Home » Warar »

Gudoomiyihii Baarlamaanka Shiriif Xasan oo maanta xilkii laga qaaday

Kulan Saacdo qaatey ayey maanta Xildhibaanadda Baarlamaanka waxay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka oo maalmahaan Xildhibaanadu sheegeen inay u xirneyd Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxana maanta Kulanka soo xaadirey Xidhibaaano gaaraya ilaa saddex Boqol oo Xildhibaan

Inta uusanKulanaka Bilaaban ayaa waxaay xildhibaanadu doorteen shir Gudoomiye waxaana loo doortey Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo ka soo jeeda Goboladda Bay iyo Bakool gaar ahaan Degmadda Diinsoor waxaana sababaha loogu doortey ay tahay ka dib markii ay soo xaadiri wayeen labadii Gudoomiye ku xigeen oo xildhibaanadu sheegeen in ay la safteey Gudoomiyaha Baarlamaanka

Shir Gudoomiyaha ayaa waxaa uu soo jeediyey in la akhriyo sababaha Mooshinka looga keeney Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana Gudoomiyaha lagu eedeeyey in uu si cad u diidey Kulamadda baarlamanka ee Maalmaha Isniinta iyo Arbacadda , sidoo kale waxaa Gudoomiyaha lagu eedeeyey in uu diidey in Baarlamaanka la horkeeno Khariidada Nabadda Road Map-ka sidoo kale wuxuu diidey in dhiibo Furaha Xarunta Golaha Baarlamaanka iyo eedeemo kala duwan

Gabagabadii ayaa xildhibaanadu waxay isku raacaeen in aysan maanta la dhaafin Xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka taasoo intooda badan isku raaceen waxaana la geliyey Cod Gacantaag ah taasoo keentey in Xilka laga qaado Shariif Xasan waxaa soo xaadirtey 282 Xildhibaan waxaa in xilka laga qaado ogolaatey ilaa 280 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 Xubnood ka dibna Si ku meel gaar ah uu u sii hayo Xildhibaan Madoobe Nuunow oo isaguna sheegey in inta uu hayo uu u gudan doono si Xilksasnimo ah

Kulankii Xilka looga qaadey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ku soo beegmey Xili uu maqan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka kana qaybgalyo shir ka dhacaya Magaaladda Roma ee Dalka Talyaaniga iyadoo inta uusan amababixin Xubno ka tiran Baarlamaanka ay waraaqo u geeyeen Ciidmadda Amisom Masuuliyiinta Dowladda ay kaga dlabanayaan in uusan dalka ka dhoofi Karin Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadoo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka ay sheegey in Heshiiskii Kambala uu dhigayo in aan Mooshin laga keni karin Masuulinyiinta ugu sareysa Dowladda Fedaraalka, waxaa heshiskaas ansaxiyey Xildhibaanadda Baarlamaanka hase yeeshee Xildhibaanada Baarlamanka ayaa ku doodayo in heshiiska Kambala uu ka weyn yahay ka Dastuurka .

Xil ka qaadista Gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin Madaxweynaha iyo Raiisul Wsaaraha oo iyagu qayb ka ahaa Heshiiskii kambala iyadoo lagu waramey in Xil kla qaadistaan ay sii murjin doono Xaaladii Soomaliya iyadoo haatan loo diyaar garoobayo Shir ka dhacay Magaaladda garoowe oo isna qayb ka ahaa heshiiskii Kambala laguna yareeynayo tirade Xildhibaanadda hadaba Shariif Xasan ayaa xilka qabtey ka dib markii labada shariif Siyaasada uga adkaadeen Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shiikh aadan Madoobe marka arrinku waxay taagan tahay waa ninba markiisa ee Mus ma kula korey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Gudoomiyihii Baarlamaanka Shiriif Xasan oo maanta xilkii laga qaaday "

  1. Bilqeyr says:

    Asc. anigu waxan qabaa in ay saxan yihiin mudanayaasha baarlamanka xaqna ay uleeyihiin in ay iska saaran qofkii aan shaqada la wadin waayoo asaga hawshiisa ma gudan mar walbaana xildhibaanada waa ka biyo diidan yahay waa nin kaligiis taliye ah oo aan wali la arag wax uuqabtay in uu iska dalxiiso mooyaane.

    waxa kaloo jirta in shariif xasan uusan rabin qof nabada horseed u ah wuxuu jecel yahay kuwa asaga lamidka ah ee waqti lumiska jecel taasi waxa marqaati u ah xil ka qaadistii uu ku sameeye maxamad C/laahi farmaajo oo ahaa ninkii ugu horeeye nabad kusoo dabaalida dalka iyo kasaarida ciidamada shawaab asaga ayaa horseed u ahaa labada dhinac markii la doortay hore ayuu ka bilaabay in uu shacabka wacyi galiyo kadibna uu dhaqdhaqaaq ciidan sameeyo asagoo howshiisa usocoto ayuu xilka ka qaaday shariif xasan marka waan ku raacsanahay asagana in maanta laga qaado farmaajo xaqiisa ayaana kasoo baxay shariif xasan.

    waxan rajeynayaa doorashada dhici doonta in uu Alle nooga dhigo dowlad is raacsan oo dalka iyo dadka wax uqabata.

    waxan ugu baaqayaa dowlada kmg in markan waxii ka danbeeya laga baxo is qabqabsi iyo jago doon aan gacanta iska qabsano dalkii aan dhisano xalkeena waa sidaas dagaal danbe dooni meyno’

  2. mohamed says:

    Xildhibaanada baarlamanka waxay muujiyeen geesinimo muddo ka maqnayd
    waxaanay soo ceshadeen awoodoodii uu ninka kaliya ka xoogay heshiiska kampala-na maaha wax lagu doodi karo waayo marka horeba xaaraan buu ahaa gaar ahaan qodobka sheegaya inaan mooshin laga keeni karin madaxda sare.
    hal xaaraan ahi nirig xalaala madhasho.
    dhanka kale waxaa imaandoona buuq badane waxaan xildhibaanada kula dardaarmayaa inay sharci ku adkaadaan si aan markale awoodooda looga dhicin.