Home » Warar »

Shiikh Xasan Turki oo iska Fogeeyey in Ururka Al-Shabaab uu ka Dambeeyay Dilkii Dhawaan Loogu Gaystay Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Dhawaan ayaa waraysi uu bixiyay Madaxweynaha maamulka PuntLand waxaa uu ku sheegay in dilkii loo gaystey Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxamaan oo ka mid ahaa Mashaa’iikhda waa weyn ee dalka sida aadka ah looga yaqaano  ayaa arrintaa si dadban ugu eedeynayay Xarakada Shabaab oo xiliga uu sheegayo shir ku soo gaba gabaysey magaalada baydhabo ee Gobolka Bay.

Shiikh Xasan Turki oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Shabaab ayaa arrintaa beeniyay isagoona sheegey in dilka Shiikhu ay ka danbeeyeen Ciidamada PS.ta ee maamulkaas.

Shiikh Turki ayaa sheegey in ay hayaan Marqaatiyo caddeynaya in Rag ka tirsan PS.ta ay xabado ku dhufteen Shiikh Axmed dabeetana ay sii dhamaystireen markii danbe sidaa darteedna aanay Xarakada Shabaab wax shaqa ah ku lahayn dilka Shiikhaas.

Sarkaalkan ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa sheegey in shiikhaasi ahaa Nin aan siyaasadda iyo af lagaadada wax shaqa ah aan ku lahayn isla markaana uu aqoon durugsan u leeyahay Marxuumkaasi.

Shiikh Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in dilka Shiikhaas ay ka danbeeyeen maamulka Puntland iyo Ciidamadiisa PS.ta hase yeeshee aanay Xarakadoodu wax shaqa ah ku lahayn.

Xasan Turki ayaa sheegey in ay ugu baaqayaan Kooxaha uu ku sheegay in la joogaan Ciidamada ajaaniibta ee Amisom, Maamulka Somaliland, Puntland in dhamaantooda ay Towbad keenaan alle dartiisana u soo laabtaan isagoona Carabka ku dhuftay inuusan oranayn waa Gaalo balse uu sheegey in looga baahan yahay in ay Towbad keenaan waa siduu hadalka u dhigaye , isagoona shirkii Baydhabana ku sheegey in bayaankii ka soo baxau uu iska cad yahay isla markaana aan lagu qorsheyn in cid gaar ah la dilo.

Hadalkan Shiikh Xasan Turki ayaa imaanaya xilli dhawaan Maamulka PuntLand uu Xarakada Shabaab ku Eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilka Shiikhaas Caanka ahaa ee dhawaanta lagu dilay Magaalada Boosaaso.

Si kastaba labada dhinac ayaa dhinac walbaba waxa uu dhinaca kale ku Eedeynayaa in isagu ka danbeeyay Dilka loo gaystey Shiikh Axmed xaaji oo isagu dhawaan kooxo Hubaysan ay ku dileen Magaalada Boosaaso.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shiikh Xasan Turki oo iska Fogeeyey in Ururka Al-Shabaab uu ka Dambeeyay Dilkii Dhawaan Loogu Gaystay Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan. "

  1. cali says:

    Asalamucalaykum:,Alle ha u naxariisto shiikhaas umadoo dhami u ooyday.
    Ma aha macquul in ninkaan odayga ah ee da’da joogaa inuu beensheegayo
    Culimada kale ee tuhunka tuurtayna waxaan filayaa inay degdegeen
    Walaalahayoow waxaan idiin dardaarmayaa inaad xaqiiqada raadisaan,ood ka taxadartaan fitnada weyn ee kadhalankarta iskhilaafkiina,oo shacabka soomaliyeed siduu udhanyahay maanta indhaha kusootaagayo.
    Xasuusta Fitnadii dilkii Cusmaan bincafaan(radiya allahu canhu).
    halagu cibraqaato cilmiga la xambaarsanyahay.
    Allena ha inaga badbaadiyo fitnooyinka.
    Waxaan kaloo soojeedinayaa inay dhalinyaradu cadeeyaan oo ay yidhaahdaan annagu culimadu Hadaf ama Yool nooma aha,xataa haday khilaafaan ra’yigiina,arrintaa waa inaad cadaysaan oo bayaan aad kasoosaartaan.Hadiikale inta lasameeyo ayaa la idinku hafri(dhejin).
    Ninka udagaalamaya inay kalimada alle kornoqoto,lagamayaabo mana dhicikarto marnaba inuudilo kuwii xanbaarsanaa kalimaadka alle(subxaanahu).