Home » Warar »

Cambaareynta Danjire Ogostino Mahiga oo si weyn isu soo Tareysa ka dib Markii uu sheegey in Soomaaliland ay Mudan tahay in ay Soomaalia inteeda kale ka Go’do

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Siyaasadda Soomaaliya iyo doorka Ergeyga qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ogostiino Mahiigga.

Kulankan oo muddo dheer soconayay ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa saxaafadda la hadlay qaar ka mid ah xildhibaanadaas oo ka hadlay waxyaabihii ay ka hadlayeen.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka mid ahaa xildhibaanadi kulankaas isugu yimid ayaa sheegey in arrinta ugu weyn ee shirkaas looga hadlay ay ahayd Hadalo ka soo yeeray Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Dr Mahiigga.

Xildhibaanka ayaa sheegey in Mahiga oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa degaanada ay ka arrimiso Somaliland Maamulka la magac baxay inuu halkaa ka sheegey in SomaliLand ay mudan tahay in loo aqoonsado dawladnimo.

Xildhibaanka ayaa arrintaa ku sheegey in Xildhibaanadu ay ku macneeyeen wax lala yaabo si weyna ay uga soo hor jeedeen Mahiigga iyo hadalkiisa.

Cabdi Xaashi ayaa sheegey in ninka la yiraahdo Mahiigga uu ku xad gudbay arrimihii lagu ogaana uu ka tallaabay isagooma hoosta ka xarriiqay in xiligan uu ka shaqaynayo sidii Soomaaliya ay u sii kala bur buri lahayd.

Xildhibaan Xaashi ayaa intaa raaciyay in ay soo dhaweynayaan raalina ka yihiin nabadda iyo degganaansha ka jirta Somaliland balse ayan marnaba raali ka ahayn in Soomaaliya la kala qaybiyo.

Ugu danabayntii ayuu xildhibaanku sheegey in ay Warqad ashtaka ah u gudbinayaan Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay isla markaana ay weeydiisanayaan in Ergeygan laga bedelo ergeynimada Soomaaliya maadaama uu ku sifoobay nin ka shaqaynaya kala qaybinta Soomaalida.

Ergeyga qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa Dhawaan ka sheegay magaalada Hargaysa ee maamulka la magac baxay Somali land in Hargaysa ay mudan tahay inay gooni isu taagto kana go’do Soomaaliya inteeda kale arrintaas oo si weyn looga xumaaday.

Golaha Aqoonyahanka Gobolada Koofureed Oo Cambaareyn u Soo Jeediyay Mahiigga.

Golaha Aqoonyahanada Koofurta Soomaaliya kulan ay isugu yimaadeen ayay waxay kaga hadleen Xaaladda Soomaaliya ee xiligaan.

Golaha ayaa si weyn uga dooday hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ergeyga qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mahigga oo ahaa in Gobolka waqooyi Galbeed oo la magac SomaliLand ay gooni u go’do.

Kulanka ay aqoonyahanadu arrintaa uga hadlayeen ayaa waxaa ay ku tilmaameen mid fara gelin toos ah lagu sameynayo Madaxbanaanida Soomaaliya isla markaana uusan Mahiigga Xaq u lahayn inuu Soomaaliya kala goo gooyo waa sida kulankaas looga dhawaaqay.

Guddoomiyaha Golahaas Por. Heeroow oo kulankaas kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegey inay si aad ah uga xun yihiin Hadalada ka soo yeeray Ambashadoor Mahiigga isla markaana ay si wadajir ah u canbaareynayaan Hadalkaas ka soo yeeray.

Prof Heerow ayaa sheegey in Mahiga uu faraha la galey wax uusan shaqo kulahayn sidaa darteed Soomaaliya waxay u baahan tahay in midnimadeed la ilaaliyo isagoona ugu baaqay Danjire Mahiigga in uu ka shaqeeyo isu keenidda Soomaalida iyo Nabad ku soo dabbaalideeda halkii uu isku hawli lahaa in Soomaaliya xiligan sii kala furv furo.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in ay diyaariyeen qoraal ay arrintaa kaga soo
hor jeedaan isla markaana ay u gudbinayaan Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay isagoona sheegey in ay ashtako ka yihiin Danjire Mahiigga.

Ma aha oo keliya Golahan oo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa maalmahanba si aan kala go’ lahayn u canbaareynayay hadalada ka soo yeeray Ergeyga qaramada Midoobay iyadoo Bulshada qaarna ay soo jeediyeen in Mahiigga laga bedelo Soomaaliya lagana qaado wakiilnimadiisa.

