iyadoona marar badan oo horena sheegtay inaysan marnaba ku lug yeelanayo xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya isagoona mar dhaleeceeyay weerar dhinaca cirka ah ee lagu qaaday qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Marayakanka ayaa sidoo kale mar uu hadlay Todobaadkii hore waxa uu sheegay in iminka uu u soo jeesanayo wax ka qabashada Al Qaacidada Dalalka Yaman iyo Soomaaliya ka jirta.

Isku soo duuboo siyaasadaha is bed bedelka badan ee Maraykanka ayaan iyagu lahayn jaho dhab ah oo la raaco walow dadka arrimahaa u dhuun daloola ay sheegayaan in Maraykanku gacan weyn ku leeyahay arrimaha Mandiqadda Geeska Afrika.

Intii uusan bilaaban kulankaa ayaa Raiisul Wasaare waxaa uu la kulmey Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salfa Kiir waxaana la is kula soo qaadey Xaaladda Soomaaliya iyadoo lagu waramey in Dowladda Federaalka ay dowladda Koonfurta Suudaan ay ka codsatey in Soomaaliya u soo dirto Ciidamo qayb ka noqda Ciidamada Amisom

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.