Home » Warar »

Shir looga hadlayey Qorshaha Sugiddga Amniga Qaranka oo looga hadlayey Magaalada Nairobi

Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga ayaa shir Gudoomiyay , shir soconayay 2-maalmood kaas oo ka dhacay magaalada Nairbi ee Dalka Kenya loogana hadlayay arima la xiriira NSSP.
Shirkaas ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Cadaalada.

Shirkaas oo looga hadlayey arimaha Miisaaniyadda ee NSSP-ka kaas oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen Beesha Caalamka sida USA, UK, EU, Japan iyo hay’adaha UN-ka oo ay UNPOS hogaaminayso.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka codsaday balan qaadyada beesha caalamka in la dhamaystiro, si loo gaaro guulaha la doonaya in laga gaaro NSSP-ga, waxaa kaloo uu sharxay waasiirka in NSSP-ga ay soo gudbiyeen golaha wasiiradda hadana la sugayo in baarlamaan uu ansixiyo isaga beesha caalamka ka balan qaaday in si dhaqsi ah loo hirgalin doono.

Ra’iisal Wasaare k/xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab ayaa furitaankii shirka waxaa aad oga hadlay arimaha NSSP-ga iyo sida DFKG ah ay u wada hirgalinta, Ra’iisal Wasaare k/xigeenka waxaa uu beesha caalamka sharaxaad ka siiyay howlaha amniga wadanka iyo guulaha ay gaareen ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, isaga oo beesha caalmka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan DFKG ah.

Gabagabaadi ayuu Wasiirku waxuu ka hadlay arinka ah caruurta la askareeyo, taas oo lagu eedeyay dowlada Soomaaliya. Wasiirka waxuu halkaas ka cadeeyay in Soomaaliya aysan carrurta askarey isla markaaa wasaaradda Gaashaadhigga ay magacowday qof arimahaas kala shaqeeya Hay’adda UNICEF, si arika askarayta caruurta ay u cadeeyso dowladda meesha ay ka taagatahay.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Shirkana waxaa uu dhamaaday manta oo ay taariikhdu tahay 15-12-2011 waxaana soo xiray Ra’iisal Wasaare k/xigeen ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise.
Communication Office, Ministry of Defense TFG Somalia.

-DHAMAAD-

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.