‘si kastaba xildhubaanada barlamaanka ku meel gaarka ayaa iyaguna si kulul uga jawaabay hadalada Mahiigga uu ku doonayo in Waqooyi galbeed ee Soomaaliya loo aqoonsado dawlad ka madax Banaan Jamhuuriyadda Soomaaliya inteeda kale iyagoona sheegey in Midnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Cambaareynta Danjire Ogostino Mahiga oo si weyn isu soo Tareysa ka dib Markii uu sheegey in Soomaaliland ay Mudan tahay in ay Soomaalia inteeda kale ka Go’do "

  1. Abdirisaq says:

    Arrinta Mr. Mahiga ku hadlay waa qadaf culus oo diplomyadeed, meel ka dhacna ku ah qarannimada iyo jiritaanka Somalia.
    Dawladda Somalia waxan weydiin lahaa; waan aragnaa waxa xaduudaha dalka ka socda iyo sida aad u maamusheen. Haddana jiritaanki qarannimada dalka ayaa lagu xadgudbay meelna looga dhacay indhihiina hortooda, waana waajibki aad kitaabka quraanka ah ilaah hortiis iyo shacabkiinna hortooda ugu marteen inaad difaacdaan.
    Waxaan haddaba weydiinaya masuuliyiinta ugu sarreysa dalka, gaar ahaan Raiisulwasaaraha oo PHD holder ah aanan filayo inuu wax badan ka yaqaan qawaaniinta clamaiga ah iyo xaquuqda gaarka ah ee qarannimo ee dalalka madaxa banaan,Waxan weydiin lahaa maxaad uga jawaabteen af iyo ficilba hadalkaas ixtiraam darrada qaawan ah ee uu ku kacay wakiilku? miyaanay ahayn xilligi dalka laga eryi lahaa kol hadduu ku kacay oo faraha la galay wax shaqadiisa ka baxsan meelna uga dhacay sharafta iyo qarannimada dalka Somaliya?
    Dadka Somaliyeed waa carooday xaggiinna ayuuna soo wada eegayaa gaar ahaana ciddi aqoon u leh hawshaan idinkana sugayaa ficil degdeg ah.
    Waxan Dr. Cabdi weli gaas ,ra’isulwasaaraha uga digayaa inuusan mustaqbalkiisa siyaasadeed iska wasakhyn oo hoos harsan ceeb dalkiisi ku habsatey,waana inuu dareemaa xilka gaarka u saaran ka aqoonyahan masuu;iyaddi qaranka ugu sareeysey wax ka haya. Waa in uu u qumaa waajibka dalkiisa ka saaran soo celinta qarannimdiisi oo buuxda iyo ka ilaalinta wixi burburinaya. Hana ogaado marra inuusan asagu heleeyn wax qiil ah sida qabqablayaashi aan iskuulba soo dhigan oo aan dawladnimadaba wax uga billowneen , luqadda keliya ee ay yaqaanneenna ahayd reer hebel. Mr Gaasow ogow sidi crane-kii inaad ka dhex muuqato masuuliyiinta dadkuna ku wada eegayaan. Somali ayaa hore u tiri 20 jir mudug jooga ceebtiisa bannankay taal.

  2. Harbi says:

    Asalamu C- Xaqiiqadii Somali iyadaa halka ay taalo s dhigtoo xaaloogu edeyhaa Mihiigan, Anakaa Dhulkeena burburinay, waxaa naqanaa Burburin, Dhil, Dhac iyo Bililiqo, yaa dan kaleh Wadanka , meeshaan anakaa is-dhignay,,,, Dawladadu waa meheegaan , Madaxweynaha waa Meheegaan, Barlamanka waa Meheegaan,, Sow-doono Wadanka haka yeelo,, hakala googooyo, hade wax ka dhacsaaya ma joogaan.
    Somalidu waa ineyna yeelnaa sidii Masar, Liibiya oo ha iska eryaan Madaxkusheega.

  3. warsame says:

    Taariikhdu waa mid qoran MOGDISHO oo maanta ka dacwoonaysa MAHIIGE!!!! waxay isku wada raaceen in FARMAAJO khaldanyahay oo XATAA madaxweeynaha shiriif ayaa raacay MAHIIGE oo MOGDISHO ka dhex yiri kuwa usoo baxay farmaajo oo mudaharaadaya lacag baa lasiiyay!!! deedna MOGDISHO waxay isku raacday arinkaa saynu wada ogsoonahayba FARMAAJO oo ahaa wadani soomaaliyeed laakiin ka dhashay ilama ismaaciil jabarti waa tii laga raacay MAHIIGE oo uu yiri waa nin isla wayn farmaajo!!! ileen isagu ma fahsana inay kala yihiin adoon iyo dhashii ismaaciil jabarti ma fahmsana adoonku waxa uu moodayay farmaajo sida shariif in kastoo uu hada kala fahmay soomaalida.

