Home » Warar »

Prof. Gaas oo ka hadlay Xawaaladaha Soomaaliyeed iyo Sheikh Shariif oo furay Ciyaaraha G/Banaadir iyo weriye lagu diley Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xawaaladaha Soomaaliyeed oo uu walwal ka muujiyey haddii la xiro. Warkaas (oo cod ah iyo warsaxaafadeed xafiiska Prof. Gaas) iyo madaxweynaha DFKMG oo furay ciyaaraha G/Banaadir (qoraal ka soo baxay xafiiska duqa magaalada Muqdisho) iyo DFKMG oo War Saxaafadeed ka soo saartay dilkii weriye Cabdisalaam Sheekh Xasan (Xiis) hoos ka akhri…


Warsaxaafadeedkii Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG:

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli oo wal wal ka muujiyay go’aanka dowladda Mareykanka ee joojinta Xawaaladdaha Soomaalida

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Ra’iisul wasaaraha DFKMG

ama halkan ka dhegeyso:
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gaas_dec2011.mp3]

Muqdisho, Axad, December 18, 2011——-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta ka hadlay go’aanka ay dowladda Mareykanka muddada todobaadyada ah ugu qabatay howshii shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee lacagaha u diri jiray dalka Soomaaliya isagoo ku tilmaamay haddii go’aankaasi uu dhaqan galo inay tahay musiibo iyo dhibaato weyn oo la soo dersi doonta nolosha Malaayiin Soomaali ah kuwaasoo ku tiirsan lacagaha ay ka helaan eheladooda ku nool Qurbaha ee loo soo marsiiyo Xawaaladdaha.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tilmaamay in Xukuumad ahaan ay wadaan dedaalo la xiriira sidii arrintaasi loo baajin lahaa isagoo sheegay inuu la xiriiray dowladda Mareykanka una diray qoraal sidoo kalena uu xiriir dhanka Telefoonka ah la sameeyey xubno Sanataro ah si ay uga dhaadhiciyaan in Bankiyada Mareykanku aysan joojin wada shaqeyn kala dhexeysa Xawaaladdaha Soomaalida.

“Anagu waxaan wadnaa dedaalo aan ku dooneyno inay sii socoto wada shaqeynta Bankiyada Mareykanka iyo Xawaaladdaha, waxaana qoraal aan ku codsaneyno arrintan in la baajiyo u diray mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka, qaarkoodna waxaan kula hadlay Telefoon” ayuu yiri R.wasaaraha oo ku celi celiyay in arrintani ay tahay dhibaato dhaqaale oo soo wajahi doonta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, R/wasaaruhu waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala xaajoonayaan sidii loo xalin lahaa ama looga hortagi lahaa wixii khatar Amni ah oo ka soo gaari karta Dowladda Mareykanka isagoo xusay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in si wada jir ah looga hortago cid kasta oo qaswade ah oo isku dayda inay si khaldan uga faa’iideystaan lacagahaasi Soomaaliya loo soo diro “Waa waajib in la dhowro Shuruucda iyo Xasiloonida dowladda Mareykanka sababtoo ah dadku lacagaha waxay ka dhex shaqeeyaan Mareykanka gudihiisa mana ahan in isla wadankii ku caawiyay aad ku dhibaateyso lacagtiisii” ayuu mar kale yiri Dr. Cabdiweli.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu sharaxay lacagahan ay dadka dibadduhu u soo diraan eheladooda Soomaaliya jooga inay laf dhabar u tahay nolosha Kumanaankun oo qoysas maadaama buu yiri dalka aysan ka jirin ilo dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin shacabku “Lacagta dibadda laga soo diro waxaa lagu qiyaasaa inay dhantahay saddex meelood hal meel wax soo saarka dalka ee sanadkiiba, waana dareemi kartaan waa kharash aad u badan”.

Ugu dambeyntiina, wuxuu xusay inuu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta gudaha ee shirkaddaha Xawaaladdaha si uu ugala hadlo sida loo xakameyn karo in lacagaha ka yimaada dibaddaha aysan si khaldan ugu gacan gelin kooxaha xagjirka ah xiriirkana la eh Argagixisada Caalamiga ah.

– DHAMAAD –
Wareegtada: Ref: XRW/OM/PR 00117/12/11
Isha: OPM Media media@opm.gov.so


— Kenya: Waxaan weerareynaa Afgooye, Marka iyo Baraawe, waana ka xunahay xil ka qaadistii Shariif Xasan

— Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Ku Goodiyay In ay Dagaal Ku qaadayaan Degaanada ay ku sugan yihiin Ahlu Sunna Wal Jamaaca


War Saxaafadeed DFKMG ka soo saartay dilkii weriye Cabdisalaam Sheekh Xasan (Xiis)

(Mogadishu, December 18, 2011) Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyski iyo eheladii uu ka geeriyooday Cabdisalaam Sheekh Xasan (Xiis) oo ahaa Joornaaliiste u shaqeynayay Taleefishanka Horn Cable oo maanta toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho.

