Home » News »

Musiibaddii Suuqa Boosaaso: Maxaa la gudboon Reer-Puntland.

Waa wax laga naxo dhaawaca dhaqaale iyo ganacsi ee meeshaas ka dhacay, waana tacsi tiiraanyo leh oo ku habsatay kumanaan qof oo Soomaaliyeed kuwaas oo badankood ahaayeen dad juhdi badan la yimid, dhidid badana u sayray unkistii maalkaas malaayiinta lagu qiyaasay ee ku basbeelay Suuqii Dalka Soomaaliya ugu baaxada weynaa.
Hadaba su’aasha meesha taala waxay tahay, side loogu gurmadaa shacabka ku cayroobay meeshaasi, side dib loogu dhisaa suuqii, sideese loo xaqiijiyaa in aafadaasi mid la mid ah aysan dhicin. Waxaan qabaa musiibo kasta oo dhacda inay tahay darsin mudan ku tusaale qaadasho. Hadaba hadii awooda iyo maskaxda la mideeyo qorshe suubana lala yimaado waxaa iman karta in awood loo helo in mushkiladaas laga hortagi karo si aysan dib danbe u dhicin, Eebe idankiis.
Suqaas Boosaaso horay ayaan dhowr jeer u arkay baaxadiisa iyo dhaqaalaha yaalayna waan ka dharagsaa, balse waxyaalo aan laaxiday oo aan is leeyahay way sababeen dhibka dhacay ayaa jira, kuwaas oo u baahan in lagu saleeyo dib u dhiska suuqa.

Ciriiri:
Suqaani wuxuu ahaa mid ciirciiraya oo ciriiri badan, wuxuu ahaa mid ay taalo alaabooyin aad u fara badan oo hadii dab yari (sida hadaba dhacday) qabsado aan awood loo yeelan karin in la damiyo, maadaama uu dabo ilaa dacal is haysto, shidaal, bagaash, gaas, jawaano, dhar iyo caagag , saliid iyo wax yaale kale oo u dhago nugul dabkuna ay meesha ka buuxeen.
Marka xiga suuqaani maahayn goob ama bacadle loo qoondeeyay ama loo qorsheeyay inay suuq noqoto, balse waxay ahayd suuq ay unugtay duruuftii iyo haabidii jirtay, mana ahayn saro iyo warato habaysan una muuqda suuq isku jaan go’an.

Xal:
Diinteenaa waxay inoo sheegtay in culayskastaa uu xigi fudayd, wax aan musiibo u aragnona ay dhici karto in faa’iido ku jirto. Sidaa awgeed, waxaan arkaa in fursad qaali ah oo in laga faa’iidaysto u baahan ay soo baxday maanta, taas oo ah in aan la isku dayin in suuqii cooshada iyo bagaaska badnaa magaalada bartankeedana ku oolaa aan dib loo unkin, balse in la abuuro suuq cusub oo ka baxsan faras magaalaha, kaas oo naqshad fiican wata, loo kala googooyay qaybo ganacsi oo midiba wax gaara iibiso (sida qaybta bagaashka, qaybta raashinka, qaybta Shidaalka, qaybta dharka, qaybta maacuunka iwm..).
Suqaasi marka magaalada laga dhaxsaaro goob cusubna lagu taago waxaa laga dhaxli karaa faa’iidooyin dowr ah sida:

Saxmad:
Gawaarida waawayn oo xamuulka kuwaas oo aysan magaalada Boosaaso faras magaalaheedu awooda u lahayn inay qaado ayaa lagu xakamayn lahaa aaga suuqa halkaas oo boosteejooyin midba magaalo ku aadan, sidoo kale Parking iyo goob ay ku hoydaan gawaaridaasi kuna sugaan rogista iyo rarista xamuulka loo sameeyo.

Dib u habaynta jidadka iyo bilicda magaalada:
Suuqa ku dhexyaalay magaalada ee hada basbeelay wuxuu ka hortaagnaa magaalada Boosaaso in (city planning) ama qorshe haybta iyo bilicda magaalada la sameeyo, maadaama uu baaxad weyn ku fadhiyay, gooyayna jidad aad u fara badan. Sidaa awgeed, iyadoo lala kaashanayo injineerada ku takhasusay jidadka iyo habaynta magaalooyinka ayaa Boosaaso waxaa laga bixin karaa jidad dhowr ah oo laami ah, kuwaas oo fududayn kara isu socodka magaalada, dibna u soo noolayn kara bilicda Boosaaso.

Daryeelka iyo kor u qaadista Caafimaadka:
Suqaani maadaama uu ciriiri ahaa, dad badan iyo gawaari badana soo jiitay wuxuu halis ku ahaa caafimaadka magaalada, maxaayeelay maadaama uusan jirin jidad laami ah wuxuu keenay in ciidii magaaladu in dhalan rogto noqotana bus wadata caafimaad daro iyo wasaq haday kugu dhagtona aan kaa fuqayn hadii aad ku neefsato oo jiididna aad halis u tahay in cudur aad ka qaadid.
Sidaa awgeed, rarista iyo dib u dejinta suuqaani waa mid keeni karta in boosaaso Bushashka iyo jawaanada laga dhexsaaro, in culayska laga qaado magaalada dhexdeeda, in hawadii magaaladu noqoto mid furan oo hufan oo saaxo iyo saxansaxo caafimaad xambaarsan.

Amniga iyo ka hortaga musiibooyinka:
Maadaama uu suuqaani ku dhexyaalay mabaalada wadnaheeda wuxuu soo jiitay tuugo badan, wuxuuna halis ku ahaa in hadii qolyaha wax qarxiya oo shacabka xasuuqaa hadii ay damcaan ina tiro dad ah oo badan dilaan u saamixi lahaa. Sidoo kale sida hadaba dhacday in aan hadii cid rabto inay suuqa dab geliso aan laga hartagi Karin. Hadaba rarista suuqu waxay ka hortagi kartaa dhamaan ana qaar ka mid ah dhorkaas arimood. Waxaa intaa sii dheer in suuqa ay ku wareegsanaayeen kuna dhexyaaleen hoteelo ay ku hoydaan kumanaan dad ah sidaa awgeed, khatarta maanta dhacday way ka baaxan weynaan lahayd hadii aan degdeg iyo dabdabis la sameeyeen.
Gabagabo:
Isku soo duuboo waxaan soo jeedin lahaa in Dowlada Puntland, Ganacsatadeeda, Injineeradeeda, Takhaadiirteeda (gaar ahaan khubarada Public Health) ay isku ka shiraan lana yimaadaan qorshe dhaxalgal ah keeni karana badiil waaqica iyo baahida ku salaysan, kaas oo lagu sugayo dhowrista dhaqaalaha iyo ganacsiga , lagu xaqiijinayo amniga , kor loogu qaadayo bilicda magaalada, lagu xakamaynayo cudurada faafa si loo helo bulshi caafimaad qabta.
Waa in kooxaha aan kor ku xusan ay ka faa’iidaystay, la tashadaan, awood iyo taageerona ka dalbadaan Qurbajoogta Puntland, Dowlada TFG iyo Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa dowliga ahba.

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.