    Si kastaba ha ahaatee adoonkaa mahiige hade qolyahan MOGDISHO waxay u arkaan in uu la jiro ilma ismaaciil jabarti oo dagaankooda lagu qabanayo shirka soomaaliyeed. intaasay la cabaadayaan oo ka xun yihiin ee dal iyo diin midna dan kama laha oo haday dawlad rabaan MOGDISHO shacabkale ma joogo waa halbeel way nabadayn lahaayeen oo hubka iska dhigi lahaayeen oo dawlad noqon lahaayeen laakiin ma rabaan.

    mahiige waa sideed garoowe u tiraahdaa shir halagu qabto iyagoo ka dhigay dhulkii soomaaliyeed dhul shisheeye oo kale waa arin la yaab leh nacaybka iyo doqonimada xadkaa gaadhay oo odayaal waa weyn oo suuqa la tagaan ayaad arkaysaa garoowe tagi mayno waana qalad in lagu shiro!!! dhanka kalana wuxuu ku leeyahay soomaali baan ahay wadani ah bal isqabadsii labadaan fikir.

    shalay bay nalahaayeen diinbaan wadnaayeey soomaaliyeey waxa ku xigtay inay dadkii ku yiraahdaan waa argagixiso oo galadii hoosta ka galaan soomaali ma iloobayso dhacdadaan oo wakaa shariifkii maxaakiimta hogaaminayay maanta leh argagixiso waaye islaamku oo khamiiskii iyo dharkii islaamka ee uu shalay watay ka cararaya walaalyaal u fiirsada.

    haday na leeyihiin mahigii somaaliyeey arkaay!! lakiin cid dhag jalaq usiinaysaa majirto maxaa yeelay diintii bay nagu khayaameen maxaan ku aamini karaa waa waxba sina looma aamini karo ninkii aaminaana waa ehlu naar weeye kitaabka ilaahay laguma jees jeesi karo kuwa ku jees jeesaa waa ehlunaar warmiyuuna shariif ku jees jeesin kitaabka oo aynaan marag u ahayn hada.

    Waxaan ku talinayaa si dalku ubad baado MOGDISHO halaga badalo caasimada oo halaga dhigo meel dawladi ku shaqaynkarto madama 21 sanadood lagu guulaysan waayay in dawladi ku shaqayso qabiilka dagan awadeed, mana aha in aan qabiilkaa sikale ula dagaalsanahay ee waa xal doon baan ahay oo dhabtaan arkaa soomaalidu iska indho tirayso wax rajo ah malaha MOGDISHO sababtoo ah shacabka dartiis oo ah mid aan rabin inay nabadoowdo. sidaasay ilatahay

  4. abdalla says:

    Asalaamu calaykum
    walaala yaal waxa uu ku kacay ninkaan waa arrin aad khatar u ah, sidaa darteed waxaan ka dalbanayaa xukuumadda Soomaaliya in ay warqad u qorto UN-ka kana dalbato in ay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan midnimada soomaaliya maaddaama uu dhaawac u geysta ninkii matalaayey xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waa in loo yeeraa safiirka qaramada midoobay u fadhiya soomaaliya si arrintaas wax looga weddiiyo. kolleyba sida ii muuqato dowladdu umaba muuqato khatartaas aannu dareennay annaga oo shacabkii ah,waxaase rejeynaayaa in madax wax fahanta imaanto mustaqbalka dhaw inshaa’ allaah.
    wabillahi towfiiq

  5. maaw says:

    Wax aanan Annaga isyeelin Mahiga nama yeelin.
    Dhulkeenna Annagaa ku cayaarney.
    Somaliland way naga fiicantahay ee aan ogolaano in ay noo taliyaan.
    Puntland aan ka dhigno ku xigeen.
    Reer Konfureed haddii aan nahay, Ceeb baan dhex fadhinnaa.
    Allow akhiro hana cadaabin. Adduun rafaad baan dhamaysaney e’.

