Home » Faallo »

Tacsi: Sheikh Dr. Ahmed Haaji Abdirahman oo lagu diley Boosaaso

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Waxaa nasoo gaaray in Dr. Ahmed Haaji Abdirahman oo kamid ah Culimmada Soomaaliyeed kuwa ugu Magaca Dheer xaga aqoonta lagu dilay magaalada Boosaaso kadib markii uu salaada Subax kasoo baxay.

Waxaa sidaa noo xaqiijiyey Sh. Mohamud Qorane oo aan Boosaaso kala xiriiray wuxuu yiri “Dr. Ahmed Haaji Abdirahman illaahay ha u naxariisto isagoo Salaada Subax kasoo baxay Gurigiisana u socda ayaa madaxa Sadex xabadood looga Dhuftay, hada aan kula hadlayana waxaa lagu Diyaarinayaa Jinaasadiisa Isbitaalka Magaalada Boosaso”.
Bahda Somalitalk ayaa tacsi u diraysa dhamaan Eheladii iyo qaraabadii Dr. Ahmed Haaji iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee Dr. Ahmed ka geeriyooday, illaahay waxaan u waydiinaynaa samir iyo imaan inuu ku arsaaqo dhamaan ummada Islaamka ah oo Dr. Ahmed hanwayn u qabtay marjicna uu u ahaa. illaahay Sheikh Dr. Ahmed waxaan u waydiinaynaa inuu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo.


Reer Doxa/Qatar oo ka tacsiyeynaya geeridii Dr. Axmed Xaaji Cabdaraxmaan

بسم الله الرحمن الرحيم

إنا لله و إنا إليه راجعون
إن لله ما أعطي وله ما أخذ ولكل شيء عنده بقدار
Dhamaan culimada ,odayaasha dhaqanka iyo dhamaan jaaliyada somaaliyeed ee kudhaqan dalka Qatar waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ooga direynaa eheladii ,asxaabtii ,bahda culimada iyo dhaman umada somaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee kutimid alaha unaxariistee DR ,SHEEKH AXMED XAAJI CABDIRAXMAAN . waxaana leenahay EBBE samir iyo iimaan ha idinkasiiyo, badal kheyr qabana ha idin kugu badalo.
sheekha wuxuu kabaxay umada somaaliyeed meelkasta ay joogto waxaana waajib ah in cadaalada lahorkeeno gac kudhiiglayaashii falka geeystay.
Xubnaha tacsida dirayo
1/ SHEEKH MAXAMED XAAJI YUUSUF
2/SHEEKH AXMED XAAJI QAASIM
3/ SHEEKH CABDIRASHIID SHEELH CALI SUUFI
4/SHEEKH ADAN SHEEKH XASAN
5/SHEEKH CABDIXAKIIM SHEEKH CALI SUUFI
6/NABADOON CABDI JAAMAC
7/ USTAAD ADAN CABDI ABUUZUHRA
8/SHEEKH AXMED MAXAMED XAAJI
9/ CABDIRAXMAAN SHEEKH
10/ SHEEKH YAXYE AXMED
11/ MUKHTAAR MAXAMED MUKHTAAR
12/ CUMAR IBRAAHIM AADAN
13/ QADAR BUULE GARAAD
14/ C/WALI KHALIF
IYO AKHYAAR BADAN OO AAN HALKAAN LAGUSOO KOOBI KARIN MAGACYADOODA
MAHADSANIDIIN
La xiriir:
abdiweliqalif@hotmail.com


Australian-Puntland Diaspora oo ka tacsiyaysay geerida Dr Ahmed iyo Suuqa

Anniga oo ku hadlaya magaca Qurba joogta reer Puntland waxaan tacsi guud iyo mid gaarba ah u dirayaa reer Puntland anniga oo uga tacsiyeyna geerida ku timid Dr. Ahmed Hagi Abdirahman iyo gubashadii suuqii weynaa ee magaalada Boosaaso oo khasaara weyn u geystay hanti badan oo ay lahaayeen reer Puntland. Illaahay ha u naxariisto Ahmed Hagi Abdirahmaan oo ay dishay gacan ka xaq darani, kuwa hantidooda lumiyeyna ilaahay ha siiyo bedel khayr qaba oo ay kaga soo kabsadaan dhibta dhaqaale ee gaartay.

Dilka Dr. Ahmed Hagi Abdirahman iyo gubashada hantida ummada labaduba waa kuwa u baahan in dersi laga qaato lagana qabto wixii ku haboon. Waxaa loo baahan yahay, waqtigaan adag isku duubni, wada tashi, feejignaan, iyo iyada oo isku meel looga soo jeedsado amaanka dalka dhinac walba. Dawladu waxba ma qaban karto haddii aanay jirin taageero shicikeedu siinayo. Run ahaan waa wax laga naxo in maalin walba la dilo hal doorkeena, oo lagu dilo horteena, kii dilayna horay u sii socdo, sheekaduna ku dambayso “waa lagu raadjoogaa”.
Illaahay ha naga xafido dhamaan xumaha wixii dhib wadana illaahay iyaga ha ugu gaar yeello.
Mahadsanid,

Madaxa Qurbajoogta Puntland ee Australia
Omar Mohamud Dhollawaa
dhollawaa@yahoo.com.au


Waxaa maamulka guud ee Ururka PDF uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Shacabka
Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland ee ku cayroobay dabkii naxdinta lahaa ee qabsaday
Suuqa Boosaaso.

