Home » Faallo »

Shiikh Shariif : Laba Dhibcood

Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya ayaa u eg ama u muuqata Ciyaar kubadda Cagta ah oo isreeb reeb ah waayo haddii aan dib u qooraansano markii Madaxweyne Shiikh Shariif Madaxweyne loogu doortey Jabuuti 31- kii Janaayo Sannadkii 2009 wuxuu Siyaasada ku soo galey Ciyaar Isreeb reeb ah wuxuun markasta ahaa nin Xariif ku ah kulamada la isaga soo horjeeda inkastoo uu taageero xoogan ku lahaa Beesha Calaamka,waana Midaas in uu horjooge ka noqdey dagaalo siyaasadeed oo la isku riiqmey waayo markii la dhisey isbaheysigii siyaasada Casmaro wuxuu Shiikh Shariif kulanki ugu horeeyey Siyaasada uga adkaadey nin ay soo wada halgameen Shiikh Xasan Daahir Aweys wuxuuna ahaa xiligaas nin aan Kulamaddasi aad ah looga aqoon hase yeeshee markiiba noqdey shumac ka soo dhex baxay Siyaasiyiin mudo ku soo gaamurey Siyaasadda taasoo la yaab ku noqotey Shacabka Soomaaliyeed.

Kulankii l;abaad Shiikh Shariif ee uu safety waa kulankii uu kaga adkaadey siyaasada waa siyaasigii Rug Cadaaga ahaa ee Cabdulaahi Yuusuf oo isagu islahaa cid Qori agtaada ka Jabasan karta ma jirto,hadana waxaa lala Ciyaarey Ciyaar qabow oo Shiikh Shariif si fudud uu ku heley labadii dhibcood taasoo uu si aad uga fajacay Cabdulaahi Yuusuf waxaana Sheikh Shariif u dhacay Sacab fara badan waxayna dadka qaar la haayeen “war Ciyaaryahankaan halkee buu naga soo galey waayo ma aha nin aan ku naqaaney Garoomada hase yueeshee nin baa ku qayliyey “Waa nin la Bootiyey waayo uma soo ciyaarin Kooxaha Heerka Sadexaad iyo Heerka labaad durba wuxuu noqdey nin horey laga geeyey kooxaha heerka Koowaad marka waa nin taageero ka haysta Beesha Caalamka marka ma aha nin loo dhawaan kara” .

Madaxweyne Shiikh Shariif halkii buu ka sii watey Dibirata uu u geysanayo dadka Siyaasada kaga soo horjeeda wuxuuna Kulankii Saddexaad Ciiyaar aan waqti badan socon la yeeshey Nuur Cadde oo Hamiga uga jirey kurisga Madaxweyninimada waayo Tartan buu la galey hase yeeshee wuxuu Nuuc Cadde afka labadii buu yeerey wuxxuu sheegey in uusan wadi Karin Ciyaarta sidii buu uga baxay iyadoo taageerayaashiisu ay aad ula yaaban yihiin waxayna qaarkood ay lahaayeen “war Maxaa kuugu dhacay oo aad Ciyaarta uga soo baxdey “Markasuu yiri “wax ma ogadiin Garsooraha Xitaa waa mid hore loola soo Hadley ama Bagaato ah markaa waa igu adkaatey in aan sii wato Ciyaarta.

Kulankii Afaraad ee uu Sheikh Shariif uu saftay waa kulankii uu la yeeshey Shiikh Aadan Madoobe oo Xiligaa ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana kulankaan ;lagu tilmaamey mid aad u adkaa waayo waxaa Shiikh Aadan Madoobe isugu tagey Labada Shariif waxayna ku soo heshiiyeen haddi ay ka Takhalusaan Shiikh Aadan Madoobe in muddo ay sii Ciyaari karaan islamarkaan ay noqodaan Kuwa aan marnaba la soo haweysan gaar ahaan Horyaalinimada Siyaasadda ,waxay galeen Xaaladda farxad ay ku dheehan tahay waxayna ku heshiiyeen in sannad kasta ay qaataan Koobka Horyaalka.

Intii ay guda jireen Siyaasada ayaa waxaa meel dhex uga soo dusey Raiisul Wasaarihii hore Cumar Cabdi rashiid waana kulankii Shanaad markiiba inta isku farjaawiyeen ama isku Iljabiyeen ayaa Ciiyaar qabow lala ciyaarey waxaana Cumar Cabdirashiid intii Ciyaarta socotey lagala daaley Feer Jilib inta Dawakhey buu yiri “waan ka baxay Ciyaarta sidaa ayey Sheikh Shariif uga Takhalusey isagoo wareesan buu iska Caraabey waxaana moodaa in Sheikh Shariif uu heley Ciyaaryahan Khadka dhex u toosiya waana Shariif Xasan waayo wuxuuna Noqdey Gudoomiye Baarlamaanka Koooxda Shiikh Shariif halkii bay ka sii wateen Kulamadoodii iyagoo aad moodid Cid u soo dhawaan karta in aysan jirin maadaama ay Badda cabsiiyeen Ciyaaryahano muddo ku soo dhex jirey Ciyaaraha.