  6. saleh says:

    Qorshaha roadmapka ayaa cadeeynaya howsha mihiga uuwado hadii arintaasieey somali aqblaan waa udhamaatay.
    kalaqeeybinta soomaaliya wamid muuqato biyadhceeda waliba shirka LADAN ayaa shaki weeyn aan kaqabaa.

  7. Bashir says:

    Arrinta uu Ambassador Mhiiga ku dhawaaqay, ma ahan arrin cusub, waa arrin muddo dheer la qorsheynayay oo Somaliya in la goobo goobeeyo loogu tala galay, sababta dhanna aay tahay in kheyraadka DHULKA IYO BADDA buuxa aan loogu helin Dowlad Soomaaliyeed oo MIDEYSAN.
    Bal dib u eega oo goormey billaabmeen Madaxweynayaashaan faraha badan ee GOBOL kasta lagu magacaabay? Qorshaha ROADMAP-ka yaa
    inoo keenay? Kenya iyo Etobiya yaa gadaal kasoo riixaya?
    Shirkadaha Batroolka oo Kenya HESHIISKA kula gashay Baddayada
    yaa la xisaabtamaya oo hadal haya?
    Ummadda Soomaaliyeed GACMAHA HA ISQABSATO oo aan u wada tashanno sidii aan u bad-baadin lahayn DALKAN faraha kasii baxaya.
    Waqti haray oo la sugo ma jiro. Maaweelada Roadmap-ka iyo KENYA
    iyo ETOBIYA ayaa Somaliya XOREYNAYANA meel aan iska dhigno.
    Inkastoo tabartayadii meel lagu hubsaday oo aad wada arkeysaa,
    ayaa hadda waxaa noo furan oo kaliya in aan banaanbaxyo aan kala go- lahayn aan kusoo badbaadsanno Dalkayaga ANNAGOO ASHTAKEYNEYNA KENYA iyo ETOBIYA oo aay dabada ka riixayaan
    Dowlado Shisheeye oo diidan magacoodu in uu galo LIISKA MADOW
    oo qalalaasaha ka wada GEESKA AFRIKA ayagoo daba ordaya dano
    dhaqaaleed. Arrintaasi waa sida saxda ah ee Soomaaliyeey hallagu dhaqaaqo qorshaha banaanbaxyada aan kala go- lahayn illaa iyo inta
    isbaddal dhab ah laga arkayo.

  8. guuleed says:

    Marka hore waad salaamantihiin bahda somalitalk.

    Waxaan dhamaan ummada soomaaliyeed ee midnimada wadankooda jecel
    u sheegayaa in ay arintan uu ninkan tanzaaniyaanka ah een soomaali waxba ka aqoon ku hadaaqay waa in laga dhiidhiyo oo aan laga aamusin
    U.N tana waa in laga codsadaa in ninkan si degdeg ah loo badalo maadaama uu xaalada adag ee wadanku kusugan yahay uu uga sii darayo.
    Ninkan hadalkuu ku hadlay ma aha wax uu iska yiri ee aniga waxay ila tahay in ninkani iyo cidii soo dirsatayba ayna soomaaliya wanaag u wadin in la burburiyo oo wadanka la kala goo gooyo ayaa ladoonayaa, war bal jabuuti daya, somaliland, jubbaland, banadirland,shabeelle land ,kililka shanaad,nfd,dooxada shabeeelle land iyo balaayo land.

    War soomaaliyeey hurdada kakaca oo cadawga duulaanka ah meel halooga
    soo jeedsado war wax la kala qaybiyo ma hayno oo waxaan nahay dad yar
    oo mawjado ka xoogbadani duulaan kuyihiin baan nahay, dariiqa kaliya ee inoo furan ee aan ku badbaadi karno waa inagoo cadawga meel uga soo wada jeedsana kana hortagna diidnana dhagarta iyo dibindaabyada ay nagu wadaan.

  9. Ali says:

    Mahiga afka unbukayiri ee wax ficil ah musan samen.Af gobadsiguna waa dhaqanka Somaliyeed.Xildhibanadu meelkale beey ka goos qaneensanyihiin ee hacadestaan arimahooda.

