Home » Warar »

Xildhibaanadda Baarlamaanka oo kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka oo Shir Gudoomiye u doortey Madoobe Nuunow

Maanta ayaa waxa kulan Balaaran isugu yimid Xildhinaabadda Baarlamaanka waxayna markii ugu horeysey ay ku shireen Xarunta Golaha Shacabka ka dib markii maalmihii la soo dhaafey lagu eedeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan in uu diidey in uu dhiibo Furaha Xarunta islamarkaana uu is h ortaag ku sameeyey Kalfadhiyadii Baarlamaanka

Xildhibaanada kulankaan fadhiyey ayaa ahaa 283 Xildhibaan waxayna ahaayeen kuwii maalmahan wadey Mooshinki ka dhanka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Xilka looga qaadayey ,waxaana Xildhibaanadda ay markiiba doorteen Shir Gudoomiye ka dib markii iyana ay diideen labadii Gudoomiye ku xigeen kuwaas oo la saftey Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana shir gudoomiye loo doortey Xildhibaan Madoobe Nuunow ,Maxamed oo ka soo jeeda Goboladda Bay iyo Bakool wuxuuna shir Gudoomin doonaa Kulanadda Baarlamaanka

Shir Gudoomiyaha ayaa waxaa uu soo jeediyey in la akhriyo sababaha Mooshinka looga keeney Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana Gudoomiyaha lagu eedeeyey in uu si cad u diidey Kulamadda baarlamanka ee Maalmaha Isniinta iyo Arbacadda , sidoo kale waxaa Gudoomiyaha lagu eedeeyey in uu diidey in Baarlamaanka la horkeeno Khariidada Nabadda Road Map-ka sidoo kale wuxuu diidey in dhiibo Furaha Xarunta Golaha Baarlamaanka sidoo kale waxay sheegeen in aysan diidaneyn Road Map—ka iyo heshiiskii Kampala laakiin qof kasta Sharciga ayaa ka weyn.

Kulankii maanta ayaa waxaa uu ku soo beegmey Xili uu maqan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka kana qaybgalyo shir ka dhacaya Magaaladda Roma ee Dalka Talyaaniga iyadoo inta uusan amababixin Xubno ka tiran Baarlamaanka ay waraaqo u geeyeen Ciidamadda Amisom Masuuliyiinta Dowladda ay kaga daabanayaan in uusan dalka ka dhoofi Karin Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadoo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baaelamaanka oo taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegey in Heshiiskii Kambala uu dhigayo in aan Mooshin laga keni karin Masuulinyiinta ugu sareysa Dowladda Fedaraalka, waxaa heshiskaas ansaxiyey Xildhibaanadda Baarlamaanka hase yeeshee Xildhibaanada Baarlamanka ayaa ku doodayo in heshiiska Kambala uu ka weyn yahay ka Dastuurka .

Waxaa mar kale soo ifbaxaya Khilaafka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan kaasoo laga dareemayey Xildhibaanadda baarlamaanka iyadoo Furitaanka Xarunta Golaha Shacabka uu dhabar jab ku yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka hase yeeshee Xildhibaanada Baarlamanka ayaa waxay dadka soomaaliyeed uga barteen in ay marka hore is muujiyaan ka dibna Mowqifkoodii uu durba isbedelo hase yeeshee dadka qaar baa ka cabsi qaba in haddii uu sii socdo Kulamada Baarlamaaanka ee Xilka looga qaadayo Shariif Xasan ay ku soo biiraan kuwa Taageersan si a ay halkaa uga sameeyaan Fowdo iyo qalalaase la arki doonee halka uu ku dambeeyo kulamadaan iyo waxa ka soo baxa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.