Home » Warar »

Sheikh Xasaan oo Sheegay in la ganaranyo ciddii dishey Sheikh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan, iyo sababtii loo dileyba…

Sheikh Xasaan ayaa ka hadlay dilkii dhowaanta magaalada Boosaaso loogu geystey Sheikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Ugu horayn waxa uu Allah ka baryey in Allah muujiyo oo soo qabto ciddii dishey Sheikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Waxana uu sheega in la garanayo cidda dishey, isagoo ku tilmaamay in saddex nin ay dileen, kuwaas oo hadda u gudbey dhanka gobolka Galgaduud.

Waxa kale oo uu sheegay sababtii loo diley… Hoos ka dhegeyso Sh. Xasaan oo arrintaas ka hadlaya.

Hoos ka dhegeyso:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/xasaan_dec122011.mp3]


Taariikhdii Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan hoos ka daawo

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Sheikh Xasaan oo Sheegay in la ganaranyo ciddii dishey Sheikh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan, iyo sababtii loo dileyba… "

  1. Falxado says:

    Horta wararka la sheego waxna waa xaqiiq, waxna waa malo! maluhuna xaqa waxba kama ah xitaa hadii uu (99%) yahay.

    Laakiin Kolleey aniga Ilaah baa i lehe arrinkaas waxaan u haystaa inay dilka sheekha ka dambeeyaan, Alshabaab oo qiil-ka ugu weyn ee loo hayana uu yahay fatwooyinka sheekhaan!! calaamadaha dilka waxaa ka muuqda kuwii ka muuqan jiray marka ay alshabaab fal gaystaan!! (xaqiiqduse Ilaahay agtiis ayay taallaa!).

    Dadka aaminsan in arrinkaas ay cid kale ka dambaysay, waa wadaaddada da’da ah ee alshabaab gadaal uga biiray (sida laba Xasan). waxaan hubaa inaan wadaaddadaan waxba lagala socodsiinin, arrimaha noocaan oo kale ah.. kaalintooduna ku koobantahay xubin sharafeed!!

    Ilaahay ha fadeexeeyo hana burburiyo kuwii dilay sheekh axmed iyo kuwii la midka ahaa.. Ilaahay haku sallido cadow aan u naxayn ilaahayna aan uqa baqeyn!!.. oo aan hambo ka reebin!

  2. wiil mudug says:

    shiikha waxaa dilay kuwa aan islaanimo ku abtirsan teeda kale ogaada in hadii aan laga hortagin dadka dadka indhahooda laynaya in qofkasta oo wax gard ah gurigiisa lagu soo gargaraaci doono

  3. Ahmed yare says:

    Waxaa uu yiri xassan waxaa ka codsanaynaa mujaahidiintu in aysan ku fududaan xilka ku aduunka in la dhaafiyo ku fiican ee ay culimada ku soo simaan!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!halkas maxaa kaaga baxay ??????????????

  4. Soomaali says:

    Illaah ha u naxariisto Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

  5. A.c dhamaan ummada soomaaliyeed ee muslimiinta ah waan salaamay, waxaa wax laga xumaado ah sida arxandarada ah ee loo dilayo culimadii, indheer garad ka iyo dad wax galka ah ee soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan leenahay ilaahay ha ka qabto kuwaas shacabka soomaaliyeed ee masaakiinta ah.

  6. mohamed says:

    Qolo uu kala xukumay ayaa dishay oo u arkay inuu ka eexday, iyo ninka PIS-ta haysta ina adeerkii ayaa dilay ilaah baan idinku dhaarshaye isku meel ma gaaln?!!!!!!!!!
    walaalayaal aynu ninkan meel uga soo harno, xogta uu inoo sheegayna aynu ka salgaarno, XOG ma aha eray sahlan.

  7. mohamed says:

    oo xassaan XOG ayuuba hayaa!! ma sahlana erayga XOG marka waxan leenahay ninkii sheega ma dhaafto waa in soomaali oo dhan gaar ahaan ehelkii sheekha ay ninkan maxkamad soo taagaan si uu u caddeeyo ciddii dishay sheekha, waa haddii naxdinta sheekhu inaga dhabtahay, culimada kale badbaadintoodana aynu doonayno, haddii kale berrina inta caalim kale la inaga dilo ayuu xassaan oran doonaa isna xog baan ka hayaa.

  8. Maryama Xaaji Xassan says:

    wallee Falaadhi Gilgilasho Kaagama Baxdo.

    Wadaadada Soomaaliyeedow hadda ayunbaad is ogaateen inaad noqoteen shimbirtii dadka qaaday ee buulkeedii ku gubtay.

    waxay soomaalidu ku maahmaahdaa bohol hadimo haqodin, hadadad qoddase ha dheereyn, kudhici doontaana ma’ogide.

    Qofka bini’aadamka ahi hadii uu bilaabo inuu fududaysto qiimaha nafta aadamuhu ay ku fadhido waxaan shaki ku jirin in garaafka hoosudhiciisa akhlaaqeed aanu lahayn meel uu ku istaago ilaa marka ugu dambaysa ay adiga iyo kan ku garabtaagan ka noqoto.

    Qofkasta oo caqli leh wuu ogyahay inay wadaadada soomaalidu qaybta ugu weyn kaga jiraan markaad eegto garaafka hoosudhaca akhlaaqeed ee ummadda soomaaliyeed.

    Wadaadkii horana wuxuu ahaa “lajiifiyaaba banaan” oo fiqiih tolkiis janno kama doorto.Oo qabiilkiisaa muqaddas ahaa.

    Wadaadkan dambana wuxuuba dadka usheegaa in nafta oo lagooyo ay tahay mid shahaado lagu mudanayo, fasaadkana lagu yaraynayo. waxaanad moodaa inay qabiilkii ku badasheen inayba soomaalinimadu qiimo u lahayn oo ay muqaddas ka dhigteen afar wadaad oo carab ah oo xabsiyada dhexdooda iyagoo la jidhdilo oo xanaaqsan kutub ku qoray, kutubtaasoo weli xanaaqii ka muuqdo. wadaadadaas carabta ah oo kaba daran kuweenii qabiilku diloday oo iyaga waxaaba dilooday cunsuriyad.
    dhamaan kutubtooda waxaa ka dhadhamaysa cunsuriyad aad ubadan iyo daka madow oo ay yasaan.

    Wadaadadu ha is xisaabiyaan intaan la xisaabin oo ha qiimeeyaan doorka ay ka qaateen dhalan rogga umadda iyo dabargoynta damiirkooda.

  9. waxan ku niyad samahay inaan dhiigii rabbi ha uraxmadee axmed c/raxmaan qarsoomayn