Home » Warar »

Hay’adda HIRDA oo Magaalada Muqdisho ku qabatay dood ku saabsan habka waxbarashada Soomaaliya

Hay’adda Himilo Relief and Develompment Association (HIRDA) ayaa ku
> qabtay Muqdisho dood ku saabsan habka waxbarashada Soomaaliya, taasoo
> ay kasoo qaybgaleen dallada waxbarashada, jaamacadaha, ururrada
> bulshada, haya’daha waxbarashada, aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin ka
> socday wasaaradda waxbarashada DKMG ah.
>
> Dooddan oo socotay laba maalmood 6-dii illaa 7-dii Diseembar, ayaa
> waxaa looga hadlay habka ugu habboon ee waxbarashada Soomaaliya iyo
> heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, iyadoo ay barnaamijkaas soo
> bandhigeen dad khuburo ah oo ay ka mid yihiin: Prof. Maxamed Cilmi
> Tooxoow, Dr Nuur Sheekh Maxamuud iyo Prof. Xuseen Cabdi Aadan.
>
> Aqoonyahannadan ayaa waxay si faahfaahsan uga hadleen sooyaalka
> waxbarashada Soomaaliya laga soo billaabo 1884-tii illaa 1991-kii,
> iyadoo laga dhawaajiyay in heerarka waxbarashada Soomaaliya ay soo
> martay saddex qaybood oo kala ah: xilligii gumeysiga, xilligii
> dowladdii rayidka iyo xilligii dowladdii Kacaanka.
>
> “Hay’adda HIRDA 12-sano ayay ka shaqeynaysay howlaha waxbarashada
> Soomaaliya, waxaana ka go’an inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuusho
> sidii ay qayb lixaad leh uga qaadan lahayd tayeynta waxbarashada
> dalka,” ayuu yiri Cabdi-daahir Aadan Diiriye oo ah wakiilka hay’adda
> HIRDA ee Muqdisho.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
> Mas’uuliyiinta doodda ka hadlay waxay si aad ah uga hadleen heerarka
> kala duwan ee ay soo martay waxbarashada Soomaaliya, iyagoo sheegay in
> ay jireen caqabado badan oo ku imaanayay nidaamka waxbarashada dalka,
> iyagoo muujiyay in xilligan ay muuqdaan in laga gudbayo caqabadahaas.
>
> “Xilligan waxaa soo badanaya haweenka waxbarta, balse markii hore aad
> ayay u yaraayeen, waxaana dhici jirtay in marka gabadhu ay dhammeyso
> dugsiga sare inay guursan jirtay ama nin lagu dari jiray, balse maanta
> waxaa muuqda haween badan oo jaamacadaha iyo macaahidda dalka wax ka
> barta, taasna waxay qayb ka tahay isbedelka waxbarashada dalka ku
> yimid,” ayay tiri Dr Nuurto Sheekh oo iyaduna ka hadashay doodda.
>
> Dr Nuurto waxay ka mid ahayd macallimiintii duruusta ka jeedinayay
> doodda ku saabsanayd waxbarashada dalka, iyadoo ka mid ah haweenka
> Soomaaliyeed ee waxbartay.
>
> Ma ahan markii ugu horreysay oo ay hay’adda HIRDA barnaamij noocan oo
> kale ah ku qabato dalka, balse waxay horay u qabtay dood noocan oo
> kale ah, taasoo looga hadlay tayeynta waxbarasrhada dalka Soomaaliya.
> Iyadoo hay’adda HIRDA ay wax ka qabataa caafimaadka iyo horumarinta
> bulshada.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.