Home » Maqaallo »

Somali Hope Conference two(Kulanka Rajada soomaaliya ee 2aad).

Kulankan loo bixiyey(Rajada soomaaliya)oo wejigiisii labad lagu qabtay dalka talyaaniga waxuu ahaa kulan ay isugu yimaadeen marti sharaf aad u fara badan oo ka kala timid daafaha aduunka kazoo ay marti galisay dawlada talyaanigu.

Madasha lagu qabtay kulankan oo ahayd madal aad u qurux badan agaasinkeeduna ahaa mid aad u heer sareeyey waxaa marti habeenkaas ku ahaa Raysalwasaarihii hore ee soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi farmaajo,oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka talyaaniga,waxaana goob jog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka mid ah dawlada talyaaniga iyo qurba jog soomaaliyeed oo ka kala timid daafaha aduunka kulankaasna lagu marti qaadey.

Somali Hope conference 2 ee ka dhacay dalka talyaaniga waxuu ahaa kulankii noociisa ah kii ugu horeeyey ee ka dhaca dalka talyaaniga inta la ogyahay oo ay isugu timaado cadad tiro dad soomaaaliyeed ah oo isugu timaaada dalka talyaaniga,

Maraan qadka taleephoneka kula xiriirey(Shukri Siyaad) oo ah xubin aad u firfircoon isla markaana ah aqoonyahanad soomaaliyeed uguna cadcadeyd xubnihii ka danbeeyey qabanqaabada iyo suura galinta kulankan (Rajada soomaaliyeed qaybtiisi 2aad) ee ka dhacay dalka talyaaniga,waxay ii sheegtay in kulankani ku biloowdey jawi aad u heer sareeya kuna soo dhamaadey,kaasoo ay kazoo qayb galeen masuuliyiin sare ee dalka talyaaniga ah,marti sharaf ka kala timid daafaha aduunka,oo soomaali iyo ajaaniba isugu jirta,dad dunida lagu qadariyo muuqooduna mid caana ka dhexyahay.

Waxaana dhanka warbaahinta goob joog madashaas ka ahaa telefishinada iyo idaacadaha aduunka ugu caansan qaarkood,madasha shirku ka socdana si toosa uga soo tabinayey intii shirkaasu socdey.waxaana si gaara dhanka saxaafada xilweyn isaga saarey shirkaas warbaahinta dalka talyaaniga hadeey noqon lahayd telefishinada iyo Idaacadahaba iyo warsidayaalba.

Shukri siyaad oo kaalin aad u sareeya ka qaadatey suura galinta shirkaan iyo xiriirintiisaba waxay ii sheegtay in bulsho weynta dalka talyaanigu ay aad u hadal hayaan kulankan ka dhacay dalka talyaaniga oo loo bixiyey(Rajada soomaaliya 2aad) idaacadaha ,telefishinad,iyo wargeysyada dalka talyaaniguna ilaa iyo hada ku mashquulsan yahiin hadal haynta kulankaas oo ay ku tilmaameen mid taariikhi ah,xusuus badana ku reebay bulshaweynta dalka talyaaniga.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Kulankan waxaa goob jog ka ahaa sidaan horey idiinu sheegaba Raysal wasaarihii hore ee soomaaliya Maxamed c/laahi farmaajo oo halkaas kazoo jeediyey qodbo aad u dheer oo meelo badan taabanaysa,taasoo uu bartilmaameed uu ka dhigtay intii uu joogay xaafiiska raysalwasaaraha ee soomaaliya,xaalada guud ee soomaaliya sida wax looga qaban karo,sidii nabad waarto loogu heli karo soomaaliya,sidii loosii adkayn karo is badalada iyo nabada dalka soomaaliya iwm.

Halkan hoose waxaan idiinku soo bandhigi doonaa biloow ilaa dhaaadkii shirkii rajada soomaaliya oo cod ah,kaasoo ku hadli doona luuqado kala gedisan oo soomaaligu ku jiro,waxaana inoo suura galisay Idaacada(Radio radical) ee laga dhagaysto dalka talyaaniga,

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.