Sababta keentay dilka wariyaha ayaan la ogeyn ilaa xiligaan, asigoo ku sugnaa agagaarka hotel Madina ee Degmada Xamarweyne. Waxaa socda baaritaan la xiriira dhacdadan foosha xun, waxaana la soo saari doonaa faahfaahin la xiriirta marki baaritaanku soo idlaado.

Samir & iimaan rabi haka siiyo qaraabadi, ehelki iyo asxaabti uu ka geeriyooday Cabdisalaam Sheekh Xasan.
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

-dhammaad-


Qoraalkii Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho:

Madaxweynaha DFKMG oo furay ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir…

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir oo daaha looga qaadayay ciyaaraha degmooyinka ayaa waxaa xariga kajaray mudane Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya.

Halkan ka daawo Sawirada….

Munaasabaddani oo aheyd mid caalami ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin fara badan oo katirsan dowladda kooxaha ciyaartooyda 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, kooxda baambeyda, haweenka iyo dhalinyarada degmooyinka gobolka oo dhan iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horeynti munaasabaddaasi dhoola tus dadweynihii kasoo qeybgalay ay jecleysteen soo bandhigay kooxi ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir oo ay wehliyeen kooxda Baambeyda, waxaana socod dheer ay kusoo mareen gudaha garoonka Satdiom Koonis ee magaalada Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo kubaddii lagu ciyaari lahaa cirka utuuray kadibna waxaa sacab iyo sawaxan lagu soo dhoweynayay furitaanka ciyaaraha degmooyinka ee madaxweynuhu furay.

Intaa kadb waxaa bilowday qudbadihii madaxda oo uu ugu horeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ku dheeraaday baahida loo qabo is dhex galka bulshada iyo degmooyinka gobolka si amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho wax weyn looga baddalo.

Madaxweynaha Jamhuudiyadda Soomaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo munaasabaddaasi hadalo qiimo badan kasoo jeediyay ayaa dhankiisa tilmaamay baahida loo qabay ciyaaraha degmooyinka isagoona guul u rajeeyay ka qeyb galayaasha dhamaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada barnaamijyo badan oo lagu horumarinayo adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Halkan ka daawo Sawirada….

Waxaa soo tebiyey:

Mohamed Yusuf
Press Officer office of the Mogadishu Mayor,
Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.
Mogadishu-Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Prof. Gaas oo ka hadlay Xawaaladaha Soomaaliyeed iyo Sheikh Shariif oo furay Ciyaaraha G/Banaadir iyo weriye lagu diley Muqdisho "

  1. warsame says:

    Waxaan mudo dheer ku dhiiran waayay in aan si cad u fahmo waxa MARAYKAN IYO REER YURUB ka rabaan soomaaliya? aad ayay iigu adkaatay waxaana malmaleeyay anoo ku mashquulay suaasha ah MAXAY REER GALBEED KA RABAAN SOOMAALIYA? malahaygii aan nafta ku sasabayay waxaa ka mid ahaa wax yaabahan soo socda.

    1.inaad u hogaan santaan oo sidooda noqotaan ayay rabaan xaga dhaqanka.

    2.dhulkay rabaan inay idinla dagaan sida south africa iyo ustaraaliya iyo america ay u dageen oo kale.

    3.diinta ayay idinku colaadinayaan oo iyaday idinka fasaadinayaan.

    4.Eithiopisa ayay idin hoos gaynayaan

    5.khayraadka dalkay rabaan oo mindhaa shiidaalbaa ku jira dhulkan soomaaliyeed.

    iyo wax yaalo yar yar oo kale. hadaba waxaas oo dhan kuma aana qancin oo waxba iima cadaan waa uun malmalayn aan cdayn. sababaha iidiiday in aan sidan ku qanco waxaa kamid ah sidan.

    1.haday rabaan in aan u hogaan sanaano kumanaan soomaaliya oo siyaasiyiin iyo aqoon yahano leh ayaa raali ku ah hogaan sanaanta oo mahayno cid diiday reer galbeed oo soomaali ah qodobkan halkaasaan uga haray.

    2.qodaobka ah dhulka inay rabaan inay dagaan oo inagu aan ka noqono dad yar iyaguna inta badan qodobkan wax ifafaalo ah oo isasoo tara ayaan waayay oo sidaasan uga haray.

    3.diinta ayaa laydinku colaadinayaa waxaan eegay imisaa dawlado caalmkaan ku nool oo nala diin ah hadana dhaqan oo reer galbeed la dhaqmaa haday diin arintu tahay. dhanka kale oo waliba naga diinbadan oo naga ilbaxsan markaa arinku diin maha ayaa ii soo baxday halkaas ayaana uga haray.

