Home » Warar »

Shiikh Cabduqaadir Muumin, ShiikhXasan Maxamuud Takar iyo Shiikh Maxamed Ismaaciil oo ku eedeeyay Cabdiraxmaan Faroole in uu Ka dambeeyey Dilkii Dr. Sh/Axmad Xaaji Cabdi Raxmaan (Shir Jaraa’id )

Sheekh Cabdul Qaadir Muumin, Sheekh Xassan Maxamuud Takar, iyo Sheekh Maxamad Ismaaciil oo ka mid ah Culimadii diinta Islaamka kana soo jeeda Gobolada Pundland  ayaa ku eedeeyay Cabdi raxmaan Faroole oo ah  Madaxweynaha Maamulka Pundland in uu ka dambeeyey Dilkii Dr Shiikh Axmed Cabdiraxmaan  islamrkaana waxay shirkooda Jaraaid ku sheegeen in aad uga xumaadeen dilkaas.

Halkan ka dhegeyso shirka jaraa’id

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/alf_dec112011.mp3]

Sheekh Cabdul Qaadir Muumin oo u waramayey Idaacadda Al-Furqaan ayaa  oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayna soo wakiisheen dhammaan Culimadii uu magacaabay Faroole ayaa  ugu horeyn u tacsiyeeyay Sheekha Axmad iyo Ehelkiisa iyo sidoo kale dhammaan ardaydiisii iyo culimada Soomaaliyeed ee Sheekhu ka geeriyooday.

Sheekh Cabdul qaadir Muumin ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka maamulka isku Puntland, isagoona sheegay in dilka culimada diinta Islaamka lagu yaqaano maamulka Faroole.islamrkaan wuxcuu sheegey in dilkaas uu ahaa mid la doonayey in indhaha looga sii jediyo tacadiyada Maamulka Faroole  u geysanyo.

Wuxuu tusaale usoo qaatay dhacdadii laba sano ka hor ay maamulkaasi ku xasuuqeen ku dhawaad toban Culimo oo Bakistaaniyiin Tabliiq ahaa, sidoo kale culimadii dhowr bilood ka hor lagu xasuuqay magaalada Gaalkacyo iyo weeraradii is xig xigay ee badhtamihii sannadkan ay BIS-tu ku qaadeen Masaajidka Gaal-kacyo.

Sheekh Cabdul qaadir wuxuu kaloo been abuur ku tilmaamay hadalkii uu Faroole ku yiri” Shirkii Baydhabo ayaa lagu qorsheeyay dilka, wuxuuna saxaafadda usoo bandhigay bayaankii ay Culimadu soo saartay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu jawaab kooban ka bixiyay dhaliil ay Shirka uga timid rag culimo ah oo fasiraad khaldan bixiyay, isagoona sheegay in raggaasi ay ka hinaasoodeen culimada badan ee Shirta iyo qodobada bayaanka kasoo baxay oo ah kuwa adilooyin kitaabka iyo sunnada xambaarsan iyagana aaney horey usoo saari jirin marka laga tago fikradooda iyo sida ay ugu muuqato xaaladda markaas laga hadlayo.

Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo ay ehel ahaayeen Sheekha la dilay iyo Sheekh Maxaamed Ismaaciil oo ka mid ahaa Culimadii uu magacaabay Cabdi raxmaan Faroole ayaa iyaguna Shirka Jaraa’id qeyb ka ahaa ayaa yiri “iyadoo Aaska lagu guda jiro ayuu Cabdiraxman Faroole sheegey in dilka Shiikh Axmed laga soo abaabuley Magaaladda Baydhabo waxayna ummadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Dilka shiikha laga lahaa ujeediiyiin Fara badan waayo Shiikh Wuxuu ka soo jeedaa Beeshii Ciidmada Faroole ku xasuuqeen Magaaladda Gaalkacayo marka waxaa uu maamulka uu dooneyey in waji kale u yeelo dhacdadii Gaalkacayo sidoo kale wuxuu dilkaas uu ahaa mid shacabka Boosaso la doonayey in lagu samarsiiyo Dabkii  ka kacay Magaaladda Boosaaso oo ay dad fara badan ku hanta beeleen”ayey yiraahdeen Shiikh Xasan iyo Maxame Ismaaciil oo ugu baaqey shacabka Pundland in ay ka digtoonaadaan dhagaraha Cabdiraxmaan Faroole.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Reer Minnesota oo Allah ka baryey in uu Kashifo ciddii ka dambeysey Dilkii Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

Sheekh Xasaan: Halganka maanta dunida kasocda wadaadada xagaldaacinaya oo docwareemaya Yastaxiquuna in aduunka ladhaafiyo

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Shiikh Cabduqaadir Muumin, ShiikhXasan Maxamuud Takar iyo Shiikh Maxamed Ismaaciil oo ku eedeeyay Cabdiraxmaan Faroole in uu Ka dambeeyey Dilkii Dr. Sh/Axmad Xaaji Cabdi Raxmaan (Shir Jaraa’id ) "