Kulankii Lixaad ayaa waxaa la dhihi karaa waa kii ugu adkaa waayo waxaa Ciyaaraha ku soo biirey nin aan la aqoon meel uu ka yimid waa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isagu taageero ka heley shacabka markiiba labada Shariif Waagaa ku baryey waxay bilaabeen sidii ay uga takhalusi lahaayeen,waxayna la yaabeen ninkaan halka uu ku daaban yahay wax la isku xiiqo oo la is hardiyo Ciyaartii Sheikh Shariif iyo saaxiibkii waa ku adkaatey waxay garan waayeen sida ay yeeli doonaan Taageerayaashaan fara badan ee isugu soo baxay wadooyinka hase yeeshee Ciyaaryahan farmaajo ayaa gool lama filaan ah ka dhaliyey labada Shariif markiiba waaga ku baryey balse Qululub ayey geliyeen Goolkii waxaana la joojiyey Ciyaartii ka dib markii laga wadi waayey laba Shariif inkastoo labada Shariif ay isu muujiyeen Cadaawad hadana waxaa uga weynaa sidii ay meesha uga saari lahaayeen farmaajo , waxaana la isugu tagey Kambala si wax laga yiraahdo Ciyaartaas waxaana aakhirkii la go’aamiyey Ciyaaryahan Farmaajo gabi ahaanba Ciyaaraha laga joojiyo waxayna arrintaas u cuntami weydey Taageerayaasha Farmaajo,balse markii dambe iska quustey ,waxaana la arkayey labada Shariif oo si hoose isula hadlaya oo leh”War kan waaba na gilgiley ee waa ilaah mahaddii haddi uu mar na dhaafiyey ma aragtey sidaan u galey ee farsamamada badan haddii aan sidaa yeeli lahayn oo aan isku il jebin lahayn laf dhuun gashey buu nagu noqon lahaa”.

Iyagoo faraxsan bay halkii ka sii wateen Kulamadii hadaba maxaa dhacay markii Shiikh Shariif uu is yiri “walee Masraxa waa laguugu haystaa ee waan in aad Shariif Xasan meesha aad ka saartaa”taas oo aadan helin waa laguu yaabaa,Shikh Shariif wuxuu guubaabiyey Ciyaaryahanadii kale waxaana bilowdey kacdoon hoose waa garan waayey Shariif Xasan halka laga jiro wuxuu is adkeeyaba waxaa heley rag Xariifiin oo markii dambe meesha ka saarey Shariif Xasan inkastoo weli uu gebi ka laalaado hadana Shiikh Shariif wuxuu ilaah ka baryayaa in uu mar kan dhaafiyo waxaana muuqda Shariif Xasan uu hadba meel u cararayo hase yeeshee ragga Ciyaaraha siyaasadda u kuurgala waxay leeyihiin way adag tahay in uu dib ugu soo laabto Shariif Xasan Garoonka inkastoo uu dacwad uu geystey Maxkamadda hadana waa nin kursigiisii loo yimid wallow ay nafta Xaraarug ku tahay hase yeeshe wuxuu il Tabar yar uu ku eegayaa Maxkamadda iyo beesha Caalamka iyadoo ragga siyaasada lafa gura ay leeyihii waxaa Shariif Xasan arrintiisa u eg tahay Garsoore gool Hiririg ah dhashey Ansaxiyey oo ay adag tahay si looga laabto .

Isku soo duuboo waxa Masraxa siyaasada ku soo harey Shiikh Shariif oo siyaasada uga soo adkaadey Shiikh Xasan Daahir, Cabdulaahi Yuusuf , Nuur Cadde , Shiikh Aadan Madoobe , Cumar Cabdirashiid, Faramaajo iyo Shariif Xasan waxayna Soomaalida Tiraah “LA HEL , LA HEL LA WAA AYAA U DAMBEYSA” Labadda Dhibcood markasta la heli maayo hadaba la arkii doonee halka uu ku dambeeyo Shiikh Shariif

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

AKHRI Qodobadii Baarlamaanka Soomaaliya u cuskadeen xil ka qaadista Shariif Xasan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shiikh Shariif : Laba Dhibcood "

  1. kkk waa fallo khatar ah annagu hadaan taageerayaal nahay waxaan taageeraanna Farmaajo inuu mar dambe soo noqdo oo dhaawicii gaaray ku soo dawiinno dalalka caalamka carcar cusubna la soo galo garoonka ciyaari waa gelin dambe……………… waad salamantihiin.