Home » Warar »

Nabadoon Axmed Diiriye oo Ku Taliyay In Shariif Xasan uu u Hoggaansamo Go’aankii Xildhibaanadu Xilka Kaga Qaadeen.

Afhayeenka Odoyaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa markii u horeeyay ka hadlay Go’aankii shalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanku ay xilkii kaga qaadeen Guddoomiyahii Barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Nabadoonka ayaa sheegey inaan xiligan loo baahnayn Muran iyo khilaaf soo kala dhex gala BAarlamaanka Federaalka Soomaaliya.Mar uu af ayeenku ka hadlayay aragtidiisa ku aadan xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegey in uu taageersan yahay xil ka qaadistaasi haddiiba sharciga loo cuskaday isla markaana uu buuxsamay Kooramkii arrintaa u fariistay.

Axmed Diiriye ayaa sheegey in wax dhibaata ahi aysan lahayn marba haddii Guddoomiyuhu muddo soo shaqeeyay haatana la magacaabo Guddoomiye cusub kaasoo uu sheegey inay beel qura ka soo wada jeedaan,Nabadoonka ayaa ugu yeeray Shariif Xasan inuu aqbalo go’aanka ay gaareen Mudanayashii shalay ku kulmay magaalada Muqdisho isagoo eegaya Danta Shacabka Soomaaliyeed .

Afhayeenka ayaa ka digay is qab qabsi mar kale Baarlamanka soo kala dhex gala taasna ay iyagu haddii ay yihiin wax garadkii ay ku talinayaan in la raaco Go’aanka inta badan ama aqlabiyaddu ay gaaraan si looga baaqsado khilaaf mar kale soo kala dhex gala Xubnaha Baarlamanka ku jira.

Af hayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in iyagu ka odoyaal ahaan aanay la kala jirin Ninka Haatan la magavcabay iyo ninkii horey u hayay xilkaas keliyana dantoodu ay tahay danta Shacabka Soomaaliyeed sidii looga ilaalin lahaa khilaaf mar kale yimaada.

In kastoo Odoyaasha Beelaha lagu yaqaan arrimaha Dhaqanka ayaa haddana Odoyaashani waxa ay u muuqanayaan kuwo dhinaca Siyaasadda qudhooda qayb ka ah iyagoo mar walbana ka hadla arrimaha Siyaasadda Soomaalida oo loo ogyahay dhinaca siyaasiinta.

Isku soo wada duuboo Hadalka af hayeenka beelaha Hawiye ayaa waxaa ka muuqanayay taageero dadban oo ay u hayaan Go’aankii shalay xarunta Golaha Shacabka ay ku gaareen mudanayaal ka tirsan Barlamanka oo ka soo hor jeestay Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.