Home » News »

War-Saxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada

Warsaxafadeed ka soo baxay DFKMG:

Muqdisho, Axad, December 11 2011—–Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, arrimaha amniga, arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo iyo waxqabadka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tegey waddamada Qatar, Kuwait iyo Kenya oo uu sheegay in safarku uu ahaa mid guul ah oo xiriirkii waddamada carabta dib loo soo nooleeyey, isla markaana kulamadii uu la qaatay Amiirada Qatar iyo Kuwait iyo Ra’iisul Wasaarayaasha labada dalba ay ahaayeen kulamo miro dhal ah oo ay dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay ay muujiyeen sida ay u daneynayaan shacabka Soomaaliyeed, sheegeena inay garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Qatar iyo Kuwait waxey ballanqaadeen inay sii labo jibaarayaan gar-gaarka bani’aadanimo, isla markaana ku taageerayaan shacabka Soomaaliyeed mashaariic horumarineed si barakacayaasha loogu celiyo guryahooda. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qatar iyo Kuwait kalana hadlay sidii ay dib-u-dhiska dalka uga qeyb qaadan lahaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu Kenya kula Kulmay Ra’iisul Wasaare Raila Odinga iyo diplomaasiyiinta Midowga Yurub, Jaamicadda Carabta, iyo wakiilada UK, Spain iyo Talyaaniga kalana hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa Roadmap ka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay UK shirka la filayo inuu dhaco 23ka Febraayo isla markaana u sheegay in loo baahanyahay inuu shirka noqdo mid dar-dargeliya dhaqangelinta Roadmapka sida dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka si looga gudbo marxaladda kala guurka ah oo loo helo dowlad rasmi ah.

Wasiirada Amniga ayaa sheegay inay xoojiyeen howlgalada lagu sugayo amniga ee Muqdisho, isla markaana la howlgeliyo roondo si joogta ah uga howlgasha magaalada, tanoo suurtogelisay in la soo qabtay ilaa iyo 35 danbiilayaal isla markaana laga hortagay falal argagaxisonimo ah. Wasiiradu waxey sheegeen in howlgalada lagu sugayo amniga ay si joogta ah u socon doonaan, tanoo yareysay falalkii usbuucyadii hore ka dhacay Muqdisho, shacabkana ay aad u soo dhoweeyeen howlgalada ciidamada amniga.

Guddiga heerka Wasiir ee arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo ayaa sheegay in arrimaha gar-gaarka ay si fiican u socdaan loona baahanyahay in la dhaqangeliyo mashaariicda dib-u-dejinta loogu sameynayo barakacayaasha. Guddigu waxey sheegeen in Hay’adda Mussiibooyinka Qaranka ay howlo muhiim ah qabteen loona baahanyahay in hay’adaha gar-gaarka lagu dhiiri geliyo inay sii labo laabaan gar-gaarka bani’aadanimo oo ay sheegeen inay weli jiraan dad aad u fara badan oo u baahan gar-gaar deg-deg ah.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday wasaarad walba inay waxqabakeedii u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed si ay isla xisaabtan dhab ah u timaado. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inay waajib tahay in loo adeego shacabka, lana dar-dargeliyo howlaha qaranka iyo shacabka loo hayo.

– DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.