Home » News »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo ka qeybgalay xaflad lagu soo xirayey tababar ciidan

Warsaxaafadeed DFKMG: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo tababar loogu soo xirayey ciidan soomaaliyeed oo dhowaan tababar ku soo dhameystay dalka Ugandha.

Xafladan heerka sare ah ayaa lagu qabtay xaafada Jazeera ee Muqdisho, kana soo qeybgaleen Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Ahna Wasiirka Gaashandhiga Mudane Hussein Arab Isse, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Haweenka iyo Qoyska ee DFKMG ah. Waxaa kale oo xafladan ka soo qeybgalay Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Africa Ambassador Wafulla, Taliyaha Ciidamda AMISOM, Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Dhagabadan, Saraakiil iyo sraakiil xigeeno ka tirsan ciidanka XDS. Waxaa sidoo kale xafladan ka soo qeybgalay Hobolada Horseed oo xafladda ka dhigayey maaweelo iyo dhiiri gelin ku aadan ciidanka Soomaaliyeed.

Dhalinyaradii tababarka soo dhameysatay oo gaareysey 900 askari ayaa waxaa ka muuqday yididiilo aad iyo aad u sareysay oo ay ka muuqdeen waddaninimo, howlkarnimo iyo jaceyl ay u qabaan inay dalkooda difaacdaan.

Ambassador Wafula ayaa furay xafladda isagoo ku hadlayey magaca Midowga Afrika iyo AMISOM sheegayna in Midowga Afrika ay ka go’antahay sidii ay u saacidi laheyd ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ka dalbaday askarta soo dhameysatay tababarka inay dalkooda iyo dadkoodaba difaacaan, loogana baahanyahay inay la yimaadaan dishibiliin iyo howlkarnimo dheeri ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Hussein Arab Isse oo ka hadlay xafladda ayaa ka dalbaday askarta soo dhameysatay tababarka inay u diyaar garoobaan sidii ay dalka u xorreyn lahaayeen una badbaadin lahaayeen shacabka iyo dalka, waxuu kaloo sheegay in looga baahanyahay inay muujiyaan adkeysi, dishibiliin iyo midnimo.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo khudbad dheer ka jeediyey xafladda ayaa u mahadceliyey dowladda Ugandha iyo Midowga Yurub oo suurtogeliyey in ciidanka Soomaaliyeed ay soo qaataan tababar ku filan si ay u sugaan amniga dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Ciidanka Soomaaliyeed uu leeyahay taariikh wanaagsan oo ummaddu ay ku faani jirtey, haddana la rajeynayo in ciidankan cusub ay soo celiyaan sharaftii iyo karaamadii ciidanka Soomaaliyeed bacdamaa waddanku uu galayo marxalad cusub. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guulaha isdaba jooga ah ee ay ciidanku sameynayaan loona baahanyahay ciidankan cusub inay sii laba jibaaraan dadaalka lagu sugayo amniga iyo kala danbeynta, si loo soo celiyo sharafkii ummadda Soomaaliyeed.
– DHAMAAD –


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.