Home » Warar »

Mareykanka Marka ay Ciidamadiisa ka baxaan Ciraaq iyo Afganistaan oo Howlgalkiisa u wareegin doono Soomaaliya iyo Yaman

Iyadoo Dabayaaqada Todobaadka soo socda Ciidamadda Mareykanka ay ka baxayaan Dalka Ciraaq sidoo kale Sannadka soo socda waxay Ciidamadda Mareykanka ay ka baxayaan Dalka Afagaanistaan ayaa waxaa isa soo taraya in Qaar ka mid ah Ciidamadaas ay loo wareejin doono Wadamadda Yaman iyo Soomaliya hadaba Suaasha is weydiinta Mudan Waxay tahay Mareykanka Duulaankii Ciraaq iyo Afganistaan guul ma ka gaarey waxaana Xaqiiqo ah in Duulaankaas aan wax Natiijo ah la gaarin oo aan ka hayn Khasaaro Naf iyo Maal

Marka uu Mareykanka ka baxo Dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan waxaa lagu waramey in uu uga tagayo in Ciidamo u dhashey Wadamadaas hase yeeshee Ciidamadaas ma yihiin kuwa is hortaagi kara Ururka Alqaacida waayo Mareykanka iyo Xulafadiisa ayaa taag u waayey marka waxaa muuqanaya in Alqaacida ay dib ugu soo laaban doonto wadamadaas

Sababaha Mareykana uga baxayo Wadamadaas ayaa lagu macneeyey iyadoo in tahay markii Dagaaladii ka socdey Ciraaq iyo Afganistaan ay ku baxeen Dhaqaale fara badan isla markana lagu waayey Nafaf badan hadaba Soomaaliya oo ay burburiyeen Dagaalo aan dhamaad lahayn ayaa dadka qaar ay qabaan in Mareykanku uu doonayo in uu sii dhameystiro iyadoo la og yahay in Mareykanka uu yahay ninka ay ka degila’dahay Somaaliya islamarkaan mar isagu faraha la soo galey kadib ka baxay isago wax natiijo ah la gaarin , wuxuu kaloo uu soo Abaabuley Qabqablayaashii Dagaalka iyagiina waa tii laga adkaadey, waxaa xigey in uu soo abaabulo Ciidamadii Itoobiya iyagiina waa ka carareen Wadanka ka dib markii ay la kulmeen dagaalo waxaa kaloo uu gacan ka geystey soo daabulida Ciidamada Burundi iyo Uganda si ay ula dagaalamaan Xarakadda Ashabaab sidaa darteed Mareykanka qorshaha uu ka leeyahay Soomaaliya ayaa ah in sii kala qayb qaybiyo islamarkaana uu u adeegsado Ciidamo Afrikaan oo qarashkoodu aad u jaban yahay isagan uu banaanka ka joogo oo qof Marteykan ah uga dhiman Howlgalada Soomaaliya iyo Yaman

Xoghayaha Difaaca ee Dalka Maraykanka oo dhawaan gaaray Jamhuuriydda Jabuuti ayaa ka hadlay qorshaha wasaaraddiisa ee la dagaalanka kooxaha al qaacidda,Maraykanka oo sal dhig ballaaran ku leh Saldhig Milatery ayaa inta badan waxaa uu yahay halka laga kontorolo Badda cas gaar ahaana iyadoo Maraykanku halkaa uu ka furtay saldhigaas oo markii hore loo qoondeeyay la dagaalanka kooxaha bur cad badeedda Soomaalida.

Xoghyaha oo ka hadlayay magaalada Jabuuti ayaa sheegey in Maraykanku dagaal kala dhaxeeyo Urur Weynaha Al qaacidda sidaa darteedna haatan xoogga hawl galadiisa uu u wareEjiyay dhinaca dalalka yaman iyo Soomaaliya.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegey in muddooyinkii u danbeeyayba ay jireen diyaaradaha aan duuliyaha wadin oo ka hawl galayay dalalka Soomaaliya iyo yaman kuwaasoo uu sheegey in ay qayb ka yihiin hawl galada Maraykanku uu kula dagaalamayo Al Qaacidda.

Xoghayaha ayaa ka codsaday dalalka MandiqaddaAn ay gacan ka gaystaan sidii dagaalka ka dhanka ah Al qaacidda ay u taageeri lahaayeen gaar ahaana dalalka Soomaaliya iyo yaman.

Dawladda Jabuuti ayaa iyadu in badan hore u balan qaadday in ay gacan ka gaysanayso sidii Mandiqadda looga saari lahaa kooxahaas oo la sheegey in ay ka jiraan Soomaaliya iyo Yaman taasoo Xukuumadda Jabuuti ay kaga kasbatay dalka Maraykanka dhaqaale ballaaran iyo Maraykanka oo halkaa ka hir galiyay saldhigyo waa weyn ee dhinaca geeska afrika ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Mareykanka Marka ay Ciidamadiisa ka baxaan Ciraaq iyo Afganistaan oo Howlgalkiisa u wareegin doono Soomaaliya iyo Yaman "

  1. maxamed says:

    asc. hadey saasi jirto maaha markii ugu horaysay oo lasoo weeraro hase yeeshee waxan ka baqayaa inay noqoto markii ugu horaysay oo wax difaaca lawaayo.