  1. said says:

    s/c ilaahay haaw naxariisto sheekh axmed xaaji c/raxmaan. berdoow sheekhu sacad ayuu lahaa ilaahay ayaa u uqoray,geeri iyo nolola ilaahay ayaa iska leh,
    camalkiisii wanaagsanaana ilaahay idinkiis wuu haystaa, ilaahay naxriis waasaca ayaan u weydiin.
    tan kale dadka diinta u nisbo sheeganaaya oo dhiiga islaamka isu tuur tturaya ilaahay raxmaan haka cabsadeen, sheekh axmed ilaahii lahaa ayaa oofsday.dadkii dhiigiisa xalaashaday ilaahay meel ayuu ku ogyahay saacadan waxaana aan ilaahay ka baryaaya inuu ka shifo, oo meel aanay ka malaysanayn laga ogaado waana la ogaan insha ‘alaaaaaaaaaaaaah,teeda kale maamulka puntland masuuliyad gaara ayaa ka saaran culimada ilaalinteeda waayo waa indhaha umada waad ogtihiin wasiirada maalinta xaaladu xumaato looma yeerto,hadana dhaqaalaha wadanka bajad ayaay ku leeyihiin, hadba maamulku waxaan usoo jeedin lahaa isagoo qadarinaaya shacbkiisa maanta ogaaday darajada ay culimadu ka joogaan umada,waa maamulku siiyaa ihtamaam gaara,waayo waad u jeedan cadoowgoodii ayaa batay. markii umadi baabayso culimada ayaa la waayaa. al muhiim shacabku waa inuu u mudaaharadaa culimada si maamulka loogu qasbo daryeelkooda oo kaamila,waayo maanta waa ayaa u beryay shacabka,

  2. mohamud says:

    allah subxaanahu watacaalaa baan ka baryaynaa inuu iftiimiyo cidda dishay Shekh Ahmed Xaaji Cabdiraxmaan.

  3. warsame says:

    Walaalayaal ilaahay naxariistiisa hasiiyo sheikha ahmed hadana camalkiisii unbaa horyaala ninkii dilayna isagu waayimaayo aakhiro ayuu kusugayaa ilaahay baa soo hor istaajin isaga iyo kii dilay oo ukala xaqsoori.

    Inaga hada aduunka joogna waxaa inala gudboon in la feejignaado oo amaanka laga wada shaqeeyo isla markaana la baaro danbiilayaashii kadanbeeyay ama fuliyay danbigii dhacay. labada dhinac ee isku haya ama aadka isugu tuurtuuraya cida dishay sheikha waxay ilatahay oo inoo cad mahayaan labaduba wax cad oo ah cidan ayaa kadanbeysay oo dishay sheikha mahayno.

    waa dhici kartaa in wadaadada lagu eedaynayo ay kadanbeeyaan iyagoo laga yaabo inay u arkaan in uusan lafikir ahayn oo halganka uusan kula jirin ay wadaan. waxaa kaloo dhici karta in itoobiyaanku ka danbeeyaan iyo kuwa la shaqaysta iyagoo u arka in sheikhu aanu la fakir ahayn oo uu san say wax urabaan ula wadin.

    Laakiin tuhunkan oo dhan waxba kama jiraan waayo cadayn cad baa la rabaa waan tuhmay wax matarayso aan ka ahayn in aynu ku danbaabno arinkan.

    waxaan ku talinayaa in lagaabsado xaqiiqdana la baadi goobo oo kaliya cidna aan la eedayn aydoon loo haynin daliil cad mana aamini karo dad siyaaso hore isugu hayay oo is cayrsanaya oo isnabaya waxay doonaana iska sheegaya lama aamini karo.

    waxaan leeyahay yaan intaa kabadan soomaaliyeey la danbaabin ilaahay haloo noqdo sidaana wax looma xaliyo islaamkuna ma qabo waxan lahayn marqaati cad iyo hubaal ama aan cidiisamaysay qiran oo soo bixin.

    soomaalidu dhexdeeda way isdilaysaa sidoo kalana cadaw shisheeyana waa ku dhex jiraayoo dilayaa markaa hubsashaa la rabaa iyo ufiirsasho cilmiyaysan oo dagaanaani ku jirto sidaasay ilatahay

  4. Axmad says:

    Wallaahi inuusan Axmad Cadiraxmaan mudneyn in dhiigiisa noqdo mid leysku tuurtuuro. Wallaahi inuusan Axmad Cadiraxmaan mudneyn in dhiigiisa noqdo mid leysku tuurtuuro. Wallaahi inuusan Axmad Cadiraxmaan mudneyn in dhiigiisa noqdo mid leysku tuurtuuro. Wallaahi inuusan Axmad Cadiraxmaan mudneyn in dhiigiisa noqdo mid leysku tuurtuuro. Wallaahi inuusan Axmad Cadiraxmaan mudneyn in dhiigiisa noqdo mid leysku tuurtuuro.

    Rabbi ku filan mid loo ashtakoodo.

  5. ACWW– Yaa ka akhrisanaya Bahalada Culumada isku sheegaya , Shaki kuma jiro iney iyagu soo direen kuwii dilay Sheekh Ahmed ALLE ha u nixaristee.