Waxaa kale oo tacsi taas ka sii tiiraanyo weyn aan u diraynaa qoyskii,
eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Dr. Axmed Xaaji oo ay gacan ka
xaqdarani ku dishay Boosaaso isagoo soo gutay cibaadadii , kana soo baxay Gurigii
Ilaahay.

Labadan dhacdo iyo kuwo kale oo badan horayna uga dhacay Soomaaliya, gaar ahaana
Puntland waxay tusaale ka yihiin sida kooxaha wax magaratada ahi ay u caadaysteen
daadista dhiiga daahirka ah ee Muslimka ah een waxba galabsan iyo dabargownta
hantida iyo ilaha dhaqaalaha ee ummadu kala soo baxdo qutulyoomka.

Kumanaan ayay kor u sii dhaaftay inta biri-magaydada ah ee sida xaqdarada ah loogu
xasuuqayo Soomaaliya iyo Puntland-ba, taas oo looga dan leeyahay sidii ummada
indhaheeda iyo garaadkeeda loo dabargoyn lahaa si markaasi maato aan awood iyo
xeelad lahayn oo hadba dhinac loo cayrsado laga yeelo ummada.

Hadaba waxaa ururka PDF uu taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagayaa dhamaan
dadkii ku waxyeeloobay suuqii Boosaaso. Waxay kaloo diyaar u yihiin inay shacabka iyo
dowlada Puntland kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga, loo midayn lahaa
shacabka, meelna looga soo wadajeesan lahaa nabad iyo samo diidka ku soo badanaya
Puntland.

Waxaan dhamaan Qurbajoogta reer Puntland meel ay joogaanba ka codsanaynaa inay u
gurmadaan shacabkooda, la yimaadaan taageero wax tar leh lana taaban karo.

Waxaan kale oo Qurbajoogta aan ku wargelinaynaa in guddiga daryeelka iyo horumarka
Puntland ee ururka PDF uu ku howlan yahay inuu soo diyaariyo waxyaalaha loogu baahi
badan yahay oo wax ka tari kara ka hortaga musiibada noocaan oo kale ah, dib u dhiska
suuqa, iyo taageerista dadkii ku cayroobay dabkaasi. Waxaanan arintaan iyada ah kala
kaashanaynaa ururada Madaniga ah, ganacsatada, culimada iyo dowlada Puntland-ba.
Wixii faahfaahin ahna dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa.
Mahadsanidiin,

Guddiga Saxaafada iyo Xiriirka Bulshada
Puntland Diaspora Forum
puntlanddiasporaforumuk@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Tacsi: Sheikh Dr. Ahmed Haaji Abdirahman oo lagu diley Boosaaso "

  1. إنَّا للّه وإنَّا إليه راجعون
    اللهم اغفر له، وارحمه، وعافه، واعف عنه، ووسع مدخله، وأكرم نزله، واغسله بالماء، والثلج، والبرد، ووقه فتنة القبر وعذاب النار (آمين)
    Waxaan halkaan TACSI TIIRAANYO LEH uga dirayaad dhammaan qaraabadii, qoysaskii, carruurtii iyo caailadii uu ka tegey Allaha u naxariistee Sh. Axmad Xaji C/man. Waxaan kaloo tacsi u dirayaa Culumada Somaliyeed meelkasta oo ay joogaanba, Shacabka iyo guud ahaan ummadda Somaliyeed oo weydey barbaariye weyn. Sh. Axmad wuxuu ahaa nin ku xeel dheer diinta Islamka, laguna yaqaan dulqaad, xishood, deeq iyo wardeeqsiinba. Allaha u naxariisto Sh. Axmad Xaji C/man, ummaddana baddal khayr qaba Allah siiyo (Aamiin)
    Adam Maxmad Ciise
    Toronto, Canada
    aesse@rogers.com

  2. Muslimah says:

    Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.Ilaahay ha u naxariisto sheekha,Somaaliyeey ilaahay u towbad keena,ma hadaad bilowdeen culimadii in la dilo,ilaahay fitnada socota hanaga badbaadsho,culimada geeridooda waa calaamatul yowmul qiyaama,,Allaahuma arzuqnaa xulnul khaatima..

  3. Mohamed Ahmed says:

    Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicun Allaha u naxariisto SHeikh/Dr.Ahmed Xaaji Cabdiraxman intii uu katagayna samir iyo iimaan allaha kasiiyo.
    Aamin Aamin Aamin.

  4. inaa lilaahi wainaa ilayhi raajicuun ilaahay ha u naxariisto walaalaha waxaan leeyahay is ka ilaaliya dadka faasiqiin ta ah alee wuxuu yiri ا