  10. darwiish says:

    runtii nin kaas laleeyahay waxbuu kalajarayaa in wakhti lagu lumiyo maaha somali hadey israbto hasraacdo

  11. ilyaas says:

    As/wr/wb, waan idin slmy dhammaan shacbiga soomaaliyeed gaar ahaan inta jecel kana shaqeyneysa midnimada umadda iyo dalkaba, sln kadib, waxaan aad iyo aad iyo aad uga soo horjeeda fikirka iyo mowqifka iyo waliba dhaqanka gurracan hadana qaldan misna wax udhimaya midnimada umaddeena soomaaliyeed ee uu wado mujrim mahiga, run ahaanti aniga iyo inta igu fikirka ahba markii horeba ma aanan jecleysan ninkan iyo hab dhaqankiisa waa khaa’in, mushrik, mujrim Alle ka fog hadana aanan ku faraxsaneyn horumarka iyo midnimada dalkeena iyo dadkeena, waxaase igala sii liita kuwa ka amar qaadanaya hadana ku leh waxaan mataleynaa umadda iyo dalka SOOMAALIYEED, walaalayaal nin walba oo damiir lihi ha ka dhiidhiyo ficillada iyo falalka gurracan ee wax loogu dhimayo midnimada umadda soomaaliyeed, ee uu wado dulligan gumeystaha ah, midna maanka ha lagu hayo “MIDNIMADA UMADDA SOOMAALIYEED IYO DALKUBA WAA MUQADDAS” war ogaada walaalayaal in umaddu kala maarmin hadana midnimada iyo isku duubnidu tahay wax wayn oon wax loo dhigo la arag, Allah ayaana horey inoogaga digay oo kuyiri qowlkiisa xikmada badan: ‎‏(واعتصمو بحبل الله ‏جميعا ولا تفرقو‏)‏‎

  12. Dr ashalul says:

    Waxaan aad uga xumahay Xildhibaanada masuulka ka ahsomaliyada cusub ee aan fahmin shaqadooda sida ku cad hadaladooda somaalidu waxay ku maahmaahda nin tiisa daryeela ayaa tukale ku dara anigu waxaan odhan lahaa bal horta waajibka idin saaran ka soo baxa mahiiga wuxuu yidhi way cadahay ee waxaan idin odhanlahaa fahma afsoomalig hora loo yidhi hadal waa mergi hlkii ladoona loo jiida Somaali and way uqalantaa ama way istaahisha wax aad ka cabataan maaha somaliland si nyad ah bay u goday ee ha is ceebeynina tani galbatey ee sharaf xumada iska daaya tiina ka fekera ee aad cidwalba ku casumeysaan ee aad u caal weydeen

  13. qooqani says:

    somalida waxaa moodaa in ay aqli la heen maxaa yeelay waxaa 22 sano ku ciyaareyso IGAD oo itoobiya u taliso jabuuti iyo kenyo waa kabo qaad marka dhibka dhan waa itoobiya iyo mahiiga idikana waxba ma fahmin waxaa kuu soo haray alshabaab qabeelo ayey u kale go doonan dowlada ku meelgaarka aydana waa lagu kale tagidoona maxaa yeelay dhibka eaa labada shariif iyo baarlamaanka 500 boqalka ah oo ann nina soo dooranin dhibka somalia waa sidaas marka shacabka ayaa been loo sheegin somaliland waa qabiil qabalana dowlad ma noqoto ,

  14. Hassan Aden says:

    War Mahiige waxa uu qorsheeynayo miyeeynaan garan? Waxa uu doonayaa inuu u dhiso Soomaaliya dowlad jeebkiisa ah oo aan ku meel gaar aheeyn taasoo awood u e leh shareciyan sharcigooda inay saxiisido wareehinta milkiyadda in ka badan sagaashan boqolkiiba badaha Soomaaliyeed. Bacdamaa Somaliland aaney u diyaar aheeyn amaba aaneey muuqan xilli ay koofurta wax la wadaagi karto, waxa haddaba q

  15. caaliya says:

    asc bahda somalitalk jasakumullahu kheyran sida aad dalka u difaacadaan waxanse idinku baraarujin mahiiga dhagartiisa dadka u iftiinsha waayo midnimada soomaali waa muqadas, walaalaheena woqooyi markii itoobiya u hanjabtay xitaa hadal kuma aysan oran waayo garab ma hestaan oo soomaali oo dhan meel bey ku ogaadeen marka mahiiga ha laga hortago somalilanda dan uma hayo soomaali oo dhana dan uma hayo ee dadka ugu yeera oo abaabula mudaaharad lagu diidan yahay siyaasada guracan ee gumaysi iyo bahdilku ka buuxo. Aaway ragii soomaaliyeed ee caqliga badnaa arintan waa tijaabo oo wuu idinku eegi sidaad ula tacaamushaan ee meesha ka kaca.Tawfiiqda Alle ha na waafajiyo.