    4.Eithiopia ayay idin hoos gaynayaan malihii ahaa waxaa ii soobaxday inay eithiopia aysan u rabin inay soomaaliya qabsato oo waxay u isticmaalayaan uun ladagaalanka argagixisada caalamka ee lagu sheegay soomaaliya inay joogaan qaar waxaana ii cadaatay markay eithiopia kasaareen soomaaliya oo dhaqaalihii ka goosteen. tana halkaas ayaan uga haray.

    5.Khayraad ayaa mindhaa ku jira soomaaliya sida batroolka oo kale amay sidaa usocdaan qodobkan waa midka aan ku xasilay oo arintii oo dhan uu furay oo aan ku dhiiraday kuna qancay mudo dheer kadib. waa run weeye soomaaliya gaar ahaan dhulka xeebaha bada cad ee bariga soomaaliya waxa la cadeeyay in uu qarniyaal aad u farabadan ka hor ku yiilay dhulka carabta ee yamen oo biyaha kala gooyeen oo kala siqaday dhulku. hadaad eegto labada dhul waa isku ciid iyo dhir waana saxaro xigeen cimilo kulul oo buuraleey ah.

    dhulka carbeed ee yamen waxaa laga helay shiidaal waxaana lacadeeyay in ka soomaaliya kabadan yahay kaa yamen. dagaalkuna waa mid u dhaxeeya shiinaha oo raba iyo reer galbeedka oo soomaaliya xirtay oo waligoodba kayd ugu tala galay. tani waa cadaan waan qancay waana ogaaday waxa reer galbeed ka rabaan soomaaliya waa QANINIMADA XAGA SHIIDALKA CEEGAAGA BARIGA SOOMAALIYA EE BADA CAS DHULKA SAARAN XEEBAHA IYO HALKA AY ISKA GALAAN LABADA BADOOD EE BADA CAS IYO BADWAYNTA HINDIYA.

    Waxkale oo meesha laynaga rabaa ma jiro waa shidaalka caalamka ubadan ayaa laga helaa halkaan walaalayaal intaa aynu si cad u fahano waxaase calool xumo igu dilay dalkeena sida aynu oga bahanahay jahilnimo aqoon dari darteed waayo kalama soobixi karo!!! dadkeeniina abaar iyo gaajo ayaa dhamaysay waxaynu isu dilaynaa oo qabiil u hurinaynaa waa gaajo oo nin waliba waa qado doon kursigana xataa sharaf nin u raba iyo siyaaso ma jirto waa baahi miyaanay hayan wax laga xumaado walaalayaal soomaaliyeey.

    Waxaynu nahay umad lagu qiyaaso 10 000 000 dhulku inaga badan hadii badkiisa loo qaybiyo dadka qof waliba waxa uu heli karaa tuulo kaligii khayraadkuna inaga badan oo qof kasta oo jinsayd soomaaliyeed leh waxa uu helayaa shirkado u gaar ah oo milja neer buu ahaanayaa hadii ilaahay inoo soo saaro oo inoo sakhiro khayraadkeena aan ka baahanahay.

    sucuudi arabiya qarniyaal bay baahi sideena oo kale qabeen saxaro iyo buuro abaar ah ilaahay dheemanka madoow wakaa usoo saaray inagaana ka dheeman badan walaalayaal.waxaa yaableh cadaawada aadamaha dawladaha awooda soo saarida shidaal ee cilmiga u leh inama saacidayaan aadiminimo bal aadama yaabkiisa iyo bakhalnimadiisa arka walaalayaal. umad dhulkooda uu buuxo shiidaal oo ay arkaan ayay jawaan galay dhacday ah kula soo ordaan!!!

    Walaalayaal qanibaynu nahay xaqna umalihin in aan ka gaajeesnaano shidaalka ilaahay ina siiyay maxaa talo ah dib aynu isugu noqono oo tashano sideen ula soo baxnaa shiinaha oo la hortaagan yahay xagee u maraa?? reer galbeed waa niman jecel inay kaligood ceeshaan waa ogyihiin si fiican inaynu nahay qani waliba aan cadi ahayn ee aad rabi ugumanaystay shiidal. soomaaliyeey raga nimo ayaa la rabaa talo ayaa la rabaa fakhriga sideen uridnaa oo utuuraa oo ula soo baxnaa shidaalka aynu maalin walba ku dul lugaynayno!!!

    ragalbeed waxay u yaqaanaan kaydkii mustaqbalka ilmahooda!!! waxaa saa laynaga rabaa waan bogsaday waxna ii cadaade waana qancay walaalayaal.